Home » SHIRIB-YADA

SHIRIB-YADA

Waa Shirib Su’aal ah oo aan weydiiyay walaallahay Soomalilaan, walina aanan Jawaab u helin! W/C/Shiribmaal

“Garqaadee ninka guurayoow Seddax walxaato ii garaaw! Gibil cad weysla goobinnee (Ingiriis) Gumeeysi kale maad gasheen? Gu’gi Talyaani waan gardhee Yaa idin goobshay ka gadaal? Gennaan is kala soo go’nee Inaad i goyso maan gayaa? “AFMEER” Geed meyro geel ma hoosiyee Googgaa ninkaan gucleynayow!” 26-June 1960 kaddib yaa gumeestay toloow? Yeeyse xornimada ka qaateen 18-May? Waa su’aala aan weydiiyay walaallahay ...

Read More »

“Digid: Shirib, iyo Dood furan!” W/C: Shiribmaal)

“Digid: shirib, iyo dood furan”! Dadkeygoow toban deel ku taal Iyo toban kalaan dayaa, Waxaadna ku daliishatiin Toban kaleetu deel ku taal. Dahab dadkiise diidayee Dawaco hammisaan dayaa, Waxaadna ku daliishatiin Dayaca na horyaal dammoo. Duni dulmigu guud degee Diirato u hertaan dayaa, Waxaadna ku daliishatiin Dunida muslimkaa dammoo. Duqoow warkood la diidayee Da’yartii talisaan dayaa, Waxaadna ku daliishatiin Damqashadaan ...

Read More »

“SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE” W/C/ LAASHIMAD. Shamsa Sheekh Cali

“Afar walxaato ceyn ku taal Iyo afar kalaa cusboon, Cagoole Geel carraabiyee Ceel dheer ka soo shuba cusboon. Caana u ooy dad caawiyoo Cadaw hor joogsadaa cusboon, Cirkoo da’aaya Caad la’aan Candhole godlada cusboon. Cirroole miir qaboon ciyaal Ceebka cannaana cusboon, Caad roob ku hoorayee cagaar Circiir la noqotaa cusboon, “Afmeer” Ciil hooyo ku cataawdayoy Ka caagtay uur kalaa cusboon! ...

Read More »

Shiribka maanta iyo Shaaciye waa Shirib Cajiib ah! W/Curisay: Laashimad Layla Ladan Shadoor!

“Sagaal walxaato wow ku taal Iyo sagaal kalaa wacneed. Waxyiga waaxidkeey iyo Weyneynta diintu Waa wacneed, Watiin waleylya walluxoo Lagu wardiyo Waa wacneed; Wisil warshiiq illaa wajeer Inleys wareysto Waa wacneed: Waayeel wadaadya wiilashoo Iswaaniyaahu Waa wacneed, Waa kala weelal weynyehee Wax isa siintu Waa wacneed. Weynaa nasiiyay webiyee Wax in la beerto Waa wacneed, Waaweynkiyaa is weeraree Inleys walaashadaa ...

Read More »

Shiribka Maanta iyo Shaaciye; W/C: Xasan Kaamill Cuute (Shiribmaal)

“Afar walxaato deel ku taal Afar kaleey kusoo degtaa! Dowladu shacab doonayee Damiir laheey kusoo degtaa. Diintuna Nabi loo diree Daa’in amreey kusoo degtaa. Duunyana qof dadaalayee U dib jireey kusoo degtaa, Derejo ruuxi diin lehee Daacadeheey kusoo degtaa. “Gunaanad” Doqonto kii u doodayee U damqadeey dayuus tiraa!’ W/C/ Shiribmaal

Read More »

Shiribka Maanta iyo Shaaciye: W/C: Laaahin Ibraahim Cali Raage!

Shiribka Maanta iyo Shaaciye: wuxuu ku Socoyaa Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi. W/C: Laashin Ibraahim Cali Raage “Toban walxaato TA ku taal Ha toosto taabit cabdiyow, Tala xumaddi meesha tiil Ha toosto taabit cabdiyow. Tubti xirreyd tuwanti feyf Ha toosto taabit cabdiyow, Tacliinti gobalkoo tirreed Ha toosto taabit cabdiyow. Towfiiq la’aanti meesha tiil Ha toosto taabit ...

Read More »

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ XASAN KAAMILL SHIRIB-MAAL

“Toban walxaato HA ku taal Hergelintoodo waa haddaan. Halyeey hamiinisoow qabee Habiin socaaya waa haddaan. Heestimo may hadaaf dhigtee Hilbiiska dhaaftay waa haddaan, Hoggaanka oo lagu hertee Horuu socaaya waa haddaan. Haan dhexa ood higaagatee Hayin la saaray waa haddaan. Heyb sooci maan kasoo hernee Hab leesa siiyay waa haddaan. Hilba la tuuray hoos horoon Haaddu cuneynna waa haddaan. Hawo ...

Read More »

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE. W/C/ Cabdinuur Xasan Cali Waddani

Toban walxaato waa tagtee Toban kaleeto xow talaa? Tuugii qabiilku waa tagyee Tegree u taahe xow talaa? Toogaan anaa leh waa tagtee Toban kun qaado xow talaa? Tolkoo is laaya waa tagtee Tii am qarxaaya xow talaa? Tacliin la,aanu waa tagtee Tacab la,aanta xow talaa? Talo gumeysi waa tagtee Toosid la,aanta xow talaa? Anaa tunwaynu waa tagtee Anaa takooray xow ...

Read More »

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W.C. LAASHIN ABUUKAR TAQI AXMAD

Sagaal walxaat ALIF ku taal – Sagaal kaleey u egyihiin. ●Abaarya oon ekeeyay duul – Abaal gudeey u egyihiin.   ●Ararya murtidiis agyaal – Abwaannimeey u egyihiin.   ●Aqalya mooradiis idaad – Ag jiifadeey u egyihiin.   ●Axadya Sabdi oonanaa – Isbuuc tegeey u egyihiin.   ●Aslaaxya roob ekeeyana – Abuurideey u egyihiin.   ●Aqoolya diinba waa aqaan – Is muujiyeey u egyihiin.   ●abootayaa awoowanaa ...

Read More »

Shiribka Maanta Iyo Shaaciye W/C/ Hassan Kaamill Cuute Shiribmaal

“Afar walxaat Alif ku taal Iyo afar kalaan arkaa: Ummad amarki diidayee La imtixaanayaan arkaa, Eedya dagaalya aanfa guud                                                                                   ...

Read More »

Watch Dragon ball super