Home » WARARKA MAANTA » Dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo Mareykanka laga soo celinayo.

Dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo Mareykanka laga soo celinayo.

War ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhawaan dalkooda lagu soo celin doono qaxooti Soomaaliyeed oo Mareykanka ku nool.

Soo-celinta dadkan ayaa waxaa loo sababeeyay in ay dembiyo ka galeen Mareykanka iyo in aanay sharci ku heysan dalkaas.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dadkan la soo celinayo ay tiradoodu gaarayso 5 kun oo qof, waana tiradii ugu badnayd ee Soomaali ah oo dalkaas laga soo masaafuriyo.

Waxaa la filayaa in soo-celinta dadkan ay billaabato maalmaha soo socda, iyada oo haddaba ay socdaan dhaqdhaqaaqyo loogu diyaargaroobayo arrintaas.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xukunka la wareegay waxa uu cabsi badan ku hayay qaxootiga dalkiisa jooga, kuwaas oo u arkayay nin la yimid siyaasado qaxootiga halis ku ah.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super