MAXAAD KA TAQAANAA? MUWAADINADA MARWO ISTAR CALI GANEEY!!!. HALKAN KA FIIRSO.

20/12/2012

.


Marwo istar Cali Ganeey oo ka tirsan gabdhaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah Kuna nool waddanka Canada ee waqooyiga Amerika Gaar ahaan Magaalada Toronto ayaa noqotay Gabadha sanadkan ugu hadal haynta badneyd dhanka mediayaha iyo bulshada dhexdeedaba.

Marwo Istar Cali Ayaa waxaa ay noqotoy, qof ku caan ah horumarinta bulshadeeda Soomaaliyeed , dal iyo dibad, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda meel ama ka muuqo ama ka maqnoow, Marwo Istar, waxay xubin firfircoon ka tahay waddanka ay ku nooshahay, iyadoo si hagar la'aan ah xooggeeda iyo xoolaheeda u hurtay, waxtarka iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed, waxay qabanqaabisaa, Shirarka iyo kulamada dhinacyada kala duwan ee bulshada, Sida Ciyaaraha, Hiddaha iyo dhaqanka, waxqabadka bulshada iyo isdhexgalka, Taageerada walaalaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhibaateysan, xafladaha lagu ayidayo laguna soo dhawaynayo xukuumadaha dalka soo maray mudooyinkii danbeeyey.

Istar dhammaan hawlahan aan soo sheegnay, qaarna keligeed ayaa qabata iyada oo aan dowlada iyo urur midna la kaashanayn, qaarna Jaaliyada ay la noolashay ayay kaalin mug weyn leh kala qaadataa.

Waxaa kale oo Marwo Istar lagu xasuustaa inay si weyn uga qayb qaadatey Abaarihii iyo dhibaatooyinkii sanadihii la soo dhaafey ka dhacay dalka Soomaaliyeed oo ay deeq iyo waxtar baaxad weyn leh gaarsiisay walaalaheedii Soomaaliyeed.

Waxaan mar kale ku boorinaynaa , Walaasheena Soomaaliyeed, inay dedaalkeeda waddaniyadeed iyo hawlkarnimo sii labanlaabto, iyadoo hor ilaahay iyo Soomaalinimo awal horeba u falaysay, iyada iyo dadka Soomaaliyeed shaqsi weliba inuu isu taago si dhab ahna uga qayb qaataan dhismaha dalkooda iyo dadkooda. Sidaa aawadeed, Shabakada Shaaciye ayaa waxay u garatey Muwaadinka Sanadkan 2012 ugu waxtarka badan lana dhihi karo waa gabar ka soo dhalaashay, kaalin ka dhinayd haweenka Soomaaliyeed, waana muwaadin dhab ah.

Waxaan dhammaan xusi doonaa, dadkii sanadkan mudnaanta lahaa dhinacyada arrimaha bulshada, Diinta, Siyaasada, Dhaqanka iyo Suugaanta

MAHAAN KA FIIRSO qaar ka mid ah wax qabadkeedii



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com