Is qaawinta fannaaniinta ma qurux baa ku dheehan?!! (Qormo Xiiso Leh)
.
|
Fanka oo lagu tilmaamo inuu yahay isku jir ka kooban balwad ama hiwaayad ay dadka qaarkiis leeyihiin iyo dareen lagu soo bandhigo hadba marxalada la joogo, ayaa wuxuu soo maray heerar kala duwan ilaa uu maanta ka joogo casrul dahabigii ugu qaalisanaa ee soo mara, maxaa yeelay waxa uu xilligaan gaaray horumarkii ugu caalamisanaa ee ay abid ku tallaabsadaan qeybaha uu ka kooban yahay fanka.
.jpg)
Soomaaliya oo muddo aad u fog uu ka soo jiray fanka ayaa dadkeedu waxa ay marba xilli helayeen wanaagga iyo macaanka ay leeyihiin noocyada la isku yiraahdo "FAN" waxaana garaadka ummadda ee ku aadan jeclaanta fanka uu hadba la jaan qaadayay wakhtigii la joogo, iyadoo xilligaan la tilmaamo xiisaha ay dadku u qabaan fankooda inuu taagan yahay heerkii ugu sareeyay ee aan horay loo arag, haday ahaan lahayd daawashadiisa ama dhageysigiisa.
Xornimadii 1960-kii kahor fanka Soomaaliyeed si buu u dhignaa (Yiilay), ha yeeshee wixii ka dambeeyay Lixdameeyadii ilaa toddobaatameeyadii iyo sideetameeyadii fanku si ka qara weyn sidii hore ayuu isu bedelay, waxaana uu noqday shey qof walba uu jeclaado, waxaana taa ugu wacnaa sida ay maamuladii jiray iyo shacbiguba ay u garab istaageen ilaa ruuxa fannaanka ah uu ka helay xushmad la mid ah tan la siiyo dadka madaxda ah oo kale.
Shaki kuma jiro in fanka uu qeyb libaax leh ka soo qaatay ilbaxnimo gaarsiinta dadkiisa iyo horumarinta dalkiisa, waxaana marag ma doonto ah in sodonkii sano ee u dhaxeeyay 1960-kii ilaa 1990-kii uu ku tallaabsaday horukac layaab leh ilaa ay ka gaareen in fannaaniintu ay guulo dhinaca fanka ah ay ka soo hooyaan beesha caalamka.
Horumarkaasi xowliga ku socday ee uu fanka Soomaaliyeed gaaray waxa udub dhexaad u ahaa fannaaniin isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajiliistayaal, ciyaartoy iyo howl-wadeenno kale oo aad u fara badan, waxaana qeybahaasi ugu caansanaa oo inta badan la isla wada yaqiinay wiilasha iyo gabdhaha heesa oo codkooda laga maqlayay qalab warbaahinta, waxaana in la xuso mudan in heesaha hobaladeena qaarkood ay dhici jirtay in lagu tarjumo afaf kale nuxurka iyo macaanka ay suugaanteenu leedahay darteed.
Xilli walba oo la joogo fanku waxa uu lahaa masraxiyad iyo hab si gaar ah ula saan qaadayay waayihii la joogo, haday ahaan lahayd dhanka sheekada ama dhinacyada kale ee jilliinka, labiska, gole soo joogsiga iwm, waxaase in hoosta laga xariiqo mudan in fannaaniinta qaarkeed gaar ahaan gabdhihii fanka ku jiray ay mararka qaarkood xargaha goosan jireen, iyagoo la imaanayay arrimo aan diinta iyo dhaqankuba ogoleyn, marka ay noqoto dhinaca labiska iyo dhar soo xirashada, waxaase dhanka kale jiray guddiyo si gaar ah isu xil saaray oo ka koobnaa odayaasha fanka iyo taageerayaashooda oo si hoose ama si dadban ula hadli jiray cid walba oo xadgudbeysa.
Waa suuragal in dad badan ay shalay la yaabanaayeen hab dhaqanka iyo labiska fannaaniinteena qaarkood, waxaana la rumeysan yahay in xarfaantii xilligii bari-samaadka lala amankaagi jiray dhar xirashadooda inay ka dareen kuwa maanta dhex boodaya fanka, iyadoo arrintaasin u eg tahay "Haddii waraabow yimaado, furuq fara ka leef ayuu noqdaa" taa oo macno ahaan u dhigan in kuwii hore ay wax badan dhammeen kuwa maanta.
