Home » SHIRIB-YADA » “Dood Shirib ah oo aad u xiisa badan.! SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ Hassan Kaamill Cuute (Shiribmaal)

“Dood Shirib ah oo aad u xiisa badan.! SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ Hassan Kaamill Cuute (Shiribmaal)

“Waa dood Shirib ah oo dhex martay Seddexda Qowsaar ee qeydinka kala qaadanaya. mayee Seddexda Taliye ee Toolmoon isu tebenaya, may ee Seddexda madaxweyne ee Maandeeq kala minguursanaya. ee kala ah
Mudane Shariif Sheekh Axmed
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
waana Shirib is marxabbeyn, iyo macasalaameyn ah dardaaranna kama reebbana
Shiribka waxaa bilaabaya Mudane Xasan Sheekh waxaana ku xigsanaya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaana ugu dambeynaya mar kasta oo labada madaxweyne u jawaabaya Mudane Farmaajo
Haddaba aan idiin kala dhex baxo Shiribka iyo sidii la isu weydaarsaday,

 

                  Mudane Xasan

Arwaaxda noloshaa adduun                                                                              Lagu unkaahe saas ogoow

Mudane Shariif

Anna oday horaan ehee
Aqalka heyga saaran ood

Mudane Farmaajo
Alloow idin ammaana yeel
Abaalna waad astaahishiin!

 Mudane Xasan
Afarti sanadood ogeed
Ha oran ebereey aheyd

 Mudane Shariif
Anna bilaawgiyaan ehee
Aqoonso yaanna ley ulleyn

Mudane Farmaajo
Adduunyo marna waa awood
Marna adaa lagu amraa

 

Mudane Xasan
Ildhacday sooma oomantee
Ambii ilaaw ambii aqool

Mudane Shariif
Aqal asoon lama afdhuub
Loo aasin udbahaan imaan.

Mudane Farmaajo
Maan aadanoobo waa arkaa
Amaanse waa idiin u waad

 

 Mudane Xasan
Abaarta ha illaawinoo
Adeegso umaddaa guud.

Mudane Shariif
Inna fataxya alladii
Koo aqriyee Alloow ajiib.

Mudane farmaajo
Anna inaan ajiibsadee
Aamiin iraahdo waa u waad

 

       Mudane Xasan
Awoodi shacabkood ogeyd
Agtaa lagaa dhigee ogoow

Mudane Shariif
Amarka dowlo waa ajiib
Eedeynna laygu arki maa

Mudane Farmaajo
Inaan idin ammaan gelshee
Isla shaqeyno waa arwaax

 

Mudane Xasan
Adaana igasii ogee
Doqi uganda eed qabyee.

Mudane Shariif
Hana illoobin eel horaa
U aasaan koomana imaan.

Mudane Farmaajo
Acrod kambaala waan ogaay
Aalyarse waan agaasimaa!

 

 Mudane Xasan
Aala sacuud ma eel yaree
Itaalkaad ku socee ogoow,

Mudane Shariif
Etoobiyana waa abraar
Aqalka koo fadhee ka aal,

Mudane Farmaajo
Alle hanna amaansadee
Arli xawilanaan arkaa!

 

 Mudane Xasan
Abuu Dabey Ameerikeey
Ardaayga ka dhex oodataa.

Mudane Shariif
Ingiriis waaba ogtehee
Yaan uun indhayar kuu imaan.

Mudane Farmaajo
Awraan haddeey aroor aheed
La arkinaad agaansinteen!

 

“Waxaa curiyey: idinlana wadaagaya Hassan Kaamill Cuute(Shirib-maal)

x

Check Also

Shiribka Maanta Iyo Shaaciye W/C/ Hassan Kaamill Cuute Shiribmaal

“Afar walxaat Alif ku taal Iyo afar kalaan arkaa: Ummad amarki diidayee La imtixaanayaan arkaa, Eedya dagaalya aanfa guud                       ...

Shiribka Maanta iyo Shaaciye W/C/ Laashin Abuukar Axmed Cabdulle (Taqi)

Waa Shirib  dardaaran ah oo dhinacyo badan taabanaya Alifya afartiisiyaan Erayadaan ka allifaa, Illaaheey  amarkiisiyaan Ku iri wixii aan uwaad, Idinna heeydin anfacdee U geeya madaxdaan ogeyn, Isiiya foogta ii ...

Watch Dragon ball super