Home » Qormooyinka (page 3)

Qormooyinka

Maxay Har Iyo Habeen La Hurddi Weysay Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan? (Warbixin Murugo Leh)

wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ahna garab ka tirsan aqalka Baarlamaanka Soomaaliya Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo u waramaysay hillinka wararka ee Al-Jazeera ayaa sheegtay in har iyo habeen loo hanjabayay aynna soo gaarayeen cagajulays dhan walba ah tan iyo markii ay ku biirtay Siyaasadda. Fowsiya oo ka hadlaysay doorka dumarka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda ayaa sheegtay in ...

Read More »

Gaza Oo Gashay Marxaladdii Ugu Xumayd Taariikhda, Iyo Carabta Oo Sheedda Ka Daawanaysa (Warbixin Qiiro Leh)

Korronto goynta waa dhibaato mar walba kajirtay daanta la cunaqabateeyay ee Gaza 10-kii sano ee lasoo dhaafay, balse xaaladda ayaa gaartay marxalad cusub oo hoose, markii Axaddii lasoo dhaafay ay Israel iyo maamulka magac u yaalka Falastiiniyiinta ay ku heshiiyeen in hoos loo dhigo 40%kiiba miisaaniyadda korontada ee Gaza. Inkabadan 2-Million oo qofood kuna nool  Gaza iyo agagaarkeeda ayaa helaya ...

Read More »

Madaxwayna Turkiga Oo Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Qatar Iyo Sir Sucuudiga Looga Adkaan Karo Oo la Helay

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdugon ayaa teleefoonka gacanta kula hadlay amiirka Qatar Sheekh Thamiin Axmed Al Thani iyo madaxwaynaha dhawaan la doortay ee dalka Faransa Emunnuel Macron, waxa aynna kawada hadleen xaaladda sii xumaanaysa ee ka jirta dhanka Khaliijka. Sida ay fahansan tahay Aljaziira, Erdugon ayaa aad ugu dhiira galiyay Qatar in ay u adkeystaan cunaqabataynta Sucuudiga, sidoo kale Faransiiska ...

Read More »

Eritrea Iyo Jabbuuti Oo Qoorta Iskula Jira Iyo Xiisad Dagaal Oo La Dareemayo

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa weerar ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Eriteria kaas oo ciidamo xoog leh soo dhigay xuduudda labada dal. Jabbuuti ayaa ku eedeysa xukuumadda Asmara in ay hurinayso dagaal gobolka ka dilaaca wakhti aan munaasib ahayn, waxaana sidoo kale ay ka digtay ciidanka badan ee kusii qulqulaya xuduudda labada waddan. khilaafka ...

Read More »

Jadwalka Isku Aadka Horyaalka Ingriiska Xilli Ciyaareedka 2017-18 Oo La Soo Saaray Iyo Kooxdaada Kulamada Ay Ciyaari Doonto

Waxaa lasoo saaray isku aadka koobka horyaalka English Premier League ololaha 2017-18, waxaana kasoo baxay todobaadyo aad u adag kooxaha waa wayn ay madaxa isdarayaan. todobaadka koobaad kulanka ugu adag ee Arsenal Iyo Leicester City, waxaana uu horyaalka Bilaaban doonaa 12-ka bisha August sannadkan aynnu kujirno wuxuuna dhammaan doonaa 13-ka May ee sannadka soo aaddan 2018-ka. 20-kooxood ayaa kasoo muuqan ...

Read More »

Odayaal Dhaqameedka Wuqooyi Bari Kenya Oo U Daneeyay Al-shabaab (Warbixin Xasaasi AH)

Odayaal dhaqameedka kasoo jeeda Wuqooyi Bari Kenya ayaa aad uga soo horjeestay qorshe ay ka dhawaajiyeen xildhibaanada ka imaada gobolkaas, kaas oo ahaa in haddii ay dawladdu wax ka qaban waydo arrinka Alshabaab ay iibin doonaan hub islamarkaana ay iska dhicin doonaan weerarada Alshabaab ay halkaas ka gaystaan. Dubbad Cali Cameey oo kamid ah odayaasha ugu caansan gobalka wuqooyi bari ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Hoggaamiye Dambiille Ah (Sheeko Xiiso Badan)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali KHeyre ayaa la kulmaya madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, kaas oo reer Galbeedka ay ku tilmaameen in uu yahay dambiille, inkastoo isaga uu diiday eedaynta galbeedka kaga timid; waxaana ay kawada hadleen labada hoggaamiye iskaashiga labada dal ka dhaxeeya. Goobta ay ku kulmayn oo ahayd Adis Ababa kadib markii uu soo idlaaday shirkii madaxda ...

Read More »

Beesha Cayr Iyo Villa Soomaaliya Oo Is-Mari La’, Iyo Farmaajo Oo Fursad Siiyay Odayaasha Beeshaas

Odayaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada beesha Cayr ayaa shalayto shir albaabada u xiran yahay ku yeeshay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Afrik oo kuyaalla degmada Waberi agagaarka waddada gasha Airport-ka Adan Cadde. Shirkan waxaa looga arrimisanayay ciddii ay beesha ku baddali lahayd  hanti dhawrihii qaranka ee fadeexada ku lug yeeshay. Odayaasha ayaa u kala jabay laba qaybood, kuwa aanba rumeysanayn in ...

Read More »

Haweenka Qaranka: Carab Nooma Kala Sokeyso…Go’aanka Dowladda Soomaaliya Waa Mid Xikmad Badan

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo la hadashay Warbaahinta  ayaa ammaantay go’aanka dowladda federaalka ah ee dhex-dhexaadnimada. Batuulo Axmed ayaa ugu horeyn sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan shacabka Soomaaliyeed ka farxiyay, kaas oo ahaa in aan loo kala hiilin dad walaalo ah oo is qabtay. “Carab nooma kala sokeyso, waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaa ...

Read More »

Waa Kuma Wakiilka Cusub Ee Urur Goboleedka IGAD Ay U Magacaabeen Soomaaliya?

Maxamed Cali Guyo ayaa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya, kaddib Sannad wakiil la’aan ay ahayd Soomaaliya. Horay waxaa xilkan kaga tagay Amb Maxamed Cabdi Afeey kaas, loo magaacay wakiilka ugu sareeya ee qaramada midooway u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaalida. magacaabiddan ayaa timid kaddib urur madaxeedka IGAD shir ay shalay ku yeesheen magaalada Adis ...

Read More »

Watch Dragon ball super