Home » Qormooyinka » Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke. Qalinkii Prof. Yaxye Sheekh Caamir

Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke. Qalinkii Prof. Yaxye Sheekh Caamir

Yaa Dilay ? Maxaa loo dilay?
Leysma weydiin sababta loo dilay inkastoo dilkiisa lala xiriiriyo doorashadii. fiiri marqaati buuga Kashfu Suduul Can Taariikhi Soomaal ee uu qor Sheekh Axmad Cabdalla bogga 20aad. Qoraalada qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL, Sabab kasta halloo dilee waxaa la ogyahay in la dilay 15-kii Ok. 1969-kii saacadu markey aheyd 11 subaxnimo waxaa lagu dilay magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool, hal usbuuc Kacaanka ka hor, waxaana dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska, kaa oo dib laga toogtay 10-kii Feb. 1971-kii.

Marka Madaxweynaha la dilayay Ra’isui Wasaare Cigaal wuxuu ku maqnaa Mareykanka sida ku cad buuga Somali Rev. ee uu qoray Lugi bogga 294. Dilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka horeeyey isku day dil oo fashilmay oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, ayadoo lagu weeraray Bambo gacmeed agagaarka Garoonka dayaaradaha Md. Adan Cabdulle ee Muqdisho sanadkii 1968.

In kastoo xeer ilaaliyihi guud ee kacaanku yiri”Dambiilaha xukunkiisa dilka ah waan fulinaynaa, hase ahaate dambi baarista waa sii wadeynaa. Illaa iyo hadda lama maqal wax ka soo baxay baaritaankii. ((( hala yaabin Hadda haddii aad maqasho, guddi arrintaa baara ayaa loo saaray, jawaabna aad weysid waxa ay noqotay dhaqanka dowlad somaaliyeed)))

Dadkii aan baaritaanka ka sugeeynay hadalkoodii waxaa ugu dambeeysay iyaga oo leh : dilaaga waxaa la yiraa-saciid orfano . Police-kii baaritaanka laas caano loogu diray waxaa ka mid ahaa: Jan.Abdi Ibrahim (Waqooye), Xeer illaaliye Ina Farax iyo col. Xirsi kanadiid .

Gudigaa kacaanku u magacaabay baaritaanka sababihii dilka waxaa ka horeeyay Guddi kale oo dowladdii shibilku magacaawday. Fiiri Marqaati Madaxweynihii KMG Sheekh Muqaar Maxamed Xuseen dikareetadii ugu horeysay ee uu saxiixo oo aan filaayo iney aheyd tii ugu dambeysay, wuxuu ku saxiixay Md. Sheekh Muqtaar Xuseen oo ah Madaxweynaha KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Fiiri: Marqaati buuga ururinta “Pollattino Officialo” bogga 1582aad. Dikareetada sharci ee lambarkeedu yahay 16, qodobka 6aad ee soo baxay 19-kii Octoobar 1969-kii (laba maalin kacaanka ka hor) taa oo Madaxweyne sheekh Muqtaar uu ku magacaabay guddi soo baara dilkii C/rashiid cali sharmaarke, guddiga uu magacaabay oo ka koobnaa sagaal qofood oo kala ahaa Axmed Yusuf Maxamed (canjeex), Yusuf Sh.Ibraahim, Dr .Maxamed Sheikh Gabyow, C/raxmaan Maxamuud (Dubay), C/laahi Cabdi Garon, Maxamed Cali Darie, C/laahi Maxamed Qablan, Anthonary Mariano, Dr.NlKola Maxamed. Gudigaa oo Madaxweynaha KMG Sheekh Muqtaar u xilsaaray, oo inta ayna bilaaban shaqadoodii la carqaladeeyay oo asiga iyo gudigiiba xabsiga la dhigay markii kacaankii dhashay.

Qoraala kale ayey ku qoran tahay in dilaaga oo aad loo cadaadiyay uu yiri: cidina ilama ogeyn. Dilaaga oo ka mid ahaa dadka dega Iskushuban nawaaxigeeda halkaa oo ay ka dheceen dagaalo doorasho la xiriiray ayada oo Xaji Ismail Boqor lagu dilay Iskushuban. cabasha kale ayaa jirtay oo aheed in 2dii kursi ee Isku shuban oo cadaalad daro u dhacday lana siiyay laba nin oo isku jufo ah, horana xildhbaana u ahaa. Guud ahaan dalkana dorasho cadaalad ah kama dhicin waqtigaa. Taa oo lagu eedeeynayay Xisbigii xukunka hayay ee Xaaji Muse boqor oo qaraabo la ahaa cabdirashiid. ((( doorashada aan sugeeyno 2016 Gobalada iyo dalka si cadaalad ah ma uga socotaa,mise taa hore ayaa noo noqotay dhaqan dowlad Soomaaliyeed)))

