Home » WARARKA MAANTA » DEG-DEG: Askarta dowladda oo goor dhaw qabtay rag arrin halis ah samaynayay

DEG-DEG: Askarta dowladda oo goor dhaw qabtay rag arrin halis ah samaynayay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw gacanta ku dhigay nin watay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay oo lala damacsanaa in weerar qarxin ah lagu fuliyo.

Ciidamada ayaa ninkan iyo gaariga uu watayba ku qabtay degmada Wadajir, waxaana baxsaday nin kale oo isna gaariga la socday.

Warar hordhac ah oo la helay ayaa sheegaya in gaariga uu keligiis qarxay waxyar ka dib markii ay ciidamadu qabteen, iyada oo aan weli la ogaan wax khasaaro ah oo qaraxa ka dhashay.

Lama sheegin halka ay bartilmaameedsanayeen raggan la qabtay, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha amnigu ka warramaan arrintan.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super