YAA KHALDAN: QAYBTII 4AAD. SHEEKADII XIISAHA BADNAYD

23/12/2012

Waxaa Qoray Abwaan Axmed Xaayoow.


              

Y
aa Khaldan
Qaybta 4aad
Rooti ismaris ah iyo koob shaah ah ayaa looga quraacdaa Xalane,marka laga yimaado Ptga[orodka] Deeqa subaxaas waxaa quraacda uga muhimsanaa ineey aragto Wiilki mucjisada ahaa eey xalay la kulantay,ma taqaano Ururkuu ka tirsan yahay,taasoo eey isku ciilkaambisay [maxaad xalay u weeydiin weeysay Ururkuu ka tirsan yahay?”  waxaa u sahlanaan laheyd ineey abaarto ururkaas ama wiilkeey ka taqaano weeydiiso,laakiin waxeey hadda ku kaliftay ineey urur walba kii eey ka taqaano eey u dirsato Rr,Deeqa ayadoo ka baqeeysa inuu garan waayo Rr ayeey weeydiisay Cumar sii sii “ma taqaanaa wiil la yiraahdo Raage Rooble?”
 
Cumar sii sii ayaa yiri “Rr soow maaha?” Deeqa ayadoo inkireeysa ineey u taqaano Rr ayeey tiri “Rr miyaa loo yaqaanaa?” Cumar sii sii ayaa yiri “Rr ayuu kaga caansan yahay Raage Rooble,hadduu yahay midkaan aqaano oo ururka 2aad ka tirsan) Deeqa ayaa tiri “Iskoolkee ka soo baxay?” Cumar sii sii ayaa yiri “maxaa kaa soo galay?” Deeqa oo madaxa dhulka ka qaadaneeysa ayaa tiri “xalay ayuu Alaabta ii soo qaaday,marka waxaan rabay inaan u mahadceliyo” Cumar sii sii ayaa u sheegay inuu ka soo baxay Dugsiga Bartamaha,isla markiiba Deeqa inteey ku tiri “mahadsanid” ayeey ka dhaqaaqday Cumar sii sii oo hadli raba,waxeey Deeqa diidan tahay in la ogaado ineey raadineeyso wiil iyo sababteey u raadineeyso,laakiin waxeey soo faa’iiday Raage Ururkuu ka tirsan yahay iyo Iskoolkuu ka soo baxay taas oo u sahleysa ineey Muuse oo ka tirsan Ururka 2aad u dirsato.
 
     Galabnimadi Raage oo koofida jeebgadaalka ugu jirto ayeey u yimaadeen Deeqa,Yaasmiin iyo Muuse oo ah kan u soo hoggaamiyay inuu tuso Raage,markeey isa salaameen ayuu Muuse yiri “Rr,waxaa ku raadineeysay Deeqa oo rabtay ineey kaaga mahadceliso asxaankaad xalay u sameeysay” Yaasmiin oo fiirineeysa wejigiisa iyo kan Deeqa ayaa inteey Raage salaantay ku tiri “Mr.Rr,barasho wanaagsan….Yaasmiin…..” Raage intuu gacan qaaday ayuu yiri “barasho wanaagsan Yaasmiin…..Deeqa adigaa mudan,waa waajib aan gutay inaan kaalmeeyo qofka iiga baahan” Deeqa ayaa tiri “waxaan su’aal gaar ah weeydiinayaa Raage,haddaad raali naga noqoneeysaan Muuse iyo Yaasmiin” markeey u firaaqeeyeen ayeey Deeqa cabaar fiirisay indhaha Raage si eey u tijaabiso awooda indhaheeda,Raage ma arkin Quruxdeeda xalay markuu xamaaliga u ahaa,laakiin intuu hadalka ka sugaayay ayuu wejigeeda fiirinaayay asagoo la yaaban hadalka gaarka ah eey rabto ineey weeydiiso,Maskaxda Raage waxeey sameeysay wareeg eey isku weeydiineeyso [maxeey ku weeydiin rabtaa?,haddeey ku tiraahdo waa kaa helay ama xariir kuu soo bandhigto,maxaad uhu jawaabi doonrtaa ?, niyadiisa ayuu iska yiri waa qurux badan tahay qofta laakiin dabcigeeda ma taqaanid ee bal is deji wuxuu hoosta iska weydiinayaa,maxeey kaa fiirineeysaa?
 
