FIIRSO Gor-gor basaas u ahaa Yuhuudda (Israel) oo gacanta lagu dhigay

12/12/2012

.


Xukuumadda Sudan ayaa shaaca ka qaaday in ay qabatay shimbir ay ku xiran yihiin qalabka loo yaqaan GBS-ka kaas oo ku shaqeeyay dayax-gacmeedka, ayna soo dirtay dowladda Israel.


Sudan ayaa ku cadeyneysa in arrinkan ka dambeyso dowladda Israel, qalabka lagu qabtay shimbirta oo afka Yuhuuda ku qoran yahay iyo calaamadda wasaaradda xanaanada xoolaha Israel ay ku dhagan tahay.

Dowladda Israel ayaa qiratay in ay leedahay shimbirtan , balse waxa ay iska fogeysay in loo adeegsaday qaab basaasnimo, sababta qalabka loogu xireyna ay ahayed si loo cabiro ama loo baaro duulimaadka shimbiraha masaafooyinka dhaa-dheer gala.

Shimbirka noocan ah ayaa duula 600 oo kilo-mitir maalin walba.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in hadafka shimbirkan ahaa sidii uu sawiro uga qaadi lahaa goob lagu keydiyo hubka iyo rasaasta oo dowladda Yuhuudu tuhunsan tahay in hubka looga qaado ururka Xamaas oo marinka Gaza ka dagaalama, Israelna ay is hayaan.

Qabiir Yuhuudi ah oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in shimbirtani ka mid tahay 100 shimbirood oo bishii Oktober hawada loo sii daayay, xoogaa kadibna ay khadka ka waayeen.

Sudan ayaa horay ugu eedeysay Israel in ay ka dambeyso weerarkii xagga cirka ahaa ee lagu qaaday warshad hubka sameysa oo ku taal caasimadda Khartoum, iyadoo marka hore khadka ka saartay qalabka raadaarka hawada Sudan ilaaliya, kadibna ay duqeymaha geysteen.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com