Home » WARARKA MAANTA » Faah-faahin laga helayo qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Faah-faahin laga helayo qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Ciidamada Booliska ayaa warbixin ay soo saareen ku faah-faahiyay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir.

Jen. Maddaale, oo warfidiyeenka la hadlay, ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu rakibay oo ay ciidamadu qabteen.

Ciidamada ayaa qabtay gaarigaas, ka dib markii ay israaseeyeen rag hubeysan oo gaariga la socday, waxaana -sidoo kale- gacanta lagu dhigay mid ka mida laba nin oo gaariga la socday.

Saddex ka mid ah qeybta miino-baarka ee ciidamada Booliska ayaa ku dhintay qaraxa oo dhacay mar ay ciidamadu isku dayayeen in ay furfuraan miinooyinka gaariga ku xirnaa.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu weerar ku ahaa meel aan la xusin oo magaalada ka mid ah, halkaas oo uu qarxin rabay.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super