Walaah waaba indhodeeralaydii la sheegi jiray! indho qurxoon ayeey leedahay,Muuse miyaa saaxiib la ah?mise Yaasmiin ayuu saaxiib la yahay?” markuu daalay ayuu u jeestay Muuse iyo Yaasmiin oo sii socda,markaa ayeey Deeqa saluugtay maqnaanshihiisa, iyadoo ka dareentay inuu ka maahsan yahay, bilicdeeda iyo qaab dhismeedkeeda ay aaminsan tahay, Indhihii arkaa  ineey sixrayaan majarahana ka luminayaan ilaa uu qofku is celin waayo, balse maanta taas kalama kulmin Raage,laakiin waxeey isku qancisay Dharkeey wadato oo ah kan xerada,Surwaal iyo Shaar kaaki ah,Kabo buud ah iyo Koofiyad maro Kaaki ah ka sameeysan,waxeey aamintay in kuwaas quruxdeeda eey wax u dhintay,Deeqa markeey fiirineeyso wiileey dan ka leedahay,waxeey ka akhrisataa indhihiisa ineey saameyn ku yeelatay iyo inkale,laakiin Raage wuu ka xumaaday siddeey ugu talagashay,marba hadduu ka sii jeestay ayadoo indhaha ku haaysa,Deeqa inteey Raage la soo dhaqaaqday ayeey ku tiri “culeyska aad ii soo qaadday ayaan kaaga mahadcelin rabay” Raage ayaa yiri “runti alaabtaad wadatay ma cusleyn,laakiin markaan soo qabtay ayeey igala cuslaadeen siddaan u maleeynaayay” Deeqa ayaa tiri “waa siddaasoo aaneey usbuuca igu filneyn Toonada iyo Oodkaca aan soo qaato…..adiga waxba masidan,ma soo qaadatid miyaa Toono aad qadada ku darsatid iyo Oodkaca quraacda?” Raage ayaa yiri “waxba sooma qaato……”
 
Deeqa ayaa uga dhex gashay “Saaxiibtaa miyaa kuu keenta?” Raage ayaa yiri “waaaw…Gabdho u soo qaada saaxiibadood miyaa jira?” Deeqa ayaa tiri “ma waxaad i mooday inaan wiil u soo qaaday alaabteeyda?” Raage oo ka cudurdaaranaaya ayaa yiri “maya,adiga kaama wado oo waxaad ii sheegtay ineeysan kugu filneyn adiga kaligaa” Deeqa ayaa tiri “weey jiraan gabdho ku shukaansada wiilasha Toono iwm.” Raage ayaa yiri “arrintaas lama socon ineey jiraan gabdho wax ku shukaansada Toono,laakiin wiilal gabdhaha wax siiya waan arkay” Deeqa ayaa tiri “adiga mid wax ku siiso ma arkin miyaa?” Raage ayaa yiri  “weey i siiyaan gabdho iyo wiilal aan isnaqaano,laakiin mecneheeda maahin ineey dan ii siiyeen ama aan uga qaatay” Deeqa ayaa tiri “gabdhaha ku siiya,saaxiibtaa miyaa ku jirta?”
 
Raage ayaa yiri “saaxiibo caadi ah ayaan nahay,adiga saaxiib miyaad leedahay?” Deeqa ayaa tiri “mid i raba ma arkin”  Raage ayaa yiri  “waxaan u qaadanaa,mid aan rabo ma arkin” waxeey tiri “sabab” wuxuu yiri “waan khalkhalay markaan si fiican kuu fiiriyay,waxaan aaminsanahay ineey wiilal badan siddeeyda oo kale u khalkhaleen”  waxeey tiri “waa igu dheeleeysaa,waxaad rabtaa inaad niyada ii dhisto” wuxuu yiri “ indho aan laga jeesaneyn ayaa kugu yaala” waxeey tiri “aad ayaad ugu mahadsan tahay ammaanta aad i ammaantay” Raage ayaa yiri “waxaan kugu ammaanay majirto,waxaan sheegay quruxdaada  hubqaadka iyo hannaanka bilan, iyo heensaha ilaahay kuu dhaliyey maaha mid hablaha aynigaaga ah maanta kula wadaagan, dabcan ma ogi wax kuu duugan, deeqa ayaa tiri “ Maxaad ka wadaa wax kuu duugan” Raage intuu qoslay ugu jawaabay, “quruxda aadmigu waa laba qaybood, midna waa muuqaalka mida kalena waa dabeecada, waxaan ka wadaa inaad dabeecad wanaagsantahay iyo in kale wuxuu u sii raaciyey,laakiin D waxaan ku weeydiiyay meeqa wiil ayaa kugu tiri intaan kugu sheegay?” Deeqa inteey qososhay ayeey tiri “kkkkkkkk,D,maxaad iigula baxday D oo kali ah?” wuxuu yiri “waxaad u egtahay princess Diana” Deeqa waxeey niyada iska tiri “hadduu i arki lahaa anigoo labisan,malaha wuxuu i dhihi lahaa Diana adigaa ka qurux badan”waxeey tiri “Rr ammaanta iga kala yaree” wuxuu yiri “Yaasmiin,Muuse miyeey saaxiib la tahay?” Deeqa oo ka shakisay mowduuca uu bedelay ayaa tiri “maya,Yaasmiin miyaa ku qancisay?” wuxuu yiri “qancin siddee ah?”
 
