Home » WARARKA MAANTA » Dowladda Qadar oo maanta howl muhiima ka qabatay Muqdisho

Dowladda Qadar oo maanta howl muhiima ka qabatay Muqdisho

Dowladda Qadar ayaa waxa ay maanta gurmad cunno ah u fidisay dad tiro badan oo ka mid ah kuwa abaaraha ka soo barakacay ee ku nool Muqdisho.

Danjiraha Qadar ee Soomaaliya ayaa gurmadkan waxa uu ku wareejiyay guddoomiyaha gobalka Banaadir,  si uu ugu sii gudbiyo dadkii gurmadka u baahnaa.

Qoysas tuulooyinkii ay ku noolaayeen abaaraha iyo nolol-xumadu dartood uga soo barakacay, oo hadda ku sugan duleedka Muqdisho, ayaa loo fidiyay gurmadka ka yimid Qadar, iyada oo marka gurmadka la samaynayay ay goob-joog ahaayeen safiirka Qadar iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Dowladda Qadar ayaa la xasuustaa in ay qeyb weyn ka qaadatay gurmadkii lagu samatabixinayay dadkii ku dhibaatoobay abaarihii sannado ka hor ku dhuftay Soomaaliya.

Dowlado iyo hay’ado caalami ah ayaa ka hadlay abaaraha dhawaanahan ka jiray Soomaaliya, waxaana dalka soo gaaray mas’uuliyiin caalami ah oo xaaladda u kuur-galay; balse gurmadka caalamiga ah ee abaaraha wax looga qabanayo ayaa weli ah mid aad uga hooseeyo heerkii laga filayay.

 

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super