Yaabka yaabkiis !!Weligaa wiyil reer Magaal ah ma aragtay ? "Daawo Sawirada

06/12/2012

.


Weligaa wiyil reer Magaal ah ma aragtay ?Yaabka yaabkiis  !! "Daawo Sawirada".

Wiyishan waxaa la yiraahdaa“Jimmy“ waxaa wiyishan yar hooyadeed la dilay sanadku markuu ahaa 2007da waxaanu lagu dilay dalka South afrika balse hadda waxay ku nooshahay wadanka Zimbaabwe Magaalada Haraare  waxaana soo qaadatey oo xanaaneeyey qoyskan oo la kala yiraahdo, Anne iyo Roger odayga iyo xaaskiisa waxay la nooshahay ilaa mudadaas oo hadda laga joogo 5 sano ay iyaga ayaana u bixiyey magacan Jimmy waxaa sidoo kale qoyskan ka mid ah, Caawiyaha ama shaqaalaha reerka oo la yiraahdo Mr David, reerkan ayaa wiyishan waxay u dhaqaaleeyeen si aad u wanaagsan,
Wiyisha Jimmy waxay leedahay dabeecado ka duwan kuwii wiyisha duurjoogta ah lagu yaqaanay waxaanay noqotey wiyil dab joog ah oo weliba caqli badan.
Qaabkee ayay u dhaqankaa haddaba.
 
Xiliga Quraacda waxay Wiyisha Jimmy Timaadaa daaqada oo isa soo xaadirisaa si ay uga qayb qaadato xili quraaceedka una hesho qaybteeda.
Sidoo kale Xiliga ay u baahato qubayska ama mayrashada waxay tagtaa keligeed Tuubada biyaha oo ay isticmaasho iyadu iskuna furto iyadoo aysan cidina ka caawin.
Xiliga ciyaartana waxay u baxdaa banaanka iyada oo markay soo dhamaysato bardoodankeeda
Dib ugu soo laabata hooygeeda.
 
 
Kala soco shaaciye dhacdooyinka addunka iyo waxyaabaha cajiibka ah.
 

Shaaciyenews@hotmail.com

 



Nagala soo Xiriir Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com