Home » WARARKA MAANTA » Ciidamada AMISOM oo madaafiic ku garaacay Degaanka Hoostaga Gobolka Sh.Hoose

Ciidamada AMISOM oo madaafiic ku garaacay Degaanka Hoostaga Gobolka Sh.Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku garaaceen Xaafado ka tirsan Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Madaafiicdan qaarkood ayaa ku hoobtay Xaafada ay ku sugan yihiin Dad Shacab ah waxaana la sheegayaa in uu geystay khasaaro u badan dhaawac.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegaya in 12 Ruux ay ku dhaawacmeen Duqeynta ay geysteen Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM.

Dhaawacyada qaarkood ayaa sida la tilmaamayo waxaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan Duqeyntaasi ay fuliyeen Ciidamadooda.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super