Aroos Soomaaliyeed oo ku dhawaad Boqolsano ka hor ka dhacay Jarmalka!FIIRSO Muuqaallo laga qaaday waagaasi!

06/12/2012

.


 C/llaahi Khadar, Amersfoort, Nederland

Inteenii aqrisatay asbuucii hore waxa aan soo qaadanay dhacdo qabsatay soomali degeneed magaalada Berlin ee Jarmalka sanadii 1910-kii oo aynu haatan ka joogno in kabadan 100 sano.
Dulucda sheekadu waxa ay eheyd in soomAali badan ku noolaayeen halkaa oo weliba shukaansi ay samaynayeen dhallinyaro soomaaliyeed ay sabatay in xaafaddii soomalidu ka deganaayeen Berlin hal maalin ay xireen boolisku si loo hakiyo buuqa iyo falceliska soomaalida ay ka samayn lahaayeen arrinkaa qabsaday.
Haddaba asbuucaan waxa aynu ku madalsanayn in aynu wada aqrisano aroos ka dhacay isla Berlin sanadii  05-09- 1928.
Sheekada arooska waxa boggiisa 4aad ku daabacay joornaalka “Amersfoortsch Dagblad” oo ka soo bixi jiray xilligaas magaalada Amersfoort ee waddanka Holland isagoo cinwaan uga dhigay “ Aroos soomalaiyeed oo ka dhacay Berlin”.
Wegeysku waxa uu sheegay sida uu ka soo xigtay madaxii xadiiqada xayawaanka( Dierentuin) ee magaalada Berlin in arooska lagu soo bandhigay , oo uu weliba ka dhacay xadiiqada gudaheeda isla markaana ay joogeen dad badan oo soomali ah oo weliba ku lebisan dharkii hidaha iyo dhaqanka soomalidu ab iyo isir u lahaan jirtay sidaba uu wargaysKu ku soo bandhigay sawir laga soo qaaday arooska.
Joornaalku waxa uu intaa raaciyey in caruusaddii oo gebi ahaanba asturan oo qarsoon ay soo aaday meeshii uu ku sugnaa caruusku.
Runtii markii si dhab ah u fiirisid muuqaalka laga soo qaaday arooskaas waxa kuu muuqanaya faras, dumar soomaliyeed oo mid ka mid ah uba egtahay hooyada mid ka mid ah 2-da is aroostay iyo weliba qof ay iila ekaatay in uu ahaa caruuskii oo ay ka muuqatay kalsooni iyo dhiiranaan inkastoo la iiga fiicanyahay sawir aqrinta haddana aqristayaasha ayaan u daynayaa wixii ay kala soo dhex bixi karaan sawirka iyo muuqaalka wargeyska lagu soo bandhigay 1928-dii oo aynu haatan ka joogno  84 sano, laga yaabee caruurtii ay kala heleen in qaarkood noolyihiin oo ay daaha nooga qaadaan qaabka wax u dheceen iyo sida waalidkood meesha ku soo gaareen iyo weliba soomaalidii kale oo halkaa kula nooleyd.
Waa inoo asbuuca danbe iyo salaadiintii reer Luuq waraaq ay u qoreen talyaaniga hal qarni ka hor in shaa allah.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com