Home » WARARKA MAANTA » AMISOM oo burburisay warshadda dharka ee Balcad (ogow sababta ka dambeysa)

AMISOM oo burburisay warshadda dharka ee Balcad (ogow sababta ka dambeysa)

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay gaarigooda ku dhufteen oo burburiyeen dhismaha warshadda dharka ee Balcad.

Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhismaha warshaddu uu qeyb ka jajabay, ciidamadii AMISOM iyo gaadiidkoodii dhibka geystay ay goobta isaga tageen, iyaga oo aan wax cudur-daar ah ka bixin gefkooda.

Shaqaalaha warshadda ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatadan ay AMISOM geysteen.

Ciidanka AMISOM ayaa maalmahan caadeystay in ay iska indhatiraanxadgudbyada ay geystaan gaadiidkooda dagaalka ee sida ka-fiirsasho-la’aanta ah ugu socda waddooyinka.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super