Home » WARARKA MAANTA » Cabdi Kariim Guuleed oo Ka hadlay Xildhibaanada Kalsoonida Kala Noqday

Cabdi Kariim Guuleed oo Ka hadlay Xildhibaanada Kalsoonida Kala Noqday

Iyadoo kulan goordhow ka dhacay magaalada Cadaado kalsoonida lagala laabtay Hogaamiyaha Galmudug, ayaa waxaa soo baxaaya in C/kariin Guuleed uu ka biya diiday kalsoonida lagala laabtay.

Hogaamiye C/kariin Guuleed oo goordhow ay codkiisa baahisay Idaacada Kulmiye ee magaalada Mudsisho ayaa sheegay inuusan aqbali doonin xil ka qaadista lagu sameeyay.

C/kariin Guuleed waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku lahaan doonin.

“Wax la aqbali karo maaha kulanka degdega ah ee kalsoonida leygala laabtay waana mid aan saameyn igu yeelan doonin”

Haddalka C/kariin Guuleed ayaa imaanaya xili Xildhibaano gaaraya 54 ay shaaciyeen in Hogaamiyaha ay kalsoonida kala laabteen.

x

Check Also

Reer Afgooye oo cabsi cusub ay la soo deristay

Wararka aan ka helayno degmada Afgooye ayaa sheegaya in dadka ku nool halkaas ay ku ...

WAR DEG DEG AH: Gabar 12 jir ah oo lagu Kufsaday Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir

Ciidanka Police-ka Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in uu ka ...

Watch Dragon ball super