Home » WARARKA MAANTA » Ciidamada amniga oo ka farxiyay dadka ku nool Yaaqshiid

Ciidamada amniga oo ka farxiyay dadka ku nool Yaaqshiid

Ciidamada amniga ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir waxa ay  tallaabo adag uga qaadeen koox burcad ah oo beryahanba caan ka ahayd deegaanka.

Sida ay warbaahintu ka soo xigatay saraakiisha amniga ee deegaanka, waxaa howlgalkan lagu dilay mid ka mid ah burcadda, laba kalena iyaga oo dhaawac ah ayaa la soo qabtay.

Burcaddan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo habeennadii falal dhac iyo dhibaateyn kale ah u geysta dadka ku nool Yaaqshiid.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka oo saaka aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in ay aad ugu farxeen tallaabada laga qaaday burcadda dhibaatada ku  heysay.

x

Check Also

War Naxdin leh oo laga soo sheegayo Deegaan Hoostaga Degmada Cadalle

Wararka Warbaahinta Shaaciye.com ay ka heleyso Deegaanka Nuur Dugle oo hoostaga Degmada Cadalle ee Gobolka ...

Hawlgal dad lagu qabtay oo Magaalada Muqdisho ka socda

Ciidamada qaabilsan xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka hawlgalo waxa ay ka wadaan xaafaddo ka ...

Watch Dragon ball super