Haweenka oo la ogaaday in aysan Dajin Karin Miisaaniyadda Qoyska Waa Maxay Sababta?

31/12/2012

.


Cilmi-baaris cusub oo la soo saaray dhowaan, ayaa lagu caddeeyey inay haweenka aad ugu adag tahay dejinta miisaaniyadda qoyska, sababtoo ah marka dakhliga guriga iyo waxyaabaha la isticmaalay ay qoraal ahaan amma maskax ahaan u dejinayaan waxay muujiyaan kalsooni-darro.

Waxa kaloo daraasaddani iftiimisay in raggu kaga fiican yihiin dumarka isku dubba-ridka maasiyaada guriga.

Cilmi-baaristaan oo u badnayd sahamin, ayaa tilmaantay in 56% dumarka ka qaybqaatay sheegeen inay ku fiican yihiin isticmaalka lacagta iyo xakamaynta kharashaadka, basle isku dubba-ridka iyo dejinta miisaaniyadda dhibaato ka haystato, halka 36% ay qabaan aragti taas ka soo horjeedda oo ah in haweenku ku wanaagsan yihiin dejinta miisaaniyadda qoyska. Sidoo kale, 58% raggu waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin awoodooda ku saabsan dejinta miisaaniyadda guriga.

Sahamintan oo laga qaaday 2,000 qof, isla markaana ay fulisay shirkad la yiraa Money Advice Service oo dalka Ingiiriska ku taal, ayaa xustay in haweenka waqtiyadan casriga ah nool ay aad ugu adkaatay dejinta miisaaniyadda qoyskooda.

Mrs. Jane Symonds oo ka tirsan shirkadda Money Advice Service, ayaa iyadoo arrintan ka hadlaysay waxay tiri

“Dhaqaalahan dunida sii xumaanaya ee aan dadka badankooduna aanay lacag haysan waxa dumarka ku adkaatay inay miisaaniyadda gurigooda si fiican u dejiyaan, halka ragga ay u fududaatay marka daraasadayadan la eego.

Waxaa Qoray
Ibraahim Khadar Saciid



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com