Home » Qormooyinka » Afkaan ka sheegnaye maxaa is bedelay Qormo xiisa badan.W/Q/ Abuukar Taqi Ahmed

Afkaan ka sheegnaye maxaa is bedelay Qormo xiisa badan.W/Q/ Abuukar Taqi Ahmed

Qormo Afkaan ka sheegnaye maxaa is bedelay
Isbedel ma imaa rabyaa
Anigu hadda ma arkee

ujeedada qormadani waa sixid aan isleeyahay ku sax khaladaad aan arkayo ineey dhacayaan waanaa soo gaagaabin doonaa si’aan loogu daalin aqrinteeda. Waxaana u qeybin doonaa  dhowr qeyb haddii Eebbe idmo, Aqriste waxba yaanan arar iyo gundhigid kugu daaline aan idiin kala dhex baxo adiga iyo qormada. Waa aragti ka hadleysa doorashooyinkii ka dhacay gayiga soomaaliyeed sanadkii lasoo dhaafay iyo kan hadda lagu jiro ee uu kusoo baxay Mudane Maxammad Cabdullaahi Farmaajo madaxweeynaha talada haaya kana dhacday magaala madaxda jamhuuriydda federaalka soomaaliya ee Muqdisho” waa aragti aan ku cabbirayo dhinacaya badan aadna kuu taaban doontaa. waxaana si toos ah xoogga u saari doonaa. waxa lugu sheegay isbedel balse aan aheyn is bedel ee ah wax loo ekeysiiyay. dabcan is bedel lagu tilaabsaday oo la xaqiijiyay wuu jiraa lkn wuu ka duwanyahay midkaan afka laga sheegayee aan eheeyn is bedel, aniguse aan ugu yeero qiiro jabbaan mayee arrin sirgixan iyo alalaas gundhigan.

Haddii aan ku bilaabo isbedelka dhacay waa mid noocee ah mase yahay midka la leeyahay waa dhacyay run ahaantii waa wax aan loo bahneeyn in la buunbuuniyo wax aan dhicin wixii dhacayna laga dhega la aado, ama laga been sheego iyadoo lays moodsiinayo xaqiiqda dhabta ah iyo bilaawgi iyo aas-aaskii meesha loogu yimid.

Sida aan la soconno sanadkii tegay ee 2016 waatii qorshuhu ahaa ineey dhacdo dooraahadii loogu magac daray 2016 taasoo markii dambe loo bixiyay doorashada 2017  sanadkii lasoo dhaafay dhexdiisa waxaa dhacay doorashooyin aan la xaqiri karin lanaan inkireyn laguna tilmaami karo is bedel maxaa yeelay habka lusoo xulay xildhibaannada labada aqal waaka duwanyahay hababkaan arki jirnay ee ilaa dhowr nabadoon qol mugdi ah loogu xiri jiray. haddana isla habkii hab u dhaw ayaa lagusoo doortay laakin lagu tilmaami karo is bedel. tusaale laba Gole ee xildhibaannada waxaa lagusoo kala doortay lix xarumood oo kala duwan, ama lix maamul oo midi tahay dowladda dhexe sow haddaba laguma tilmaami karo is bedel aan heer sare eheyn lkn in muddo ahba gobalada dalka doorsho kama dhicin laga soo bilaabo markii uu marxuum Maxamed Siyaad xoogga ku qabsaday xukunka waa amminkusii dhow 50 sano:

Sidoo kale isbedelada soomaaliya ku talaabsatay waxaa ka mid ah in ay yeelatay golaha aqalka sare oo aaney waligeed yeelan”

Intaas marki laga yimaado. la islana ogolaado ineey tahay isbedel dhab ah waxaa loosoo gudbay doorashadii madaxweeynaha run ahaantii si xaslooni iyo deganaani ku jirto ayaa ayey u dhacday doorashada madaxweeynaha taasne waxaa mudan in lugu amaano hey adaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobalka banaadir oo iska saaray xil dheeri ah dabcan waa  jiraan tabashooyin la xiriiray qaabka wax loo weday, sida in la xiro wadooyinka oo loo arkayay ineysan amni wax ka tareyn waddo la xiro ha yeeshee waa inaan tix gilinnaa guusha lagu guuleestay in amaanka la sugay doorashadiina ay si nabad ah ku dhacday kuna soo dhamaatay ilaahey ayaa ku mahad leh oo raalli ahaanshihiisa ayeey ku suurta gashay arintaasi” halkaas ayaana uga kaaftoomeynaa illey aadane lama wada qancin kare; haddii aan usoo daadego dulucda iyo u jeedada qormadaan waxaan rabaa inaan ka jawaabo dhoowr su’aalood oo ka dhashay ka dib markii dad badani ku tilmaameen is bedel ay soomaaliya ku tilaabsatay doorashadii madaxweeynaha ee uu ku guuleestay madaxweeyne (Maxammad  Cabdullaahi Farmaajo)