Asgarigaa dilka geystay ayaa loogu yeeraa laba magac oo kala ah: Saciid Yuusuf Ismaaciil askari No# 4745 iyo Cabdulqaadir Cabdi Maxamed, waxaa la sheegay in uu magac been ah ciidamada poliska ku soo galay, wuxuu ahaa 22 jir, mudda yar dilka madaxweynaha ka hor ayaa ciidanka loo qoray kadibna gobalkaa dilku ka dhici doono ayaa loo bedelay. (Source “Puntite”). Wuxuuna ka mid noqday ciidan Laba maalmood ka hor imaatinkii madaxwaynaha la geeyay magaalada Laas caanood si ay nabadgalyadiisa u sugaan.

Madaxweynuhu markii la diley wuxuu booqasho ku marayey dhulkaas asagoo ka jawaabayey abaaro xoogan oo ku dhufteen, Laakin Qoraaga Aw Jaamac Cumar Ciise buugiisa ( qaran jabkii Soomaaliya) wuxuu ku qoray in madaxwayne Cabdirashiid uu bilaabay inuu ku soo wareego gobolada dalka gudihisa qaarkood, gaar ahaan magaalooyinka kala ah Caluula, Boosaaso, Hargeysa, Burco, iyo Laas Caanood, taasina waxay ahayd xeer jiray, in madaxwaynuhu labadii sannaba mar uu tago gobolada, mana jirin xilli go,an oo lagu beego tegidiisa, waxaana sii raacay gudoomiyihii baarlamanka (Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen), aw jaamac wuxuu leeyahay…. sida runta ahna xilligaas siyaasada dalka waxaa hogaaminayey qabiil iyo nin jeclaysi , xidid iyo xigaalo.

Maalmihii Cabdarashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ayaa odoyaal qabiilka siwaaqroon ah oo dowlada dulmi ka tirsanayey, waxay usheegen arrimo eed sheegad ah iyo waxqabad la’aan, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka arrimaha gudaha ayaan arjigiina u gudbinaya, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamed Cawad ayaa gabay Haanfiil ah oo uu geerida madaxwaynaha ku yu’anaayo tiriyey waxuuna yiri:

a)*Run Ilaah Rashiidoow ma tihid kii Ilaah rabaye — Soomaali baad kala rartay oo reerba meel dagaye*.

b)*rafaad noqotay dunidii markii Ray lagaa dhigaye — kol hadaad Ra’iis sida Jamaal laguugu raacaynin*.

c)*rucbi kugu dhaca iyo cudur xun oo raarta kula jiifa — Ruush iyo midaan lagu daweyn Rooma iyo Kiinya.*

d)*kursigoo kula ruxda iyo ciidankoo talada kaa riixda — Rabbi waxaan baryaaya inaadan raagin oo jirine*.

Yu’aashadii ama qumay nimadii Aw jaamac sheegay ma kuu muuqataa.

Geeridii Madaxweynaha kadib Waxaa la soo jeediyay in si deg deg ah loo doorto madaxweyne . Qaar badan oo baarlamanka ihi waa diideen xukuumad degdeg ah ayadoo maydkii madaxweeynaha aan weli la aasin, laakin sida qoraalada qaar ay leeyihiin, lacag badan ayaa la bixiyay 17/Octobar/1969, waxaa la go’aamiyay 20kii oktobar marka la aaso madaxweynaha in lagu dawaaqo in Xaaji Muuse Boqor uu yahay madaxweyne subaxa 21/ Octobar 1969ka. laakin isla subaxii waxaa dhashay kacaankii, inkasoo loo digay golihii baarlamaanka in inqilaab ciidan dhacayo haddana toodaa uga muhimsaneed.

Qore: Yahya Amir

x

Check Also

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa Guudlaawe..

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar, si uu ugu dhawaaqo Golaha Wasiiradda ee Maamulkaasi, balse la hakiyey kadib, markii ay soo baxeen Khilaafka ...

Dowladda Somalia oo diyaarisay qorshihii shabaab looga saari lahaa degmada Saakow ee Gobolka J/dhexe..

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney diyaariyeen qorshihii Ciidamada maamulka Jubba Land iyo kuwa Dowladda oo ...

Watch Dragon ball super