Yaa Khaldan? Q:2AAD Waa Sheekadii taxana ahayd ee xiisaha badnayd.

06/12/2012

,


 

Yaa Khaldan
    Qeybta 2aad
 
     Saacado kadib markeey salaadi subax soo dhaweyd ayeey tii Alle u timid Aabbe Rooble  dhaawacii soo gaarey dartiis oo calooshiisa laga soo saaray sedex xabbadood oo uga dhacday markii qalliinka lagu sameeyay,Raage asagoo u haaysta inuu Aabihiis hurdo ayuu ka yaabay qaboowgiisa markuu korkiisa taabtay,hadal uu Aabe Rooble ku yiraahdo wiilkiisa Raage waxaa ugu dambeeyay [ha noqon kuwa xaqdarada igu dilay oo kale,haddaad wax kale weeydo iskaga haajir wadanka inti illaaheey xaaladaan mid ka kheyroon ka keenaayo] subaxdaas Raage wuxuu ku Aasay Aabihiis Rooble Isbitaal Digfeer gadaashiisa,laakiin wixii usbuucaan ka horreeyay Qofkii dhinto waxaa leeysugu yeeri jiray Dadka qaraabada ah,markaas ayaa intii Meydka la dhaqo oo naxash la geliyo ayaa Salaad Janaaso lagu dukan jiray,kadib intii Gawaari lagu qaado ayaa waxaa la geyn jiray qabuuraha Km 13,marka la aaso ayaa taqliin lagu akhrin jiray si Dadka loo soo xasuusiyo Xabaasha iyo Aakhirada,waxaa Dadka aaska ka soo qeyb galay la weeydiin jiray ineey jirto cid deyn ku laheyd Marxuumka ama dembi kale u haaysata,waxaa loo dalbi jiray in la cafiyo Marxuumka,kadibna waxaa leeysugu imaan jiray Guriga Reerka laga dhintay halkaas oo qurbaan lagu sameeysan jiray,laakiin hadda sheekadaas waa dhammaatay oo qofkii god lagu rido oo aaneey cunin Eeyaha ama Mukulaaha ayaa nasiib leh.
     Casirki ayuu Raage ka soo huleelay goobti lagu aasay Aabihiis iyo Dad kale oo fara badan oo Isbitaalka ugu dhintay daryeel xumo iyo Daawo la’aan,waayoo Daawadi Isbitaalka inteedi badaneyd waa la boobay,waxaa yaala in yar oo la qarsaday oo iib ah,Maamulki,Dhakhaatiirti iyo Kalkaaliyaashi ayaa waxaa hoowshoodi kala wareegay Dad hubeysan oo qoryo wata oo xoog ku qabsaday Isbitaalka,wax kale iska daaye xataa Albaabki laga soo gelaayay Isbitaalka waxaa la dhigay Isbaaro,ciddaan lacag bixin dhaawacooda u gudbimaayo gudaha Isbitaalka,wuxuu dhibtaasi ka jirtaa dhammaan Isbitaaladi oo dhan,taasina waxeey keentay in xaafadaha dhexdooda laga sameeyo Guryo Dadka dhaawaca ah lagu daaweeyo.
     Raage inkasta oo loo sheegay ineey adag tahay inuu u gudbo Xaafadda Boondheere,haddana wuxuu soo warwareegaba wuxuu yimid Gurigoodi,markuu soo galayna wuxuu arkay Allaabti Reerkooda oo deyrka la soo wada dhigay iyo qolalki oo wada furan,Albaab kasta waa la jebiyay,Ciyaal bililiqo ayaa shaqa xoog leh ka qabtay,wuxuu arkay Armaajo intii la jebiyay wixii ku jiray bannaanka la soo dhigay,waa Armaajadi tiilay Qolka Aabihiis iyo Hooyadiis eey deganaayeen,Raage magaran karo lacagta lagala baxay Armaajada Aabihiis inteey dhan tahay,laakiin wuxuu helay Jeegag Bangi oo aanu ogeyn Bangiga looga doonaayo lacagta marba haddii la boobaayo Bangiyadi,Raage intaanu imaan Guriga wuxuu soo ag maray Bangigi dhexe oo la bililiqeeysanaayo,wuxuu wadada ku soo dul socday lacagti 50ka iyo 100ka aheyd oo inta laga soo saaray Bangigeedi eey daadsan yihiin  wadada dhexdeeda,Tuugadi Gurigooda soo gashay kama tegi laheyn Jeegaga Bangiga haddeey ogyihiin ineey jirto meel eey ka sariftaan,Raage wuxuu billaabay inuu dharki ku celiyo Armaajada laakiin nasiib wanaag wuxuu ka dhex helay Katiino Dahab ah oo Hooyadiis laheyd,Tuugadi dharkeey Armaajada ka soo saaraayeen ayeey Katiinadu soo raacday Guntiino eey Hooyadiis laheyd,Raage wuxuu fiiriyay dun yar oo eey soo qabsatay Katiinada taas oo ah mida badbaadisay,Tuugadi waxaa ka qarisay Guntiinada oo eey uga tageen ineey duug tahay,waayoo waxeey qaateen dharki cusbaa oo dhan,waxeey qaateen oo kale Mooto feesbo(vespo) ah oo haleysneyd