Home » WARARKA MAANTA » Buntilan oo markii ugu horreysay saluugtay dowladda Farmaajo

Buntilan oo markii ugu horreysay saluugtay dowladda Farmaajo

Maamulka Buntilan ayaa markii ugu horreysay waxa uu saluugay qaabka ay madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya u wadaan howlaha u yaalla, waxaana uu maamulku ku taliyay in wax laga beddelo qaabkaas.

Madaxweyne-ku-xigeenka Buntilan Cabdixakiim Cabdllaahi Cameey oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dowladda cusub ay heysato taageerada shacabka, isla markaana loo qabo rejo aad u weyn; balse madaxda dowladdu ay hadda u muuqdaan kuwo waqti badan ku luminaya isku-mashquulsanaan iyaga dhexdooda ah.

Mudane Cameey ayaa ka digay in la lumiyo kalsoonidii iyo taageeradii ballaarnayd ee ay shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen doorashadii madaxweynaha cusub iyo dhismaha dowladdiisa.

Hadalkan waxa uu imaanayaa xilli ay madaxda dalku ku mashquulsan yihiin dhismaha golaha wasiirrada, iyada oo beryahan la hadal-hayay muran iyo ismaan-dhaaf ka dhex jira madaxda, kaas oo salka ku haya shakhsiyaadka loo magacaabayo xilalka wasaaradeed.

Maamulka Buntilan iyo maamullada kale ee dalka ka jira oo dowladihii hore ay mararka qaar is-khilaafi  jireen ayaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ahaayeen kuwo aamusan, oo dusha kala socda taageerada shacabka ay u muujiyeen madaxweynaha; hase ahaatee aamusnaantooda ayaa u eg mid sii dhammaanaysa, maadama ay haddda soo muuqanayaan dhaliillo aan laga aamusi karin.

x

Check Also

FIIRSO: Wariyeyaal Caan ah oo ka badbaaday qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay

Sawirro: Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari

Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga ...

Watch Dragon ball super