Home » WARARKA MAANTA » Beesha Ciise Muddulood oo ugaas cusub Muqdisho ku dooratay

Beesha Ciise Muddulood oo ugaas cusub Muqdisho ku dooratay

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed , Siyaasiyiin iyo Cuqaal.

Ujeedka Munaasabadda ayaa ahayd Caleemo saarka Ugaas KMG ah oo ay yeelaneyso Beesha Ciise Mudulood ee Ujeejeen ayaa maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay Munaasabadda ayaa ku dheeraatay ka hadalka waxqabadka Ugaaskaan Cusub iyagoona u rajeeyay in uu ka shaqeyn doono Midnimada Beesha Ciise Mudulood ee Ujeejeen.

Maxamuud Xasan Xaashi oo ka mid ah Masuuliyiintii ka qeyb galay kulanka ka aqriyay Bayaan ay soo saareen beesha Ujeejeen.

Dhanka kale Ugaas Aadan Nuur Ugaas Dhaqane Cumar oo ah Ugaaska Beesha Ciise Mudulood oo qaatay Khudbadda Munaasabadda ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono Aayaha beesha Ciise Mudulood Ujeejeen isagoona sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ay hal mowqif u yeelan lahaayeen beeshisiisa.

Dhawaan ayey ahayd markii kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka Beesha Ciise Mudulood ee ujeejeen ay xilka ka qaadeen ugaaskii hore ee Beeshaasi oo ay ku eedeeyeen wax isdaba marin iyo kala qeybinta Beesha Ujeejeen. kulanka ayaa u muuqda mid aaney beeshu u dhameyn maadaama aysan ka qeygalin Siyaasiyiinta caanka iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Beesha.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super