Home » WARARKA MAANTA » Askari Kenyan ah oo iska ooyay kaddib markii uu ka laabtay Somaliya?
?????????????????????????????????????????????????????????

Askari Kenyan ah oo iska ooyay kaddib markii uu ka laabtay Somaliya?

Magaca Askarigan waxaa loo qariyay sabab la xiriirta Sumacaddiisa,waxaana loo bixiyay Makaca KEN oo aan ahayn kiisa rasmiga ah.

Waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Kenya ee dagaalka u soo galay Soomaaliya,si uu la dagaallamo Al-shabaab.

Askarigan waxaa qabsatay qiso xanuun badan oo uu inteeda badan mas’uul ka ahaa Taliyihiisii xerada Tababarka ee Eldoret.

KEN; oo 37 jir ah,kana mid ah dadka ku barbaaray Nairobi ayaa ka mid noqday Ciidanka Kenya,ma uusan jecleysan markii loo dirayay Soomaaliya,sababta oo ah waxaa uu ogaa in aysan Caano uga horreyn shaqada loo diray.

Taliyihiisa ayuu ka diiday in uu aado Soomaaliya si uu Al-shabaab ula dagaallamo,Taliyihii ayaase ku qanciyay,isaga oo u adeegsaday dhaartii uu u galay Difaaca dalkiisa,sidaas ayuuna ku soo aaday Soomaaliya laakiin maxaa xigay?

Waxaa uu Mr Ken,sheegay in howlgalkooda Soomaaliya uusan la mid ahayn Suuq laga dukaameysto oo la iska tagayo,ee waxaa la wajahayaa qibrado kala duwan oo u eg sida xeerka Keymaha (Nooleba kan uu ka awoodda badan yahay ha cuno).

Waxaa uu arkay saaxiibadiis oo ay qaarkood nafta ka baxeyso,kuwo dhaawac ah ,waxaana ay joogeen dal shisheeye oo aanay waligood ka howlgelin.

Waxaa dheer isaga waxaa uu ka soo qaaday welwel iyo walaac nafsaani ah,Habeenkii uma hurdo si wanaagsan isaga oo hadda jooga gurigiisa Nairobi,waxaana uu ku qarwaa xusuusta wixii uu kula kulmay Soomaaliya,waxaase uu ka cabsadaa in mar kale la dhoho ku laabo Soomaaliya si aad shaqadii qaran u soo gudato.

KEN;waa uu joogaa hadda isaga oo aan dhaawac ahayn,aadna u fiican lakin nasiib darro waxaa uu wajahayaa mid ka mid ah xaqiiqooyinka ugu adage e nolosha,waxaa uu soo laabtay isaga oo xaaskiisii ay la nooshahay mid ka mid ah Saraakiishii isaga u dirtay Soomaaliya.

Markii uu Xaaskiisa weydiiyay waxa ku kallifay arrintan waxaa ay ugu jawaabtay in ay jacayl u qaadday taliyaha oo intii uu tababarka isaga ku jirayba ay haasaawe kula jirtay,taliyuhuna door muhiim ah ku lahaa..

Markii uu weydiiyay halka uu ku dambeeyay jacaylkii isaga kala dhaxeeyay waxaa ay ugu jawaabtay “adigaba waad I qiyaantay oo goobaha dagaalka ayaad Dumar ku kufsan jirtay,sidoo kalena Haweenka Ciidanka ku jira ayaad la seexan jirtay,waxaana ii sheegay Taliyahaga”.

Waxaa kale oo ay raaciyay in sidan oo kale saaxiibkeedii hore uu qiyaanay si la mid ahna Xaasas badan oo ka mid ah Askarta Kenya ee jira Soomaaliya ay tan oo kale ku dhacday kaddibna ka daneysteen.

Mr KEN; ayaa iska ooyay sida carruurtii oo kale waxaana uu niyad jab ka qaaday waxa uu ku sameeyay taliyihii ku qal qaaliyay in uu Soomaaliya aad,waxaa uu xusay in ay tahay murugo aan ka kabsasho lahayn.

Askarigan hadda waxaa ay waxyeello ka soo gaartay maskaxda lama xiriiro Bulshada waxaana uu ku jiraa Gurigiisa oo ku yaalla Nairobi!.

Isha Warkan:Standardmedia.

Somaliyeyn:  Aadan Ibraahim Faarax.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super