Joornaaliiste caan ah oo laga yaabo in qoorta laga gooyo

02/01/2013

.


Tifatiraha Liberal Website (The editor of a liberal website) ayaa waxaa laga yaabaa in lagu xukumo Dil toogasho ah, sida ay sheegeen (the monitoring group Human Rights Watch).


Tifatirahaan waxaa lagu magacaabaa Raif Badawi, webkiisa ayaa looga Falanqooday arrimo ku saabsan ku dhaqanka Shareecada ISlaamka iyo hanaanka Dowlada Sucuudiga ay ku dhaqanto iyo arrimo Diinta looga hadlaayo iyo muslimiinta.


June 2012 ayaa laga soo kaxeeyay xaruntiisa uu ku shaqeenjiray, waxana lagu eedeeyay in uu islaamka meel kaga dhacay ( insulting Islam)

Waxaa dacwadiisa la dhageystay December 17,2012 , waxaana dacwadiisa loo wareejiyay Maxakamada sare sida ay sheegeen( the monitoring group said) waxay yiraahdeen waxaa laga yaabaa in Dil lagu xukummo sida uu dhigaayo sharciga Sacuudi Arabiya oo mahan wax sahlan xaalkiisa.

 

Wadanka Sacuudi waxaa ka shaqeeyo Webisaadyo badan iyo Joornaalo intooda badan waxay ilaaliyaan Awaamiirta Dowlada iyo sharciga dalka leeyahay, sidaas ayana kushaqeeyaan iyaga iyo Dowlada Sacuudiga waana markii ugu horeeysay Tifatiro Maxkamad lasoo taago lagana yaabo in DIL Toogasho ah lagu xumo

Xaaladu siday doontaba ha ahaatee waxaa lawada sugayaa Maxkamadda Sare siday urido xukunka joornaaliista Raif Badawi

Xafiiska Wararka Shaaciye W/Ameeriko



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com