Home » WARARKA MAANTA » Buntilan oo soo bandhigtay guul muhiima oo ay gaartay (Fiirso)

Buntilan oo soo bandhigtay guul muhiima oo ay gaartay (Fiirso)

Maamulka Buntilan ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay markab ganacsi oo dhawaan laga soo daayay koox afduub ku heysatay.

Markabkan ayaa waxaa maalmo ka hor qafaashay rag hubeysan xilli uu doonayay in uu ka gudbo xeebaha Buntlan, si uu shixnad shidaal ah oo uu siday u gaarsiiyo magaalada Muqdisho.

Afduubka ka dib, waxaa markabka la geeyay xeebta deegaanka Caluula, halkas oo maalmo lagu heystay, ka hor inta aan lagu guuleysan sii-deyntiisa, oo ka dhalatay wada-xaajood afduubayaasha lala galay.

Soo-bandhigista markabkan oo Boosaaso ka dhacday ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Buntilan, iyo xubno ka tirsan maamulka, kuwaas oo amaan u jeediyay ciidamada badda ee Buntilan, maadaama ay gacan weyn ka geysteen soo-deynta markabka.

Intii lagu jiray dadaalada lagu soo furdaaminayay markabka ayaa waxaa dhacay iska-horimaad hubeysan oo u dhexeeyay ciidamada badda Buntilan iyo ragga markabka afduubtay, waxaana falkaas ka dhashay dhaawac labada dhinac soo gaaray.

Afduubayaasha oo markii hore dalbaday lacag madax-furasho ah oo ay markabka ku sii daayaan, ayaa mar dambe ka tanaasulay dalabkooda, iyaga oo sii-deynta markabka u sababeeyay in ay ogaadaan in markabku uu yahay mid u raran ganacsato Soomaaliyeed.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super