Home » WARARKA MAANTA » Amb. Maxamed Cali Ameeriko: “Waxaan ballan qaadayaa haddii la ii doorto Madaxweyne inaan wax ka qaban doono Amniga iyo Garsoorka”

Amb. Maxamed Cali Ameeriko: “Waxaan ballan qaadayaa haddii la ii doorto Madaxweyne inaan wax ka qaban doono Amniga iyo Garsoorka”

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho oo uu kaga dhawaaqay Musharaxnimada Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan 2016 ilaa 2020.

Munaasabadaasi waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Xisbiyada Siyaasadda, Madaxda Ururada Bulshada Rayidka, Culimaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Waxaa ka hadlay mas’uuliyiin magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamad Cumar Dhalxa, Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo hadana ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Cali Maxamad Nuux ‘Tima-jilac” oo ah Gudoomiyaha Midowga Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaasi waxay isla qireen Waxqabadka iyo Kartida Maamul ee Danjire Maxamad Cali America oo ah shaqsiyad nadiif ah, isla markaana u qalma Hogaaminta Wadanka.

Musharax Madaxweyne Mudane Maxamad Cali America oo ka hadlay Munaasabaddaasi waxa uu si weyn ugu dheraaday xaaladaha Amni iyo siyaasadeed ee wadanka iyo sida loogu baahan yahay in isbadal muuqda looga hirgeliyo soomaaliya sanadkan 2016 si uu wadanku uga baxo dhibaatooyinkii soo daashaday ulana tartamo asaagiisa dunida horay u martay.

Musharax Madaxweyne Abassador Maxamad Cali America waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu balan qaadayo marka la doorto qorshihiisa ugu horeeya inuu ka dhigi doono wax ka qabashada Amniga iyo Cadaaladda, taasoo markii uu ka dhawaajiyay ay Ka soo qeybgalayaashii munaasibadu ay aad sacabka ugu garaaceen.

Dhinaca kale, Kooxaha Faneed ee dalka iyo Suugaanleyda ayaa iyaguna munaasibadaasi ka qaaday heeso wadani ah oo ay ku muujinayeen waxqabadkii Diblomaasiyadeed ee uu horey u muujiyay danjiruhu xiligii uu maamulayay safaaradii Soomaaliya ee wadanka Kenya xiligaas oo dadka Soomaaliyeed ay aad ula dhaceen wax qabadkiisii looguna magac daray “Danjirihii Qarniga”.

Si kastaba ha ahaatee Hadal haynta Musharax Maxamad Cali America ee ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaliya ayaa isa soo tareysay todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo ay dadka Soomaaliyeed ku tilmaameen Mas’uulka kaliya ee ay ku han weyn yihiin inay Soomaaliya ka baxdo colaadaha burburka iyo habacsanaanta Dowladnimo iyo Amni-darida ku raagtay.

14191352_1146765375369092_94486292_o 14203044_1146765418702421_693670477_o 14203045_1146765745369055_1588659436_o 14203051_1146765762035720_676515477_o 14203693_1146765358702427_1910795176_o 14247821_1146765895369040_868548997_o

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super