Home » Qormooyinka » Dowladda Farmaajo iyo ninkii hurdada ku lugeeyay!! (Qormo)

Dowladda Farmaajo iyo ninkii hurdada ku lugeeyay!! (Qormo)

Qof walba qaab ayaa u u riyoodaa. Qaar waxaa jira riyada ku qeyliya, oo ku sheekeeya. Qaar waa ay iska aamusnaadaan, oo aayarkooda ayaa ay cirka ka shishe ku dawaafaan. Qaar kalena riyada waa ay la soo kacaan, oo la socdaan, bannaanadana la wareegaan!

Khibradaha riyooyinka ka sheekayn badan u ma baahna, oo qof kasta qaab ayaa uu u yaqaannaa.

Nin oday ah ayaa iiga sheekeeyay in markii ugu darnayd ee uu riyoodo ay ahayd mar ay riyadii sariirtiisa ka soo kicisay, oo ay bannaanka u soo saartay; isaga oo aan is ogayn!

Inta uu albaabkii guriga iska soo furay, ayaa uu iska soo laafyooday, oo jidad; iyo luuqyo dhaadheer soo dhex-jibaaxay. Dadka intii arkaysay waxa uu u ahaa ninkaas xarragoonaya, ee jidka socda. Haddii uu dhacdhaco, ama qardajeexana, qaar dadka ah marka ay arkaan; waxa uu u ahaa nin waalan, ama mid cabsan; oo itaalkiisa socda.

Cidna ku ma aysan soo dhicin in uu ninkani yahay mid hurdaya, una baahan in sariirtiisii lagu celiyo.

Istuska iyo aragtida ay dadku ka qaateen ha khaldanaato, isagana yuusan ahaan qof soo-jeeda oo ogaan kara in sida uu u riyoonayaa aanay ahayn sidii loo riyoon jiray, meesha uu ku riyoonayana aanay ahayn meeshii lagu riyoon jiray; balse waxaa intaasba ogaysiiyay runta, waase mar aanay ogaanshaha runtaasi waxbana u soo kordhinayn.

Sidii uu u soo jiitamayay -oo ay dadkuna nin socda ugu xisaabinayeen- ayaa uu laammiga cagta soo saaray, halkaas oo qof hurdada ku socda iska daa e, kuwii soo jeeday ay taxaddar ku maraan, si baabuurta waallida ku socda ay isaga ilaaliyaan.

Laammiga laga ma yaqaan cayaar-cayaar, ma na aha meel lagu riyoodo, ama lagu hurda-socdo. Sidaas darteed, runtii halkaas tiillay -ee halista badnayd- ayaa go’aan ku gaartay in ay ninkan odayga ah ku celiso sariirtiisii, si uu u soo hurda-dhammeysto. Laakiin ku-celintaasi ma ahayn mid odayga lagala tashaday, oo uu ku sii talogalayay. Baabuur xawaare dheer ku socda ayaa madaxa ku qaaday odaygii hurdadayay, waxaana uu odaygu soo baraarugay isaga oo dul-jiifa sariir aan tiisii ahayd. Markii uu dadka weyddiiyayna, waxaa loo sheegay in uu riyada ku socday, ka dibna ay runtu isbaaro u dhigatay, halkaasna soo jiifisay.

Maalintii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa kacday mowjad xiiseyn iyo jacayl ah, oo lagu soo dhaweeyay madaxweynaha. Waxaana ay dad badan oo shacabka ka mid ah istuseen horumar iyo isbeddel xawaare dheer ku socda oo dalka ka billaaban doona.

Dareenka noocaas ah, ma aha mid hore looga bartay bulshada Soomaaliyeed. Waxaase arrintaas hormuudkeeda ahaa aragti dadweyne oo  laga sameeyay madaxweynaha cusub, taas oo ay dadka ka-fiirsashada badan u arkayeen mid aan tijaabin mooye e, degdeg loogu sacabba-tumi karin.

Halkudhegyada quruxda badan ee ay taageerayaasha Farmaajo ololahiisa doorasho ku xoojinayeen  sida; ‘DALKA, DADKA IYO DANTA’, iyo ‘NABAD IYO NOLOL’. ayaa ay dad badan u arkeen mucjisooyin cirka ka yimid oo wata roobab barwaaqeed, kuna soo di’I doona meel kasta oo dhagax iyo dhul-bannaan  ahayd ahayd, si ay uga soo dhaliyaan dhir iyo cusub lagu il-duugsado.

Intii ay farmaajaysnaanta barakada lagu sheegay billaabatay – oo bil iyo maalmo yar ah- qaraxyada Xamar ka dhaca waa ay sii socdaan, dilalka qorsheysanna si dardar leh ayaa ayba u billowdeen. Qaar Farmaajaysan, oo aanay runtu qancinaynna, waxa ay weli ku doodayaan in mucjisada iyo barakada farmaajaysnanta ay wax walba beddeli doonto marka la dhammeystiro xukuumadda cusub.

Dadka siyaasadda la socda ayaa ka cabsi qaba in xammaasadda farmaajaysnaantu ay dowladnimada Soomaaliya ka dhigto sida ninkii riyada ku socda, kaas oo runta keli ah ee ka kicin karta ay noqon doonto xaqiiqada adag ee fagaaraha taalla, oo sidii baabuurkii xoogga ku socday madaxa ku qaadi doonto.

Axmed Cumar Nuur

Mogadishu-Somalia

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super