Home » SHIRIB-YADA » Axmed Madoobe oo ka Xanaaqay Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed

Axmed Madoobe oo ka Xanaaqay Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed

Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maalintii shalay ka qeyb shirka looga hadlayay hiigsiga sanadka 2016, ayaa wuxuu kaga soo horjeestay maalintii shalay in TV-ga Qaranka Soomaaliya goobjoog ka ahaado shirka Muqdisho ka dhacayay.

Axmed Madoobe, ayaa diiday muddo daqiiqado  in TV-ga qaranka uu goobjoog ka ahaado shirka, laakiin markii dambe waxaa arimahaasi ka qanciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Waxyaabaha uu Axmed Madoobe ku diidanaa Tv-ga qaranka Sooomaaliya ayaa lagu sheegay iney aheyd in baahinta war lidi ku ahaa maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku helnay.

Ugu dambeyn ayaa waxaa loo yeeray agaaasimaha TV-ga Qaranka Soomaaliya Al-cadaala waxaana laga qanciyay Axmed Madoobe tabashadii uu qabay.

Shirka ayaa maalintii shalay lagu balansanaa inuu ka furmo Muqdisho 09:00 am laakiin wuxuu furmay seddex saac kadib waqtigii la balansanaa, iyadoo lagu mashquulay qancinta Axmed Madoobe.

 

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super