waxeey tiri “macnaha haddaad Yaasmiin ka heshay waa…….” Deeqa inteey aamustay oo wejigiisa fiirisay asagoo dhinac socda ayeey istaagtay oo ka soo horjeesatay,markaas ayeey hadalki sii wadatay “…….waa Yaasmiin waa u sheegan kartaa” Raage wuxuu u qaatay ineey Yaasmiin ka maseyrtay oo eey ayada isku rabto,markaas ayuu yiri “waxaan garan waayay ineey Yaasmiin saaxiib latahay Muuse ama inaad adiga la tahay,midkiin inuu xiriir kala dhexeeyo” waxeey tiri “ma Muuse ayaa kugu yiri “midood ayaan saaxiib la ahay?” wuxuu yiri “Muuse si fiican isuma naqaano,waxaan isku baranay halkan,laakiin inuu inta badan aado gabdhaha xagooda waa laga ogyahay Urur 2aad” waxeey tiri “gabadha Muuse uu u aado ee gabdhaha xagooda ma la yaqaanaa?” wuxuu yiri “ma’aqaan…..ma weeydiin,haddaad adiga taqaano ma ogi” Raage wuxuu galay imtixaan,su’aalaheey Deeqa weeydiineeyso majecleysan,inteey wada socdeen ayuu ka geesisanaa hadda oo eey ka soo horjeedo iyo indheheeda ku soo maqan,wuxuu ku dhow yahay inuu bareerihiisa cadeeyo dareenkiisa kala hadlo haddana waa is qabtay  haddaad tiraahdid ayuu niyada iska yihi “Deeqa waan ku helay  ee sidee u arki lahayd?”
 
laakiin waxaa yeertay turunbadi safka oo ka dul qaadday culeyski saarnaa Raage oon ku talagelin inuu wax shukaansado laakiin lagu soo kediyay,Deeqa inteey salaantay Raage ayeey ku tiri “wiil aad qurux badan ayaad tahay,magacaaga Rr iyo Gaariga aad jeceshahay Rr,intaba weey qurux badan yihiin,sheekadaadana aad ayeey u macaan tahay…..waxaan kaa codsanaa inaan si fiican isu barano” wuxuu yiri (diyaar ayaan u ahay,goormeen wada kulmi karnaa?” waxeey tiri “waad ku mahadsan tahay inaad iga ogolaatid barashada,halkan waa wada joognaa,caawa cashada wakhtigeeda ayaan ku soo raadinaa”  siddaas ayeey ku kala tageen Raage oo talaalan iyo Deeqa oo rabta ineey sii waraabiso laabta eey talaashay.
 
 
 
