Home » Author Archives: Dahir

Author Archives: Dahir

Labo ka tirsan xubnaha Beelaha Banaadiriga oo lagu doortay Muqdisho..

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xubnaha xildhibaanada beelaha Banaadiriga ee golaha shacabka. Ila iyo laba kursi ayay doorteen ergada codeynyay ee ka koobna min 51-ka,waxaana ay ahayeen xildhibaanadii ugu dambeyay ee belaha banaadiriga. Gudiga dorashooyinku weli mashaacin waqtiga kama dambeysta ah ee la qabanayo doorashada xubnaha labada aqal ee dhiman.

Read More »

Hay’adaha Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo dalbaday 864-Milyan oo dollar..

Kulan balaaran oo ay ka  qeygaleen masuuliyin ka socta labada aqal ee  barlamanka  doowlada fadaralka haay,adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’adanimada oo lagu  Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Masuuliyinta kale ee qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay xaalada Abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya ...

Read More »

DHAGEYSO: Muxuu salka ku hayaa dagaalkii maanta ka dhacay Cadaado?..

Iyadoo saakay dagaal uu ka qarxay magaalada Cadaado oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa arintaasi waxaa warbaahinta u sharxay Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo lagu magacaabo Shariif Arwaax. Waxaa uu sheegay in Ciidanka Nabad Sugidda oo wata saddex Gaadiidka dagaalka ah ay weerar ku qaadeen xaruntii ay ku shirayeen Baarlamaanka Galmuudg.   Kadib waxay isku dhaceen Ciidamada ...

Read More »

Faah faahino ka soo baxay qasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Cadaado..

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dagaalka hadda uu istaagay,islamarkaana la kala qaaday Ciidamadii Booliska iyo Nabad sugida oo la kala qaaday. Wariyaasha ku sugan Cadaado ayaa soo sheegaya in Ciidamadii NISA ee weerarka ku qaaday xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa dib loo soo celiyay iyagoo lagu noqday fariisimihii horay ...

Read More »

DEG DEG: Dagaal u dhaxeeyo Booliska iyo nabad sugid oo ka socda Cadaado..

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa goordhow dib uga qarxay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug. Rasaas xoogan ayaa ka dhaceysa xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka maamulka Galmudug,halkaasi oo ay saakay weerar ku qaadeen Ciidamada Nabad sugida Dowladda Soomaaliya. Ciidamada Booliska ayaa difaacaya xarunta iney ka qabsadaan Ciidamada Nabad sugida oo saakay halkaasi weerar ku qaaday. ...

Read More »

DEG DEG: Xiisad ka taagan Cadaado & dagaal ka socda..

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka KMG Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida (NISA) ay la wareegeen xaruntii ay ku shirayeen Baarlamaanka Galmudug. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay kala direen Xildhibaanadii xaruntaasi ku sugnaa,waxaana gabi ahaanba la wareegay Ciidamada NISA. Lama oga sababta ka danbeysa in Ciidamada NISA si buuxda ula ...

Read More »

Booliska Turkiga oo qabtay nin lagu eedeeyay weerarkii Istanbul..

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qabteen ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istaanbuul, weerarkaasi oo dhacay billowgii sanadkan. Boolsika ayaa u dhacay guri uu ninkan ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen dad kale oo la sheegay in ay halkaasi joogeen. Ninkan oo ...

Read More »

FIIRSO: Gabdhaha Aqoonyahanada Gedo oo ka hor yimid Hadal ka soo yeeray maamulka Degmada Beledxaawo..

Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay qaar ka mid ah Gabdhaha Aqoonyahanada eek a soo jeeda Gobolka,kuwaasi oo si weyn uga careysnaa hadal dhawaan ka soo yeeray maamulka degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo. Gabdhaha kulanka isugu yimid ayaa marka hore cambaareeyay hadal dhawaan ka soo yeeray maamulka degmada Beledxaawo,kaasi oo ku saasab arimaha Guurka.

Read More »

DHAGEYSO: Shariif Xasan oo codsi u dirsaday AMISOM..

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Dowladda iney iska kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Magaalada Baydhab oo 240-km u jirta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa si weyn waxaa amnidaro looga dareemayaa wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo. Shariif Xasan ayaa sheegay ...

Read More »

Faah faahino ka soo baxaya dagaal xalay Shabaab ku qaadeen deegaanka Buurane ee G/Sh/Dhexe..

Wararka naga soo gaarayo degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-shabaab fariisin ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay. Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,waxaana daryanka madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayay goobo ka fog halka uu dagaalka ka socday. Ma jiro ...

Read More »

Watch Dragon ball super