Kaartadii Kenya oo fashilntay: Warbixin Xasaasiya ah.

26/12/2012


 

Kaartadii Kenya oo fashilntay.
 
Dowladda kenya ayaa ilaa 2004 markii lagu soo dhisay Dalkeeda dowladdii Imbagati waxay geed dheer iyo mid gaaban u kortey hanashada, Xeebaha Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
 
Waxaa jirta sharciga Caalamiga ah in laba dal oo kasta ay u dhaxayso qiyaas 2OO Mile oo loogu talagalay ama la yidhaahdo Biyaha Caagan, qiyaastan labada dal midkoodna si gaar ah uma isticmaali karo biyahaas, waxaan ka ahayn, Maritaanka iyo Kaluumaysiga caadiga ah.
 
Hadda dhul badeedka Soomaaliyeed ee ku aadan magaala Xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa jirta in qolyaha Sahamiya Khayraadka iyo Shidaalku ay ku sheegeen Ceel aad iyo aad u weyn oo saliida ku jirtaa ay ka badan tahay mid ku jira laba Gobol oo Khaliijka ah, haddii ay Kenya dhankeeda Soo marsatana ay noqonayso Dowladda Ugu qanisan ama ugu Hodansan wadamada Afrika .
 
Kenya ayaa waxay isku dayday dhawr jeer inay ka faa’iidaysato, Dowladdihii KMG ahaa balse ayaandaro iyo nasiibxumo weyn oo la soo deristay iyo shacabka Soomaaliyeed oo aan mooral ahaan iyo niyad ahaan dhimmanin welina nool, ayaa kala hor tegay diidmo cad, iyado lagu xasuusto, Go’aankii Baarlamaankii Dowladdii Shariif ee tira badane inuu laalay heshiis badeedkii ilaa Jamciyada Quruumuhu faragelisay oo u sheegtay in waxba laga bedeli karin Xuduud badeedka Soomaaliya iyo dhulka toona.
 
Kenya ayaa Ciyaartay Door labaad ay doonayso inay ku qasabto Dowladda Cusub inay kula gorgortanto, Xuduudaha dalka Gobollada ay Ciidamadoodu xooga ku soo galeen iyo arrimaha Siyaasadeed ee ay ka dhex oogtay, Qaxoontiga iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.
 
Waxaa  ay Kenya markii Ciidamada Dowladdu u dhaqaaqeen Degmada Shalanbood u soo sawirantey Riyadeedii oo beenoowdey, ka dib ayay ciidamadeeda oo dhan ugu yaraan Ciidamo lagu qiyaasay, 20,000 oo ciidana ayay gelisay Magaalada Kismaayo, iyada oo 100Km dhaafin weyday markii hore
Kooxda alshabaab oo ah Jabhad diimeed ka dagaalamaysay Gobolladaas awoodeeduna aysan ka badnayn, Qoryaha saaran baabuurta yaryar iyo qori gacmeed iyo baasukayaal, tiro ahaana gaaraya ilaa 2000 askari.
Duulaankii iyo qabsashadii Kenya Kismaayo waxay u adeegsatey, Ciidamadeeda Badda, Dhulka, Cirka iyadoo weliba kaashanaysa, Kumanaan Soomaali ah, oo ay iyadu soo tababaratey, kana soo uruursatey, Gobollada Somali kenya, iyo Somali galbeed taas oo ujeedkoodu ahaa iney ka dhigato Buundo ay kaga gudubto ujeedooyinkeeda gaar ahaaneed, waxaa hore u jirtey in kenya laga codsadey iney ka mid noqoto ciidamada Soomaaliya caawimanaya dowladeeda balse ay hadal cad ku diiday maantana ay qaadatey magaca Amisom keliya, balse marka ay ka hadleyso ay ku tilmaanto ciidankeeda,“Kenya Defense Troops” oo aysan kama amarqaadan midowga afrika ciidamadeeda iyo taliyayaasheeda midnaba.
 
Qabsashadii Kismaayo, ayaa waxay ahayd kaalin ay dooneysay iney kula gorgortanto, Dowladda Soomaaliya maamul gacan ku rimis ah oo ay halkaas ka hirgeliso iyada oo adeegsanaysa qaybo Soomaaliya oo ay dhaqaale badan ku bixisay Shirkado Reer Galbeed ah oo quud dareynaya, maalgelinta ceelasha Shidaal ee Kenya u guuxayso.
 
