Home » WARARKA MAANTA » Dadkii ugu tirada badnaa oo berrito Muqdisho isugu imanaya

Dadkii ugu tirada badnaa oo berrito Muqdisho isugu imanaya

Waxaa qabanqaabadeeda la soo dhammeystiray xaflad aad u weyn oo la filayo in ay berrito ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Xafladdan ayaa waxa ay ka dhici doontaa hotelka City Palaca, waxaana la filayaa in ay halkaas yimaadaan dadkii ugu tirada badnaa ee waayadaan munaasabad la isugu keeno.

Ilo ku dhaw xafladda ayaa SHAACIYE u sheegay in munaasabadda ay ku saabsan tahay soo-dhaweynta iyo taageeridda guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamuud.

Dadka munaasabaddaan qabanqaabiyay waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah iyo rag hore xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo xafladda dhacaysa.

Wixii ku soo kordha arrimahaan dib ayaa aan ka soo gudbin doonnaa inshaa allaah.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super