Y
aa Khaldan
Qaybta 3aad.
Waxay ahayd habeen Sabti soo gelaayay oo ah habeenka lagu laabto Dugsiga Xalane ayuu Raage kula kulmay Deeqa Albaabka xerada ayadoo wadata alaabo badan,wuxuu dareemay ineey kaalmo Xamaali u baahan tahay,Raage inuu agteeda ka qaaday kiiski ugu cuslaa ayuu ku yiri “waxaan filaa inaad kaalmo u baahan tahay”Deeqa inteey soo fiirisay ayeey ku tiri “haa aboowe…..Wallaahi waxgarad ayaad tahay” Raage oo is xariifinaayay xoogna is bidayey ayaa hal gacan ku soo qabtay kiishki,laakiin markuu kor ula soo kici waayay ayuu gacanta kale ku kaalmeeyay,wuxuu yiri “Kiisku culusaa,Dad badan miyaad u soo adeegtay?” Deeqa ayaa tiri “waa siddaas oon wax badan iska soo iloobay” Raage ayaa yiri “yaa kula qaadi jiray markaad waxba soo iloobin?” Deeqa oo la yaaban su’aashiisa ayaa tiri “Aboowe magacaa horta?2 wuxuu yiri “Raage,laakiin waxaa leeyaqaanaa (RR) oo ah Billowga Magacayga iyo kan Aabbahay,Raage Rooble ama (Rolls Royce) oo ah Gaari aan jecelahay” waxeey tiri “waaaaw waa ka helay magacaas…..Aniga Deeqa ayaa leeyiraahdaa…..” wuxuu kaga dhexgalay “magacaaga caadi maaha Deeqa ama D,hadduu magaca Aabbahaa ka billawdo D,waxaan ku dhihi lahaa DD….” waxeey la soo booday “yaa kuu sheegay inuu magaca Aabbaheey D ka billowdo?” Raage intuu qoslay ayuu yiri “DD….waan asiibay soow maaha?” markaa waxeey ku soo dhawaadeen xerrada gaarka ah eey degan yihiin Gabdhaha oo ah meel si gaar ah loo ilaaliyo oo gooni ugu go’an Gabdhaha Qaybta wiilasha,lamana ogola wiil gudaha inuu galo, mid walba wuxuu gabadha gaarsiiyaa Albaabkooda.
Raage wuxuu Deeqa ka soo tegay asagoo ka fekeraaya ineey runteed tahay inuu magaca Aabaheed ka billowdo D iyo ineey si caadi ah ugu camiratay,laakiin Deeqa waxeey Raage ka tagtay ayadoo ka fekereeysa ineey khasab tahay inuu Raage kor ka yaqaano,maadaama eey Gabdhaha kale ka tilmaaman tahay,balse waxeey garan la’dahay sababta uu isaga dhigaayo wiil aan arkin,oon magaceeda aqaanin,waxeey Deeqa isku haaysataa wiil aan jecleyn ama aan ku fekereyn inuu ayada hanto inaanu ifka saarneyn,markeey gashay xarunti Gabdhaha waxeey isku mashquulisay ineey wax ka oggaato wiilka caawa soo dhaweeyay,Gabdho eey saaxiib la tahay oo la kala yiraahdo,Shamso,Yaasmiin iyo Cibaado ayeey weeydiisay ineey yaqaanaan waxeey ku tiri “wiil loogu yeero “RR” oo Xalane nagula jira,mataqaanaan?” Yaasmiin ayaa tiri “weligeey ma maqlin magacaas,RRna maxaa laga wadaa?” Deeqa ayaa niyada iska tiri [faataale iga dheh,maba aha mid layaqaan] Shamso ayaa tiri “magaciisa runta ah ma kuu sheegyay Mr.Rrka?” Deeqa ayaa tiri “Raage Rooble ayuu iigu sheegay…..markaan magaceeyga hore u sheegayna wuxuu igu yiri “hadduu Aabahaa Magaciisa D ka billaaban lahaa waxaan ku dhihi lahaa DD” Cibaado ayaa tiri “Alla waa Deeqa Daahir,waana DD,yaa u sheegay magaca Aabahaa!” Deeqa ayaa tiri “ma aqaan inuu i yaqaano iyo in kale” Shamso ayaa tiri “Iskoolkee ka soo baxay?” Deeqa ayaa tiri “ma weeydiin Iskoolkiisa” Yaasmiin ayaa tiri “Muuse maka qurux badan yahay?”
Muuse waa wiil Deeqa aad u jecel oo baari u ah,laakiin aaney weli ka oggolaanin ineey xiriir yeeshaan,caawa waa habeenki ugu horreeysay ee aanu Muuse la soo qaadin alaabta,Deeqa ayaa tiri “Muuse kama qurxana,laakiin waxaan rabay inaan oggaado siduu magaca Aabbaheey ku sheegay” Cibaado ayaa tiri “hadduu xerada nagula jiro waa la soo oggaan karaa Mr.RR) Shamso ayaa tiri 2RR…Gaariga Rolls Royce miyaa?…..Wiilkaas ma sidi gaarigaas ayuu u qiima badan yahay?” Deeqa ayaa tiri “wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay Gaarigaas Rolls Royce uuna ula baxay Rr iyo magaciisa daraadiis” Yaasmiin ayaa inteey qososhay waxeey tiri “adigana maxaad u dhihi weeyday (DD) ayaan ahay,waxaana leeygu bixiyay princess Diana ayaan jecelahay…..” Deeqa ayaa tiri “markaan Deeqa ku iri wuxuu igu yiri D…..ma muxuu ka weday Diana oo D loogu yeero?” Shamso ayaa ku tiri “waa wiil fany ah,waa laga yaabaa inuu Diana ka waday…..armuu Charles Kuu noqdaa?) Cibaado ayaa tiri “Armuu noqdaa wiilkan RR Charleskaaga Mustaqbalka” Deeqa waxeey u shanleeysataa siddi princess Diana oo kale,weeyna jeceshahay in lagu naaneeso Diana waloow aaneey ku fekerin Raage ka hor,inkastoo aaneey hubin inuu Raage D ula dan lahaa Diana iyo in kale,Deeqa waxaa u soo baxay aragti kale iyo muuqaal kale oo aad iyo aad u cajibiyay,kaas oo ah ineey dadka isku barto DD ama D oo kali ah,uguna fasirto Deeqa Daahir ama Diana ayaan jecelahay.
Deeqa waxeey Wiilasha ugu jeceshahay kan eey u maleeyso inuu ka foggaanaayo ama iskala weyn yahay inuu ka soo ag dhawaado,waxeey isku mashquulisaa ineey soo gacan geliso kii wax isbida eeyna u qaadato inaanu wax qiimaha siineeynin Quruxdeeda,ulajeedada eey ka leedahayna ma aha ineey xiriir la sameeysato ee waxaa waaye inuu safka ku soo biiro dabadeedna uu ka mid noqdo kuwa ku heeraarsan oo tartanka ugu jira,wiil la yiraahdo Saacid ayaa ugu adkaa wiilasheey soo marin habaabisay,kaasna waxeey ku qaadatay wax ka yar hal usbuuc,Saacid waxeey ka lug gooysay gabar la yiraahdo Safiya oo eey Cusmaan Geedi Raage iskala soo bexeen,Safiya weey jecleyd Saacid laakiin waxeey ka calfan weeyday Deeqa oo uu ka raacay,markeey ugu hanjabtay Safiya ineey Saacid ka qaadeeyso,dhacdadaas waa mid caan ka ah Dugsiga Cumaan Geedi Raage,sababteey caan ku noqotayna waxeey aheyd inuu Saacid laftiisa ogaa loolanka ka dhexeeyay saaxiibtiis Safiya iyo Deeqa,ilaa iyo hadda wuu ka xumaadaa Saacid siduu uga hiiliyay Qofti daacada u aheyd,uuna uga raacay mid balanqaad xiriir xataa anuu ka haaysan,Deeqa waxeey aaminsan tahay ineey qofka gacanta ku soo dhigi karto,ayadoon waxba u balanqaadin,marka uma baahna shuruudo eey lagasho wiil eey ku heli karto eegmo eey eegto oo kali ah,waxeey wadataa indho qofkeey ku dhacaan sixir ku noqonaaya iyo qurux aan inaba caadi aheyn.
 
