Home » DHAGEEYSIGA » Axmed Madoobe oo ka hadlay Guusha Guddoomiye Max”ed Sheikh Osmaan Jawaari..

Axmed Madoobe oo ka hadlay Guusha Guddoomiye Max”ed Sheikh Osmaan Jawaari..

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa labaad cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

x

Check Also

MAHAAN KA DHAGEYSO: Korontadda Becco oo dad leeysay sida Idaacadaha Muqdisho baahiyeen

Faduma Dayib oo jawaab culus ka soo saartay meel ka dhac loo geystay halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo

Haweeneyda Soomaaliyeed ee ku dhawaaqday inay tahay musharax Madaxweyne Faaduma Qaasim Dayib ayaa jawaab culus waxay ka bixisay aflagaado loo geystay halka ay ka soo jeedo dhalasho ahaan iyadoo maalmahaan ...

Watch Dragon ball super