Home » Qormooyinka (page 5)

Qormooyinka

M. GHEDI: “Doorashooyinka dadban waxaa loo adeegsanayaa Dollar badan iyo is dirqis”

Waxaan dhashay  horaanta sanadkii 1950s, cimrigaa aan jiro iyo cirrada aan leeyahay doorashadaan kahor ma aanan  arag,  mana  maqal  doorashooyin aanan lahayn xeer loo wada hoggaansan yahay oo wax lagu kala hago iyo xishood  darri gaarsiisan heerka ay mareyso doorashada Soomaaliya sanadkaan sii dhammaanaya ee 2016. La’aanshaha xeer doorasho oo loo wada hoggaansan yahay, xishood darrida oodda jabsatay iyo siyaasadda ...

Read More »

Musharaxnimada Madaxweyne Xasan ma dhab baa mise waa dhalanteed?! ‘Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira’

Iyadoo dalka uu galay xaalad kala guur siyaasadeed ah isla markaana ay iminka gabagabo marayaan doorashooyinka labada aqal kan sare iyo midka hoose taasi oo Soomaaliya noqoneyso markii ugu horeysay oo xukuumad noocaan ah yeelato. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo afar sano ah soo maamulayay madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu xusuustaa qaabka uu ku hoggaaminayay Xukuumadda ...

Read More »

Aragtida Castro ee Geeska Afrika 1977 (Qormo 4 Qeybood ah) Qore: Yuusuf Garaad

Aragtida Castro ee Geeska Afrika 1977 (Qormo 4 Qeybood ah), Shir ay 1977 yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali.  Warbixinta aad halkan ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya. Waxaa fadhiga goob joog ka aha Jaallayaasha ...

Read More »

Isbedel doon… Yaa la Bedelaa??

ISBEDDEL DOON : YAA LA BEDDELAA? Erayga isbeddel-doon waxaa la baxay koox mucaarad ah oo hore u hey jiray jagooyin kala duwan oo ay ka mid tahay R/Wasaare, Guddoomiye Gobol, Madax-Jaamicad, wasiiro iyo ku xigen iyo masu’uliyiin howlo kala duwan ka soo qabtay dalka. Qoladaani waxay abuureen jawi ay ula jeedaan inay iyaga wax ku helaan iyagoo adeegsanaya erayga ISBEDDEL…haddaba, ...

Read More »

Warbixin ku saabsan qorshe RW Cumar C/rashiid taageero uga raadinayo Imaaraadka Carabta. (Aragti)

Waxaa nasiib-darro ah in shaqsiyaad magac weyn ku leh siyaasadda Soomaliya iyo beelo ay weli uga dhegan tahay dhibaatooyinkii qabaa’ilada Soomalida dhex maray 1991-kii inay muddooyinkaan danbe isticmaalaayeen hal-ku dhigyo colaadeed (negative slogans) sida ” NO more ABGAAl” oo micneheedu yahay maya madaxweyne danbe ee Hawiye ( NO MORE HAWIYE PRESIDENT). Sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ...

Read More »

Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke. Qalinkii Prof. Yaxye Sheekh Caamir

Yaa Dilay ? Maxaa loo dilay? Leysma weydiin sababta loo dilay inkastoo dilkiisa lala xiriiriyo doorashadii. fiiri marqaati buuga Kashfu Suduul Can Taariikhi Soomaal ee uu qor Sheekh Axmad Cabdalla bogga 20aad. Qoraalada qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL, Sabab kasta halloo dilee waxaa la ogyahay in la dilay 15-kii Ok. 1969-kii saacadu markey aheyd 11 ...

Read More »

Mashruuca Fursadfund iyo abaaraha ka jira Soomaaliya maxaa kala heysta?!!

Dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanaya mashaariicda kala duwan oo siyaabo kala loogu urursanayo lacago deeq ah, taasi oo dadka qaarkii u fasirteen inay tahay mid dano gaar ah laga leeyahay iyadoo loo adeegsanaayo magacyo kala duwan. Mashruuca FursadFund oo ka mid ah mashruucyada looga dhawaaqay magaalada Muqdisho isla markaana asaasayaashooda ay ka mid yihiin xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan ...

Read More »

HORUMAR MA KA JIRAA DALKA?

HORUMAR MA KA JIRAA DALKA? Waxaa iga su’aal ah wax horumar ah oo la gaaray ma jiraan intuu talada haayay Madaxweyne Xasan Sheikh? Jawaabta waa mid qofba si u aragto ama u qiimeyso (relativity of evaluation). Maadaama ay aragtidu kala duwan tahay ummada Somaliyeed waxay ka kooban tahay, sida aan u arko, qaybo kala ah : dadka waa qaar wax ...

Read More »

MARXALADDA MAANTA: Xogta hoose ee Qorraxjoogta iyo Qurbajoogta (Wareysi)

Tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Kacaanka AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaa sii kordhayay barakaca shacabka Soomaaliyeed ay uga hayaamayaan dalka si ay u helaan nolol dhaanta midii ay dalkooda uga soo carareen, taasi oo ay barbar socotay xilkasnimo darro sababtay in la xaalufiyo guud ahaan dalka ilaa aakhirka cagta la mariyay tiirarkii asaaska u ahaa qaranimada ...

Read More »

JEES IYO MASALLE – QEYBTII Labaad. Qalinkii Yuusuf Garaad

Jees iyo Masalle – QEYBTA LABAAD Adiga ayaa ku qornaa in aad galabta ii raacdo dhagaxdhigga sida la ii sheegay. Ayuu igu yiri isaga oo weydiin ka wada. Anna waan uga jawaabay. Ma tagtay meeshii? Haa ayaan haddana ku jawaabay. Maxaa dhacay markaas? Yaa dhagaxdhigay? Waan u sheegay. Waxaan u raaciyay sida ay wax u dhaceen oo dhan iyo meesha ...

Read More »

Watch Dragon ball super