Yaa Khaldan
Qeybta 2aad
 
Saacado kadib markeey salaadi subax soo dhaweyd ayeey tii Alle u timid Aabbe Rooble dhaawacii soo gaarey dartiis oo calooshiisa laga soo saaray sedex xabbadood oo uga dhacday markii qalliinka lagu sameeyay,Raage asagoo u haaysta inuu Aabihiis hurdo ayuu ka yaabay qaboowgiisa markuu korkiisa taabtay,hadal uu Aabe Rooble ku yiraahdo wiilkiisa Raage waxaa ugu dambeeyay [ha noqon kuwa xaqdarada igu dilay oo kale,haddaad wax kale weeydo iskaga haajir wadanka inti illaaheey xaaladaan mid ka kheyroon ka keenaayo] subaxdaas Raage wuxuu ku Aasay Aabihiis Rooble Isbitaal Digfeer gadaashiisa,laakiin wixii usbuucaan ka horreeyay Qofkii dhinto waxaa leeysugu yeeri jiray Dadka qaraabada ah,markaas ayaa intii Meydka la dhaqo oo naxash la geliyo ayaa Salaad Janaaso lagu dukan jiray,kadib intii Gawaari lagu qaado ayaa waxaa la geyn jiray qabuuraha Km 13,marka la aaso ayaa taqliin lagu akhrin jiray si Dadka loo soo xasuusiyo Xabaasha iyo Aakhirada,waxaa Dadka aaska ka soo qeyb galay la weeydiin jiray ineey jirto cid deyn ku laheyd Marxuumka ama dembi kale u haaysata,waxaa loo dalbi jiray in la cafiyo Marxuumka,kadibna waxaa leeysugu imaan jiray Guriga Reerka laga dhintay halkaas oo qurbaan lagu sameeysan jiray,laakiin hadda sheekadaas waa dhammaatay oo qofkii god lagu rido oo aaneey cunin Eeyaha ama Mukulaaha ayaa nasiib leh.
Casirki ayuu Raage ka soo huleelay goobti lagu aasay Aabihiis iyo Dad kale oo fara badan oo Isbitaalka ugu dhintay daryeel xumo iyo Daawo la’aan,waayoo Daawadi Isbitaalka inteedi badaneyd waa la boobay,waxaa yaala in yar oo la qarsaday oo iib ah,Maamulki,Dhakhaatiirti iyo Kalkaaliyaashi ayaa waxaa hoowshoodi kala wareegay Dad hubeysan oo qoryo wata oo xoog ku qabsaday Isbitaalka,wax kale iska daaye xataa Albaabki laga soo gelaayay Isbitaalka waxaa la dhigay Isbaaro,ciddaan lacag bixin dhaawacooda u gudbimaayo gudaha Isbitaalka,wuxuu dhibtaasi ka jirtaa dhammaan Isbitaaladi oo dhan,taasina waxeey keentay in xaafadaha dhexdooda laga sameeyo Guryo Dadka dhaawaca ah lagu daaweeyo.
Raage inkasta oo loo sheegay ineey adag tahay inuu u gudbo Xaafadda Boondheere,haddana wuxuu soo warwareegaba wuxuu yimid Gurigoodi,markuu soo galayna wuxuu arkay Allaabti Reerkooda oo deyrka la soo wada dhigay iyo qolalki oo wada furan,Albaab kasta waa la jebiyay,Ciyaal bililiqo ayaa shaqa xoog leh ka qabtay,wuxuu arkay Armaajo intii la jebiyay wixii ku jiray bannaanka la soo dhigay,waa Armaajadi tiilay Qolka Aabihiis iyo Hooyadiis eey deganaayeen,Raage magaran karo lacagta lagala baxay Armaajada Aabihiis inteey dhan tahay,laakiin wuxuu helay Jeegag Bangi oo aanu ogeyn Bangiga looga doonaayo lacagta marba haddii la boobaayo Bangiyadi,Raage intaanu imaan Guriga wuxuu soo ag maray Bangigi dhexe oo la bililiqeeysanaayo,wuxuu wadada ku soo dul socday lacagti 50ka iyo 100ka aheyd oo inta laga soo saaray Bangigeedi eey daadsan yihiin wadada dhexdeeda,Tuugadi Gurigooda soo gashay kama tegi laheyn Jeegaga Bangiga haddeey ogyihiin ineey jirto meel eey ka sariftaan,Raage wuxuu billaabay inuu dharki ku celiyo Armaajada laakiin nasiib wanaag wuxuu ka dhex helay Katiino Dahab ah oo Hooyadiis laheyd,Tuugadi dharkeey Armaajada ka soo saaraayeen ayeey Katiinadu soo raacday Guntiino eey Hooyadiis laheyd,Raage wuxuu fiiriyay dun yar oo eey soo qabsatay Katiinada taas oo ah mida badbaadisay,Tuugadi waxaa ka qarisay Guntiinada