Home » WARARKA MAANTA » Askari Jabuutiyaan ah oo lagu Dilay Buulo-burde ka Dib Marku Haweenay Gacan qaaday

Askari Jabuutiyaan ah oo lagu Dilay Buulo-burde ka Dib Marku Haweenay Gacan qaaday

Wararka laga helayo Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM, kaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dalka Jabuuti lagu Dilay halkaasi.

Askarigan ayaa dilkiisa yimid kadib markii uu u gacan qaaday Haweeney qaad ku iibisa Degmada Buulo-burde, maadaama sida la sheegay lacag deen ah ku la heyd.

Intaasi kadib, ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo garab u ah Haweeneydaasi waxey murmeen Askariga Jabuutiyaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuutiyaan ah ay isku dhaceen islamarkaana halkaasi uu ku dhexmaray israsaaseyn.

Iska horimaadka kadib ayaa Magaalada Buulo-burde waxaa lagu arkay Meydka Askarigii Jabuutiyaanka ee u gacan qaaday Haweeneydaasi.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Maamulka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super