sida aan la soconno waxaa isu sharaxay xilka madaxweeynaha Soomaalia 24 musharrax waxaase tanaasulay saddex ka mid ah waxaana tartamay 21 musharax oo kasoo kala jeeda labada beelood oo kala ah Hawiye iyo Daarood waana labada beelood ee labada kursi ee dalka ugu sareeySa kaligood ku loolama tan IYO markii ay burburtay doowladdii kacanka. labadan beelood ee kala ah Hawiye iyo Daarood ayaa isu bed beddeli jiray labada kursi ee ugu sareeya dalka waa kursiga madaxweeynaha iyo kan reysul wasaaraha wexeeyna ukala qaateen sida soo socota marki laga reebo doowladii madaxweeyne (Cali Mahdi) ee uu reysulwasaare ka noqday Cumar Carte Qaalib kasoo bilaaw doowladdii uu madaxweeynaha ka ahaa mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan

1.waxaa reysulwasaare ka noqday (Cali Khaliif Galayr)”

2. tii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmad waxaa reysulwasaare ka noqdayqday (Cali Maxammad Geeddi iyo Nuur Xassan Xusseen NUUR CADDE)”

3.Dowladdii mudane Shariif Sheekh Axmad waxaa reysulwasaare kasoo noqday  Cumar Cabdirashiid,  mudane Farmaajo iyo Cabdiwali Maxammad Cali GAAS

4. Dowladdii Mudane Xassan Sheekh Maxamuud  waxaa reysulwasaare kasoo noqday Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Cabdiwali Sheekh Axmad, iyo Cumar Cabdirashiid mar kale. tan hadda noo dhalatay ee la yiri isbedel ayaa dhacay waxaa madaxweyne ka noqday mudane Farmaajo reysul-wasaarana waxaa ka noqday mudane KHEYRE. haddaba Su’aalaha leys weydiinayo ayaa waxay yihiin isbedelbaa la sheegayaahi ma dhacay? mayee in Farmaajo la doortay ee asna Xasan Cali Kheyre u magacaabay reysul-wasaare miyaa isbedelku? MOOGI maxeey kaga duwanyihiin kuwii hore illeyn waa wada Hawiye iyo Daarood,e?” isbedelku ma ineey shacabku taageereenbaa toloow? maya waayoo shacabku ewelba mucaarad ma eeysan eheeyn oo wey taageeri jireen madax kasta ee la doorto ilaa eey ka arkaan wax qabad yaradooda. isbedelku ma in sida dimuqraadiyadda leh ee uu madaxweeynne Xassan Sheekh  natiijada u aqbalaybaa xilakana u wareejiyaybaa laga wadaa maya waayoo madaxweeyne Xassan asigaba sidoo kale ayaa xilka loogu wareejiyay ee muxuu yahay isbedelka la sheegaayo?” isuma kay qaban ee adna, Hadaba adigu maxaad ku jawaabi laheeyd haddii lagu weeydiiyo su’aalahan? Soow dhihi ma leheyn maya illeyn wax is bedelay kuuma muudaane”? Qla soco qeybta xigta haddii Eebbe idmo…

W/Q Abuukar Taqi Ahmed

x

Check Also

Xasan, Formaajo iyo Afgooye: W/Q: Bashiir Maxammad Xersi

Xasan, Formaajo iyo Afgooye. Xasan wuxuu degmada Afgooye tagay labo mar intii uu xilka hayey, ...

WAASUGE IYO WARSAME: (Socdaalkii 30ka Maalmood), waxaa qoray:Dr.Xuseen Sheekh Axmed (kaddare)

Alle ha u naxariistee Dr.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa Qorayaashii Farta Soomaaliga. ...

Watch Dragon ball super