Oggeysiis ku wajahan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gothenbrug,iyo Gebi ahaan Reer Sweden Ixtifaalkii Mawliidka(NNKH)

16/12/2012


Ahlusunna Waljamaca ee Göteborg, waxay ugu baaqayaan Muslimiinta ku nool Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Göteborg iyo Nawaaxigeeda in la qaban doono "Ixtifaalka Mawliidka  Nabigeena S.C.W."  maalinta Sabtida ah, Bisha Janaayo ay tahay 26-01.2013, ee ku aadan Bisha Rabiicul Awal 12-keeda.  
Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabiga (scw) waxaa lagu qaban doona "Hoolka Weyn ee Medborgrhuset ee ku yaal waddada Brahegatan , 11 ee Göteborg, wuxuuna bilaaban doona saacaddu markay tahay 15:00 ee Galabnimo ah ilaa saacaddu markay tahay 21:00 ee Fiidnimo.
 
Ha mooganina in aad ka soo qayb gashaan Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabigeena (scw), si aad uga faa'idaystaan barashada "Siiradi Nabiga SCW, dhegaysiga Wacdiga, Naseexada, Dardaaranka iyo Baraarujinta xagga Diinta Islaamka."
 
Ilaahay ha nagu wada abaalmariyo shafeecadda Nabigeena suuban SCW.
Wa  Billaahi  Towfiiq.
                                                                                                               
Waxaa Iclaamiyay
Idaarada A. S. W. ee Göteborg
 
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com