oo eey uga tageen ineey duug tahay,waayoo waxeey qaateen dharki cusbaa oo dhan,waxeey qaateen oo kale Mooto feesbo(vespo) ah oo haleysneyd oo uu lahaa walaalkiis Maxamed Rooble,waxaa RR uga daranaatay Joodariyadi oo eey wada jeexjeexeen ayagoo lacag ka raadinaayo iyo Album weyn uu lahaa oo eey qaateen inteey sawiradi ka soo daadiyeen,sawirada dhulka daadsan waxeey soo xasuusiyeen DD oo ah Gabar ay is jeclaayeen oo la yiraahdo Deeqa Daahir looguna yeero DD ama D oo kali ah,wuxuu ku helay Deeqa si dhib leh iyo tartan uu u soo galay hanashadeeda,sawirka DD ayaa ugu koreeyay sawirada dhulka daadsanaa,Raage intuu soo qaadday sawirkeeda ayuu fiiriyay indheheeda waaweyn oo la moodo ineey kaa dhexbixi rabaan,wuxuu weeydiiyay sawirka [maxaad ku sugan tihiin Adiga iyo Reerkaaga] Deeqa Gurigooda wuxuu ku yaalaa meel u dhexeeysa Hoteel Daameey iyo Xerada Cagadhiig oo ah meelaha uu ka billowday dagaalka aan la ogeyn inuu dhammaanaayo iyo in kale,waxaa Guriga laga qaatay Telefishinki,Raadiyihi iyo Telefoonki oo hadduu aali lahaa uu telefoon u diri lahaa Deeqa Gurigooda.
Habeenkaas Raage maseexan,wuxuu ka hurdi waayay xabado ka yeeraayay agagaarka Hotel Shabeele ilaa Bangiga dhexe oo eey weli ka socotay bililiqo,mar wuxuu maqlaa dhawaaqa Ak 47 iyo G3 oo loo yaqaan Faalka,marna kuwo ka xoog badan oo ah Baroon(50) iyo Dhashiike aan loo aaba yeeleeynin kuwaas oo la moodo in laga ridaayo barkinta madaxa u saaran,Gaajo iyo hurdo la’aan ayaa isugu darsan tahay,wuxuu galay riyo asagoo soo jeeda uu ku riyoonaayo maalmihi ka horeeyay masiibadaan socota.
Raage iyo Deeqa waxeey isku barteen Dugsiga tabarka Xalane,Deeqa waxeey ka soo baxaday Dugsiga Sare Cusmaan Geedi Raage Deeqo waxay ahayd gabar hanweyn oo qab badan waxayna aaminsaneyd ineeysan dhulka dheceeynin,sababtoo ah waxeey ogtahay waayo waxay maalin walba la kulantaa, dalab uga imanaya dhallinyarada asaageed ah iyo majeerashada hablaha kale oo quruxdeeda faalleynaya, waa Gabar muggeedu buuxo oo dhex yar, kub tin iyo cirib isku jooga leh, suuniyo aad moodo qaanso roobaad iyo indho waaweyn oo balacsan oo weliba cadcad, af aad u qurux badan iyo ilko markey dhoolacaddeyso aanu qofku marnaba ka jeesanayn, sidoo kale waxaa lahayd soo jiidasho ilaahay u dhaliyey, midabkeedu waa maariin dhalaal midabkii hablaha Soomaaliyeed waana bushmaha madoow ee deebta leh, waa gabar alla weyni bilic haween u dhameeyey waxaad soo xasuusanaysaa, heestii ahayd, “Ilkaheeda dhuuxa ah, indhaheeda dhayda ah,dhabankeeda curubta ah, sunniyahabil dhalatiyo sida qaanso lagu dhigay” Erayadii Abwaan Cabdicasiis, Ismaaciil dakhare ee uu ku luuqeyn jirey Alfanaan Axmed Cali Cigaal, Deeqa waa indhodeeralay qurux weynugu ugu deeqay qofkii jaleecana aanu ka jeesaneeynin,waxeey leedahay indho waaweyn oo la hadlaaya markeey isku dhacaan indhaha kale,wiilkeey cabbaar ku haayso indhaha cajiibka ah,wuxuu ku sigtaa inuu lumiyo kontoroolka,hadaanu ka sii jeesana waxeey Deeqa ku sawirantaa Maskaxdiisa ilaa eey ka degto laabtiisa,leysma weeydiiyo meeqa wiil ayaa Deeqa jecel ee waxaa leeysweeydiiyaa meeqa wiil ayaa caadi ka ah,tirada kuma jirto meeqa wiil ayaa Deeqa neceb,Raage wuxuu halgan u galay sidduu ku heli lahaa gabartan oo markaas ah xidigta laysla arkay iyaduna aan moogeyn oo heegadaa maraysaa, laba kala baridey kala war la’ halgankii uu u galay iyo hawshii ay isla soo mareen waaba la ogaa.
Yaa Khaldan.Q: 1AAD.
 
