Home » DHAGEEYSIGA » Dhageyso:Shirkada hormuud oo hub iskugu dhiibtay dadka deggan leego & Maamulka oo ka hadlay

Dhageyso:Shirkada hormuud oo hub iskugu dhiibtay dadka deggan leego & Maamulka oo ka hadlay

War laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisad kacsanaan ah ay ka jirto Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hubka ayaa la isku uruursanayaa oo waxa laga cabsi qabaa in dagaal ka dhex qarxo dadka deegaankaasi waxaana sabab u ah Xiisadaasi Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telcom.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa lagu Eedeeyey in Dhul ku yaalla Deegaanka Leego ay dooneyso si xoog ah inay kula wareegto ayna keentay in Xaalad dagaal ka abuurto deegaanka.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Shirkada Hormuud Telcom oo ay kaga war celineyso warkaan soo baxay ee iyada lagu Eedeeyey.

Halkaan Hoose ka dhageyso ka dhageyso Cabshada dadka deegaanka

Sido kale  Iyadoo Xiisad dagaal ay ka jirto Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa arintaasi ka hadlay maamulka deegaanka oo digniin udiray Maamulka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telcom.

Xiisada waxa ay ka dhalatay Dhul la sheegay inay si xoog ah ku dooneyso shirkada waa sida hadalka loo dhigay Shirkada Hormuud oo ilaa shan kilo mitir ah dadkuna ay kasoo horjeesteen.

Gudoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isaaq (Al Cadaala) oo wareysi siiyey Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa kasoo horjeestay arinta Hormuud ay sameeneyso kana digay dhibaato dagaal oo deegaanka dadka deggan ku dhexmaray ayna sabab u noqoto Shirkadaasi.

Waxa uu Abuukar Al Cadaala sheegay in looga baahan yahay joojinta dhulkaasi ay la wareegeyso inta xiisada ay jirto hadii kale uu tilmaamay ay iyadu qaadi doonto wixii dhibaato Shacabka deegaanka isgaarsiiyaan.

Halkaan ka dhageyso hadalka Maamulka deegaanka leego

By Nuur Ismaaciil Sheekh

Muqdisho Soomaaliya

sahalmedia@gmail.com

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super