Home » Qormooyinka » Donald Trump oo ka farxiyay Sucuudiga (akhriso xog muhiim ah)

Donald Trump oo ka farxiyay Sucuudiga (akhriso xog muhiim ah)

Boqorka Sucuudiga iyo madaxweynaha Mareykanka ayaa yeeshay kulan ay ku lafa-gureen arrimaha Iran, iyaga oo kulankooda ku kala saxiixday heshiis ka dhan ah dowladda ay xarunteedu tahay Tehran.

Warbaahinta carabta ayaa faafisay war sheegaya in kulanka labada mas’uul dhex maray uu ka dhigan yahay isbeddel taariikhi ah oo ku soo kordhay xiriirka Sucuudiga iyo Mareykanka.

Wixii ka dambeeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donad Trump, waxa ay boqortooyada Sucuudiga go’aansatay in ay tamar hor leh ku biiriso rejadeeda ku saabsan hagaajinta xiriirka ka la dhexeeya Mareykanka, maadaama ay madaxweynihii hore mudane- Barak Obama u arkeysay mid xiriirka Sucuudiga ka hormarinaysa heshiiyada hubka Nukliyeerka ee Iran.

Kulanka hadda dhex maray boqorka Sucuudiga iyo madaxweynaha Mareykanka ayaa la sheegayaa in uu xaaladda dib u hagaajinayo, isa markaana uu dhalinayo fursad weyn oo ay labada dal ku cusboonaysiiyaan iskaashigooda dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.

Xiriirka Mareykanka iyo Sucuudiga  oo tobanneeyo sano soo socday ayaa xummaaday wax yar uun ka hor intii uusan xilka ka tegin madaxweyne- Obama. Waxaana ay xaaladdu sii darsatay markii Kongareeska Mareykanku uu soo saaray sharci ogolaanaya in ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerarrradii argagaxiso ee 11-kii Sibtember, 2001 ay dacwad ku soo ogaan mas’uuliyiin Sucuudiga u dhashay, oo ku eedeysan in ay taageerayeen kooxihii fuliyay weerarradaas.

Dhinaca kale, waxaa sii xoogeysanaya loollanka ka jira bariga dhexe, ee u dhexeeya dowladaha Carabta iyo Iran, iyada oo markan ay hoggaanka loollanka dhanka carabta ay gacanta ku dhigtay dowladda boqortooyada Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa horeba u ahayd cadaw-siyaasadeedka koobaad ee ay Iran ku leedahay gobalka, waxaana labada dal ka dhexeeya khilaaf muddo soo jiray, oo dadka arrimaha gobalka la socda ay ku sheegaan mida salka ku haya hoggaaminta siyaasadda gobalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee arrimahan laga helo ayaa waxa ay sheegayaan in Sucuudigu ay markan qaadday dhabbo cusub oo ay ku baadigoobayso guul ay ka gaarto xarig-jiidka siyaasadeed ee kala dhexeeya Iran.

Boqorka Sucuudiga ayaa kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Mareyanka waxa uu kagala hadlay arrinta Iran. Waxaana ay labada mas’uul isku raaceen in Iran ay halis ku tahay gobalka.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super