Inkastoo ay lagama maarmaan tahay inuu fanka Soomaaliyeed la jaan qaado asaagiisa kale ee dunida ayaa misana waxaa nasiib darro ah in arrimaha qaarkood looga daydo fannaaniin Gaalo ah, iyadoo aan la eegeynin diinta iyo dhaqanka ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax laga yaqyasoodo ah in gabar heesaa Soomaaliyeed ah ay kaa soo hor muuqato iyadoo qaawan isla markaana isu heysata xiddigad aan la loodin karin haday ahaan lahayd dhanka luuqda, labiska, ciyaarta iyo muuqaalkeeda kale.
Shalay haddii aynu lahayn gabdho fannaaniin ah oo loogu yeeri jiray naaneesyo qurxoon sida: Hida-dhowrtii fanka, masrax buuxisadii Hobalada, Suldaantii Suugaanta, Udub dhexaadkii Masraxa iwm wallee maanta lama hayo, waxaana booskooda si xad-dhaaf ah u soo buux dhaafiyay qaar aan gaareynin kuwaasi hore, isla markaana ku tuntay xaq-dhowrkii fanka uu lahaa iyo tixgelintii ay lahaayeen daawadayaasha iyo dhageystayaasha.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay hablaha heesa waxa ay isaga mid ahaayeen ku faanidda madaxa, haday ahaan lahayd mid buruko soo xiratay iyo mid si caadi ah timaheeda u soo bandhigtay, waxayse arrintaasi ka sii dartay markii gabdhaha qaarkood ay ku dhiiradeen inay soo xirtaan saakooyin, guntiinooyin, shaarar, garanno iyo unifom kale oo aan wax garba ah lahayn iyo kuwo dhabarka oo dhan ka bannaan yahay, iyadoo mid walba aad moodo in lagula soo ballamay sidii ay balbaladeeda inta daawaneysa u tusi lahayd ama cadaanta dhabarka dusheeda ugu muujin lahayd.
Bal eeg Nimco Dareen, Farxiyo Fiski, Shamso Food, Faadumiina, Farxiya Kaba-yare, Ikraan Caraale, Laba Dhagax, Fartuun Birimo iyo kuwo aynigooda ah waxaa indhahaaga buuxinaya qaawanaantooda marka ay heesaha qaarkood qaadayaan, waxaana moodeysaa gabdhahaasi marka ay kaa soo hor muuqdaan dad aan Soomaaliba ahayn, waayo waxa ay 100% ka sii fogaanayaan diintii, dhaqankii iyo astaamihii kale ee Soomaalida uga soocneyd dadyowga kale.
Is qaawintaan ay caadeysteen gabdhaheena qeybo ka mid ah ayaa la caddeeyay inay ku xambaareyso sidii loo oran lahaa "Heblaayo waa qurux badan tahay iyo heblaayo waxay sameysay Action qatar ah iyo waliba baashaal layaab leh" iyo ereyo kale, waxaase xaqiiqo ah is qaawintu inaanay horumar iyo qurux midna keeneynin, maxaa yeelay qurux waa u dhalasho iyo tii Rabbi ku siiyo sida cadaanta, dhererka, dhex yarida, indhaha buur-buuran, suniyaasha baciidka ah, sanqaroorka dheer, dhabanada labeenta ah, dabeecadda wanaagsan, garashada qofka iwm.
Is qaawinta noocaan ah haddii ilbaxnimo, xarako iyo qurux soo jiidasho leh la moodo, waxaan shaki ku jirin in xilliyada soo socda loo tallaabi doono is qaawintaan mid ka sii daran, waxaana waxgarad badan ay ka cabsi qabaan in muddooyinka soo aadan la arko gabdho Soomaaliyeed oo calooshoodu bannaan tahay sida Hindidii oo kale, ama kuwo ku heesaya rajastiinooyin iyo surwaallo gaagaaban sida hobaladii reer galbeedka ama kuwii Latin America oo kale, waxaana in la xasuusiyo mudan fannaaniinteena sidaan u dhaqmeysa inuu ka dambeeyo sakaraad, su'aal, xisaab iyo qabri aan la ogeyn waxa lagala kulmi doono, sidaasi daraadeed waxaa ila haboon in fanku aanu ku kadsoomin dhal dhalaalka adduunyada, balse inta ay goori goor tahay la is daba qabto, la iskana daayo wax walba o xadgudub ah.
Fanku waa loo baahan yahay, fannaaniintuna waa lagama maarmaan, waxaase meesha ku jira sidee la isu waafajin karaa soo bandhigidda fan wanaagsan, iyadoo Alle la cara gelineynin, waxaana xaqiiqo ah oo aan dhihi lahaa fanku waa mindi laba af leh ee aan uga faa'iideysano dhinaca mubaaxa ah ee bannaan, iyadoo ugu dambeyntii aan ku waaninayo hablaheena fanka ku jira ee is qaawinaya inaanay arrintaasi wax qurux ah ugu jirin in la kahdo mooyee.
Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!