CALAN-WADE feer iyo haraati sidii loogu waday kow looga siiyay.

07/12/2012

.


Kubadda cagta adduunka mar kasto waxaa laga maqlaa dhacdooyin lama filaan ah waxaana todobaadkaan ka dhacday kubada cagta dalka Holland arrin lama filaan ah oo ay carruur kubad ciyaaraysay gaysteen.

Koox Carruur ah ayaa waxay laad iyo Feer ay isugu dareen Caawiye Garsoore ama calan wade maalintii Axadda Horyaal ay carruurta ciyaarayeen.

Calan wadaha Geeriyooday oo lagu magacaabayay Richard Nieuwenhuizen ayaa dhulka ku dhacay kadib feerka iyo laadka ay carruurta isku raaciyeen waxana loola cararay isbitaalka waxaana saacado kadib uu ku geeriyooday isbitaalkii.

Ilaa saddex carruur ciyartooy ahayd oo ka tirsanaa naadiga Nieuw Stolen ayaa la sheegay inay gaysten inta badan jirdilka waxaana uu geeriyooday isniintii.

Garsoorahaan ayaa dhex dhexadinayay ciyaar waxaana ay ka dhacaysay magalo ALmere lagu magacabo oo ay kadhisan tahay kooxda Buitenboys.

Sababaha ay carruuta u weerareen garsoore Richard Nieuwenhuizen ayaa ahayd in ay ku eedeyeen inuu u eexday koox uu u ciyaarayay wiil uu dhalay waxaana carruurta weerartay da’ahaan ay u dhaxaysay 15 ilaa 16 jiro.

Garsoore Richard Nieuwenhuizen ayaa 41 jir ahaa wuxuuna ahaa Caawiye Garsoore ama calan wade wuxuuna dhex dhexaadin jiray inta badan ciyaaraha.

Dhimashada garsoore caawiye Richard Nieuwenhuizen ayaa ka naxeen dhamaan bahda ciyaaraha dalka Holland.

Wasiirka CIyaaraha dalka Holland Edith Schippers ayaa sheegay in ay tahay gabi ahaanba arin xun oo ka dhacday kubada cagta Holland.

Sidoo kale Guddoomiyaha xiriirka Kubadda cagta adduunka Sepp Platter ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada Richard Nieuwenhuizen isla markaasna ku tilmaamay inay ka xun yihiin haddii ay yihiin Fifa

www.deeyoosport.com



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com