Home » WARARKA MAANTA » Ciidamo Itoobiyaan ah oo arrin fool-xun ku sameeyay dumar Soomaaliyeed

Ciidamo Itoobiyaan ah oo arrin fool-xun ku sameeyay dumar Soomaaliyeed

Warar naga soo gaaraya magaalada Gellinsoor ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in askar Itoobiyaan ah ay afduubteen laba dumar ah oo deegaanka ku nool.

Labadan haween ayaa waxaa loo kaxaystay dhanka xudduudka Itoobiya, waxaana illaa iyo hadda la la’ yahay meel ay ku dambeeyeen.

Maamulka deegaanka Gellinsoor ayaa xaqiijiyay in dumarka la qafaashay ay ahaayeen reer miyi xoolashaqato ah, waxaana uu maamulku sheegay in aan weli la ogayn sababta ka dambeysa afduubka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maliishiyad deegaanka ah ay hadda wadaan abaabul ay ku doonayaan in ay soo furtaan gabdhaha la qafaashay, ama ay ku soo qafaashaan dad kale oo ay ka aargudanayaan.

Waxaa laga cabsi qabaa in abaabulka socda uu sababo iska-horimaad dhex mara maliishiyaadka deegaanka iyo ciidamada Itoobiyaanka ee afduubka geystay.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super