Dumarka Swaziland oo laga mamnuucay inay xirtaan Goono gaaban iyo inay is qaawin karaan

26/12/2012

.


Swaziland waa wadan ka mid waddamada ku yaalo Qaaradda Africa, Boqorka waddanka swaziland ayaa amar lagu mam nuucaayo soo saaray oo ah in aysan Dumarku xiran karin Goonooyinka gaagaaban & inaysan is qaawin karin dadka ku dhaqan waddanka is qaawintu waxay utahay dhaqan iyo caado soo jireen ah, dadka Reer Swaziland oo Dumarkaooda aan kor dhar ka xiranin oo hoosta maro yar ku xirta Naasaha way qaawiyaan waa dhaqan.


Boqorka sababta uu umamnuucay inaan lays qaawin karin ama Goono gaaban aan la xiran karin waxaa uu yiri waxaa badatay kufsiga dumarka loo geesto si looyareeyo waa in aysan dumarku xiran karin goonooyinka gaagaaban , iyo inaysan is qaawin karin.

 
Qofkii amarkaan jabiya oo isagoo qaawan ama Goono gaaban wato waxaa lagu xukumayaa 6 bilood oo xarig ah sida ay sheegtay madaxa ciidanka biliiska Ms Wendy Hleta waxay tiri qofkii lagu qabto waan xiraynaa

Dadka Reer Swaziland waxay aad uhadal hayaan Amarka uu boqorku (King Mswati III ) uu soo saaray oo ah in aan lays qaawin karin goono gaabana aan la xiran karin , su'aashu waxay tahay Boqorkeena waa uu qaawan yahay oo hal maro ayuu garbaha saartaa oo xabadkiisa iyo meelo badan ayuu ka qaawan yahay oo sharciga ma qabaaayo miyaa ?? mise Naagaha lee miyuu qabtaa ama Boqorka iyo Ragga qaawanba waa qabandoonaa????


Boqorka waxaa uuqabaa 13 xaas waana nin dhalinyaro ah waa boqorkii 3xaad



Xafiiska wararka shaaciye /Waqooyiga Ameeriko


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com