Raage wuxuu ku dhashay kuna soo koray Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir,wuxuu sanad dugsiyeedkiisii oo dhan ku qaatay ilaa dugsi sare Gobolka Banaadir Raage markuu dhameeyey dugsiga sare ee Bartamaha, oo filayo inuu u wareego ama u qalqaalo galo inuu siduu u bilaabi lahaa Jaamacada, ayaa nasiib daro waxaa billowday burburki ku dhacay Qaranimadi Soomaliya oo keentay in Mashriq iyo Maqrib loo kala yaaco umadina kala qaxdo [Ninboow Naftaa,Nabiyoow Ummadaa] Raage oo Dec.30.1990 maalintii xabadu billaabatay wuxuu joogay Gurigooda maalintaas oo dhan wuxuu baxnaaniyay jawiga iyada oo dadka badidiidu u maleeynayeen rabshado sanadadaas ka dhacay magaalada oo kale sidii Jimca dhiig iyo shaqaaqadii Stadium Muqdisho, Maalintii ayuu damcay inuu ka wardoono Asaxaabtiisi,laakiin uma suurta gelin inuu soo baxo maxaa yeelay waxaa magaalada is qabsaday dhawaqa rasaasta iyo guuxa iyo hugunka madaafiicda oo ahaa wax dhegahooda dadka ku cusub, qof welibana meeshii uu joogay ayuu inuu ku gambado maciin bidey, ,Subaxdaas reer rooble cid Guriga ka baxday waxaa ka jiray Aabahiis Rooble, oo isku naftiisa halista ku dhex tuurey si waxyaabaha iyo adeega nololeed uu uga doono suuqa maanabooliyo, ama Siineey meeshii uu wax ka helayo, si qoyskiisa inta wax is bedelayaan ay ugu sii noolaadaan.
Raage waxaa dhalinyaradu ugu yeeri jireen “RR” oo ah Raage Rooble oo la soo gaabiyay,waloow uu markii dambe soo baxay Gaari aad qaali u ahaa oo la yiraahdo “Rolls Royce” oo loo soo gaabiyo RR uuna dadka qaarkood markeey weeydiiyaan sababta loogu bixiyay RR uu dhihi jiray waxaan jecelahay Gaariga Rolls Royce,markeey talo faraha ka baxday ayeey Raage Reerkoodi ku kaliftay ineey iskaga qaxaan Gurigooda,Aabbe Rooble ayaa keenay Gaari Siteey Manoogta ah oo eey Reerku lahaayeen oo uu waday Dareewal ku shaqeeya,markaas ayuu ku yiri (waxaad soo qaadataan waxaan badneyn….waxaan aadeeynaa Balcad oo eey Dadku u qexeen) markaa waxaa Gaarigi raacay Raage,Aabihiis iyo Hooyadiis,Walaalkiis kaweyn Maxamed Rooble mar hore ayuu farjano ka aaday Reerka lamina oga inuu dhintay iyo inuu noolyahay,markaas wuxuu dagaal ba’an ka socdaa Xarunta Sos ilaa Suuqa Xoolaha,waxaa Gaarigoodi ku soo dhacay xabado markeey maraayaan Warshada Baastada,waxaa ku dhintay Darawalki iyo Raage Hooyadiis oo markii horreba dhaawac halis ah soo gaarey ayaa kula dardaarmeeysay wiilkeeda Raage nuu wadankaan iskaga tago,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Aabbe Rooble,waxaa uga sii daran waxaa lagala degay Gaarigoodi intii leyska soo tuuray Dadki ku dhex dhintay,wadada dhinaceeda ayaa looga tegay Raage oo Hooyadiis dhimatay,Aabihiis Dhaawac yahay iyo Meydki Darawalka.
Raage tala ku caddaatey kama tegi karo Meydadka oo waxaa u muuqda kuwo eey Mukulaaluhu ku cunaayaan hortiisa,Aabihiis oo dhaawac ahna agtiisuu ka taahaa,Dadki deganaa agagaarka Wershada Baastadana waa Qexeen, xaajaa ku murugtay, waa cidla iyo ciirsi la’a waxaa sidaa ku samaynayaa waa Soomaali magac iyo muuq la wadaagta, wuxuu sameeyo ayuu garan waayey iyo meeluu uga hagaago aanu aqoon,markii dambe ayuu Meeydadki geliyay Guri xaafadda ku yiilay oo ku soo xirtay,markaa ayuu Gaari