Waxaa  haddaba kenya ku riyootey inay dhisto maamul goboleed la magac baxay Jubbooyinka ama  “Jubbaland“ oo ay danaheeda ku fushato ama ay kula gorgortanto , Dowladda Federaalka ah, iyada oo keligeed Magaca Igad la baxday, iyo iney soo jeediso kuna celceliso, in Qaxoontiga dalkeeda galayey mudooyinkii laga soo bilaabo 1991-2011 oo cadadkoodu gaarayo boqolaal kun iyada oo ay kuwa badani uga kala socdaaleen wadamada kale.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay  ganafka ku dhufatey maamul kasta oo aysan dadka shacabka ee deegaanku dhammayn oo koox ama beel gaar ahi wadato, Dowladda Soomaaliyana aysan waxba ka oggayn ineysan marnaba oggolaan doonin, Kenya waxaa horre uga hadlay soo Galitaankeeda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif shiikh axmed, Kenya ayaa waxay aad isugu taxalujisay inay siyaasadda gudaha Soomaaliya ku yeelato xubno firfircoon, taasna waxaa u suura gelin waayey Madaxweynaha Cusub oo isagu keensaday, ciduu rabey inuu ka dhigto Ra’iisalwasaare, kana leexday dadkii kenya u suntanaa oo dhan, labadaa Arrimood ka qaadatey Go’aan ka geesinimada iyo waddaniyada leh ee ay qaadatey Dowladda Soomaaliyeed ayaa meesha ka saaray damacii iyo hungurigii badnaa ee ay Dooneysay Kenya.
 
Kenya ayaa waxay billowday inay nabadgelyadeeda khalkhalgeliso, iyada oo ku dhibaateynaysa Shacabka Soomaaliyeed, sida falalkii is daba jooga ahaa ee ka dhacay, Nairobi xaafadda Soomaalidu u badantahay,  Islii iyo Gaarisa, Mombasa, iyo dhibaatooyinka iyo raafka ,jirdilka lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed. Ayaa haddana ku celcelisay in dib loo celiyo qaxoontiga Soomaaliyeed oo ay dhaqaale xadi fara badan ka soo galo dowladda kenya, balse ujeedkeedu ahaa inay ku gees garaacdo kuna nuglayso, go’aanka Dowladda balse Dowladda ayaa qaadatey Go’aan taariikhiya dadkeedana dalbatey
Waayo dadku waa Soomaali meesha loo soo wadaana waa Soomaaliya.
Qaxoontiga waxaa geeyey sabab iyo duruuf, duruuftaas oo ahayd:
 
 
1.      Nabadgelyo xumo
2.      Dowlad la’aan
3.      Iyo Nolosha oo khatar ku jirtay markaas.
Haddii maanta Dowlad la helay Dalkana ka soo Billow gees ka gees marka laga reebo inta yare ee ku sii hartay gacanta Alshabaab iney nabadi ka jirto 80% lagu badbaadayo, halka dadkii qaxay iyo kuwii haray ay maanta horumarsan yihiin kuwii haray intii ka badbaadey dagaaladii, waayo ubadkoodii tacliin ayuu u helay, badankoodu dhaqaale ayay samaysteen gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah.
 
Dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya dowladdii ama waddankii caawinaya qaxoontiga iyo barakacayaashooda haku caawiyo waddankooda dhexdiisa dib u dejin iyo soo noolayna haloogu sameeyo. Waxaa halkaas ku dhammaanaya magacii adduunka, lagaga dawarsan jirey ee qaxoonti Soomaaliyeed , adduunkana laynooga yaqaanay, haddii dadkaas dalkooda dib loogu celiyo waa iney Sidoo kale dowladda Soomaaliya kuwa Yeman ku dhibaateysana ka soo celisaa, waa labada waddan ee Soomaaliya iyo dadkeeda lagu bah diley, Itoobiya oo caddaawad soo jireen ah naga dhaxaysay, dalkeeda Qofka Soomaaliga ah ee jooga marnaba looguma yeero Qaxoonti, waa kala aragti duwanaanshaha, Kenya iyo Itoobiya, Kenya waxay maanta Soomaali ka dooneysay waa caddeysatay
Qaxoontiga oo noqday Mansab ay Kenyana adduunka kaga dawarsato, Hay’adaha WFB, IYO UNHCR iyo kuwa kalena ay ka dhigteen gabaad ay shaqo ka samaystaan, ayaa waxaa billaabatey dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa, in gabdho Soomaaliyeed laga ganacsado lagana dhigo kuwo iyaga iyo Hoteelada laysku kireeyo baahi darteed, in qoysas Soomaaliyeed fiisayaal iyo dalku gal lagaga iibsado diintooda, lagana duubo iyaga oo kitaabadooda ku takrifalaya majaacada iyo baahida haysa awgeed.
 
Miyaan la oran Karin Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh waxay Qaadatey Go’aan, geesinimo leh, oo ay dadkeeda iyo dalkeedaba ku badbaadinayso.
Waxaad aragtaa Gumaadka iyo raafka iyo dhibaatada joogtada ah iyo madax furashada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed, miyeysan uga mudnayn inay dalkooda joogaan oo lagu soo celiyo.
Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carabeey.
 
·         Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
·         Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
·         Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
·         Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
·         Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
·         Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide
 
balse Soomaaliya ayaa laga doonaya mawqifka iyo go’aankeeda iney ku adkaysato, dalkeeda iyo dadkeedana hanato.
 

Falanqeynta Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada

Shaaciyenews@hotmail.co



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com