oo uu lahaa walaalkiis Maxamed Rooble,waxaa RR uga daranaatay Joodariyadi oo eey wada jeexjeexeen ayagoo lacag ka raadinaayo iyo Album weyn uu lahaa oo eey qaateen inteey sawiradi ka soo daadiyeen,sawirada dhulka daadsan waxeey soo xasuusiyeen DD oo ah Gabar ay is jeclaayeen oo la yiraahdo Deeqa Daahir looguna yeero DD ama D oo kali ah,wuxuu ku helay Deeqa si dhib leh iyo tartan uu u soo galay hanashadeeda,sawirka DD ayaa ugu koreeyay sawirada dhulka daadsanaa,Raage intuu soo qaadday sawirkeeda ayuu fiiriyay indheheeda waaweyn oo la moodo ineey kaa dhexbixi rabaan,wuxuu weeydiiyay sawirka [maxaad ku sugan tihiin Adiga iyo Reerkaaga] Deeqa Gurigooda wuxuu ku yaalaa meel u dhexeeysa Hoteel Daameey iyo Xerada Cagadhiig oo ah meelaha uu ka billowday dagaalka aan la ogeyn inuu dhammaanaayo iyo in kale,waxaa Guriga laga qaatay Telefishinki,Raadiyihi iyo Telefoonki oo hadduu aali lahaa uu telefoon u diri lahaa Deeqa Gurigooda.
     Habeenkaas Raage maseexan,wuxuu ka hurdi waayay xabado ka yeeraayay agagaarka Hotel Shabeele ilaa Bangiga dhexe oo eey weli ka socotay bililiqo,mar wuxuu maqlaa dhawaaqa Ak 47 iyo G3 oo loo yaqaan Faalka,marna kuwo ka xoog badan oo ah Baroon(50) iyo Dhashiike aan loo aaba yeeleeynin kuwaas oo la moodo in laga ridaayo barkinta madaxa u saaran,Gaajo iyo hurdo la’aan ayaa isugu darsan tahay,wuxuu galay riyo asagoo soo jeeda uu ku riyoonaayo maalmihi ka horeeyay masiibadaan socota.
     Raage iyo Deeqa waxeey isku barteen Dugsiga tabarka Xalane,Deeqa waxeey ka soo baxaday Dugsiga Sare Cusmaan Geedi Raage Deeqo waxay ahayd gabar hanweyn oo qab badan  waxayna aaminsaneyd ineeysan dhulka dheceeynin,sababtoo ah waxeey ogtahay waayo waxay maalin walba la kulantaa, dalab uga imanaya dhallinyarada asaageed ah iyo majeerashada hablaha kale oo quruxdeeda faalleynaya, waa Gabar muggeedu buuxo oo dhex yar, kub tin iyo cirib isku jooga leh, suuniyo aad moodo qaanso roobaad iyo indho waaweyn oo balacsan oo weliba cadcad, af aad u qurux badan iyo ilko markey dhoolacaddeyso aanu qofku marnaba ka jeesanayn, sidoo kale waxaa lahayd soo jiidasho ilaahay u dhaliyey, midabkeedu waa maariin dhalaal midabkii hablaha Soomaaliyeed waana bushmaha madoow ee deebta leh, waa gabar alla weyni bilic haween u dhameeyey waxaad soo xasuusanaysaa, heestii ahayd, “Ilkaheeda dhuuxa ah, indhaheeda dhayda ah,dhabankeeda curubta ah, sunniyahabil dhalatiyo sida qaanso lagu dhigay” Erayadii Abwaan Cabdicasiis, Ismaaciil dakhare ee uu ku luuqeyn jirey Alfanaan Axmed Cali Cigaal, Deeqa waa indhodeeralay qurux weynugu ugu deeqay qofkii jaleecana aanu ka jeesaneeynin,waxeey leedahay indho waaweyn oo la hadlaaya markeey isku dhacaan indhaha kale,wiilkeey cabbaar ku haayso indhaha cajiibka ah,wuxuu ku sigtaa inuu lumiyo kontoroolka,hadaanu ka sii jeesana waxeey Deeqa ku sawirantaa Maskaxdiisa ilaa eey ka degto laabtiisa,leysma weeydiiyo meeqa wiil ayaa Deeqa jecel ee waxaa leeysweeydiiyaa meeqa wiil ayaa caadi ka ah,tirada kuma jirto meeqa wiil ayaa Deeqa neceb,Raage wuxuu halgan u galay sidduu ku heli lahaa gabartan oo markaas ah xidigta laysla arkay iyaduna aan moogeyn oo heegadaa maraysaa, laba kala baridey kala war la’ halgankii uu u galay iyo hawshii ay isla soo mareen waaba la ogaa.
 
La soco qaybaha danbe……..
Halkan ka aqriso Qaybtii 1aad
 
Waa fekradii iyo Qalinkii
Abwaan Axmed Xaayoow
Isku Dubaridkii , Tafatiraha Shabakada Shaaciye
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Fadlan ilaali xuquuqda Qoraalka, lama xigan karo lama qaaddan karo Idin la’aan waxaa gaar u tahay sheekadani shabakada Shaaciye
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com