Home » WARARKA MAANTA » Agaasimihii madaxtooyada Qeybta Warfaafinta oo la badelay iyo mid cusub oo loo magacaabay

Agaasimihii madaxtooyada Qeybta Warfaafinta oo la badelay iyo mid cusub oo loo magacaabay

Xil ka qaadistan ayaa timid, kadib markii uu amar ku bixiyay Madaxweyne Farmaajo in la bedelo Shador Xaaji, iyadoo lagu bedelay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada.

Shador xaaji  ayaa lagu wadaa in xil kalr loo bedelo oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama meel laga bedelo loo wareejiyo meel kale.

Sidoo kale is bedel ayaa lagu sameeyay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada,

wali waxaa ka socota kala shaandheynta xilalka iyo baal-siibka lagu haayo xubnihii horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super