Home » WARARKA MAANTA » Amaanka Muqdisho oo loo adkeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka..

Amaanka Muqdisho oo loo adkeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka..

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana ka mid ah wadooyinka xiran Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo wadooyin kale.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

 

x

Check Also

Sir Mo Farah oo beeniyay inuu isticmaalay Daawooyinka kordhiya Murqaha xilliga Orodka..

Orod-yahanka Somali-British-ka ee Mxamed Mukhtaar Jaamac Mo Farah waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadalo uu ku beeninayo Wargeyska The Sunday Times oo ku eedeeyey Tababarihiisa Maraykanka, Alberto Slazar inuu ...

FIIRSO SAWIRO: Ra’iisal wasaaraha magacaaban oo la kulmay Xildhibaanada Labada Gole ee Beelaha Hawiye..

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee sugaya Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada Labada Gole ee Beelaha Hawiye. Ra’iisa wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Xildhibaanada iney siiyaan codka ...

Watch Dragon ball super