gacan uu meel ka helay , ayuu jidka warshadaha isla dhigay oo dagaal culusi ka socdo balse markan waa cabsi gooyey oo dhimasho iyo dhaawac iyo dhiig bax intaba waa arkay, Raage maaha ninkii shalay haddii meel dhaawac ka gaaro farmasiyaha u ordi jirey ee gacmaha iska duubi jirey isagaa Aabihiis dhiiga ka xirey wuxuuna keligiis xambaarey oo guri geliyey maydadkii hooyadii iyo darawalkii baabuurkooda, Xasan qooje, Gacan gacankii ayuu intuu saaray Aabihii ayuu ku geeyay Isbitaal Digfeer.
Raage markuu Aabahii Rooble seexiyay Isbitaalka oo aan shaqaale badani joogin laakiin isla waqtigaa shaqaynayey ayuu wadadiisi ku soo laabtay si uu u asturo Maydka Hooyadiis iyo Dawalki Gaariga u weday,nasiib xumo waxaa jidka ku helay Ciidamo wata Afar Nin oo indhaha ka xiran markaas ayaa hareeraha qoryo lagala marey su’aalo badan ayaa la weydiiyey waana argagaxay, ugu danbayntiina intii indhaha laga xiray ayaa lagu daray Dadki la watay,waxaa lageeyay goob eey Dadka ku dilaan laakiin waxaa Raage arkay wiileey is yaqaanaan oo gacanta ka soo qabtay asagoo indhaha ka xiran kuna yiri (RR, soow matihid ?) Raage asagoon garan qofka la hadlaayo ayuu yiri (Raage RR ayaan ahay…..yaa waaye adiga ?) Wiilkii ayaa kala soo dhexbaxay Dadki oo ka soo daayay,wuxuu u soo dhaweeyay ilaa Hotelka Istaadiyo Muqdisho,Raage asagoon war ka hayn xaaladda eey ku sugan yihiin Dadki laga soo dhex saaray ayuu yimid Gurigi uu ku qarsaday Maydadka goor maqrib ah,wuxuu ugu yimid Odaygi Reerkiisa ka qixiyay Guriga oo intuu ku laabtay ka naxay Meydadka Guriga u dhex yaala,Odaygi oo yaaban ayuu Raage Albaabka ka soo galay,markeey iswareysteen kadib ayeey Meydadki ku aaseen Wersheda dhineceeda.
Raage asagoo daalan ayuu ka tegay habeen barki oo aaday Isbitaal Digfeer asagoo ka fogaaday meeshi lagu qabtay waloow aanu ogeyn in meel kasta eey joogaan Dad dadka baaranaaya ama dilaaya,waxaa socda bililiqo iyo boob aan meelna loo aabayeeleyn taasoo lajabsanaayo Albaabki xiran xataa hadduu tabakaayo Tubaako yahay,Qofki la arko ee ku soo dhaca Isbaarada haddaan la dilin waxaa laga qaadanaa wuxuu wato,Raage wuxuu yimid Isbitaalki oo dhaawaca buuxo aad ka nexeeyso aragtidooda,mid madfac ku dhacay,mid xabad ku dhacday,kuwo cabaadaaya oo sugaayo dhakhtar daaweeya,Aabihiis waxaa laga soo dejiyay sariirti waxaana la soo dhigay bannaanka asagoon xataa Derin haaysan,Raage markuu arkay silica meesha yaalo ayuu iska ooyay sababtoo ah waxaa Isbitaalka imaanaayo Dad Qoryo wata oo ciddaan wadan ka wadanaaya dhakhtarka oo sariiraha kala degaaya waa dhammaaday nidaamki iyo kala dambeynti,majirto waa lagaa soo horreeyay,dhakhtarku ma dhihi karo waa daalay shaqadana kama bixi karo ilaa inuu dhuunto ama haddii la qabto lagu handado [waa ku dilaa,haddaad qofkaan daaweyn weeyso] ayeey xaaladi Isbitaalka isku bedeshay.
La soco Qaybaha Danbe:
 
Waa fekradii iyo Qalinkii
Abwaan Axmed Xaayoow
Isku Dubaridkii , Tafatiraha Shabakada Shaaciye
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Fadlan ilaali xuquuqda Qoraalka, lama xigan karo lama qaaddan karo Idin la’aan waxaa gaar u tahay sheekadani shabakada Shaaciye

 
 
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com