Home » WARARKA MAANTA » Ciidanka Sucuudiga oo musiibo weyn ay qabsatay

Ciidanka Sucuudiga oo musiibo weyn ay qabsatay

Ciidamada Sucuudiga ee ka dagaalamaya dalka Yemen ayaa waayay 12 ka mid ah askartooda oo saraakiil sare ay ku jirto, kuwaas oo ku dhintay diyaarad ku burburtay gobalka Ma’rab ee dalkaas.

War ka soo baxay Isbahaysiga Carbeed ee ay ciidanka Sucuudiyaanku qeybta ka yihiin ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradda burburtay ay tahay nooca Black Hawk ee Mareykanka lagu farsameeyo.

Weli la ma caddeyn sababta keentay burburka diyaaradda.

Ciidamada Isbahaysiga Carabta oo uu Sucuudigu ku jiro ayaa laba sano la dagaalamaya maliishiyaadka Xuutiyiinta, si ay ugaga difaacaan dowladda ay dunidu aqoonsan tahay ee Yemen.
Xuutiyiinta ayaa marar hore shaaciyay in ay soo rideen diyaarado dagaal oo ay Sucuudigu leeyihiin.
Inta la og yahay dad ka badan 7 kun oo Yemen u dhashay ayaa ku dhintay afartameeyo kun oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallada labada sano ka socda dalkaas. Waxaana dadkan badankooda ay ku waxyeeloobeen duqeymaha diyaaradaha

x

Check Also

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

FIIRSO SAWIRO” oo Wax badan ka Ogoow Kulan Caawa ka socda Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya caawa kulan uu shir Guddoominayo ku ...

Watch Dragon ball super