Taariikhda Ciyaaryahanka Kubbada Koleyga iyo Orodka,Yaxye Juxa+sawiro

03/12/2012

.


 Waxaan maanta halkan idiin ku soo bandhigaynaa cayaaryahan kubadda kolayga sidoo kale ahna Orodyahan dhalinyarada ah   Yaxye Cabdullaahi Maxamed, oo ku magac dheer Yaxye Mandaliif, Yaxye  inta aynaan gelin Arrimihiisa Ispoorti iyo heerka uu ka gaadhay bal aan dib u milicsano Taariikh nololeedkiisa wax kooban Yaxye wuxuu dhashay sanadku markuu ahaa  20/05/1989kii wuxuuna ku dhashay Caasimada Dalka Soomaaliya ee Mogadisho, yaxye wuxuu waxbarashadiisa iyo sanad dugsiyeedkiisa oo dhan ku qaatey isla Magaalada Muqdisho sidoo kale waxuu yaxye uu billaabay kuna soo biirey , Ciyaaraha sanadku markuu ahaa, 2002, kooxdii iigu horeeysay waxay ahayd, “Olympicfitness centre

 
wuxuu sidoo kale u saftay oo ka qayb galay kooxo badan oo dalka ka ciyaari jiray    dhinaca kubada kolayga oo oo kaalin mug weyn ka qaatey kooxahaas waxaana ka mid ahaa: Dugsiga Jaabir bin Xayaan, Dowladda Hoose, Dekaddaha.
 
 Dugsiga Jaabir Bin Xayaan
 
Dowladda hoose,
 
 
 
 
 Horsdeed
Dekaddaha
 
Naadigan Dekaddaha ayaa ahaa naadigii ugu danbeeyey uu u safto intuu dalka Joogay Yaxye   dhammaan waqti ciyaareedyadii uu ka qayb qaatey Yaxye wuxuu ku muteystay Abaalmarino iyo Ammaan iyo bogaadin uu ka helayey kooxda dhexdeeda maamulka iyo gudiga Ciyaaraha ee Gobolka banaadir.
 
 
Sida aad ka aragto Sawirada waxay muujinaysaa dedaalka uu muujiyey Yaxye
Yaxye intuu cayaaraha ku dhex jiray wuxuu  qaatay billado badan oo lagu maamuusay uuna ku qaatey  cayaar wanaag, Edaabta iyo Kartida uu u lahaa Ciyaaraha, waxaa kale oo ka mid ahaa Abaalmarinadii uu muteystay waqtigii uu joogay dalka , in uu ciyaar wanaagiisa awgeed ku helay inuu ka mid noqdo, wafdigii  Soomaaliyeed ee loo diray Shiinaha Sanadkii 2008 ee  Xiriirka Olombikada  Soomaaliyeed uga qayb galay Beijing,Yaxye wuxuu ka mid noqday waqtigaas labadii qofood ee dhalinyarada ahayd ee Soomaaliya u metelayey Ubaxa dalka Soomaaliya ama da’yarta  Soomaaliyeed.Intaanu shiinaha Aadin waxaa kale oo mararka qaarkood Yaxye isku dayi jirey Oradada balse si rasmi ah awooda uma wada saarin ee wuxuu u badnaa dhinaca ciyaaraha kubada kolayga.
Yaxye wuxuu yiri xili aanu ka qaaddeynay waraysi ku saabsanaa Noloshiisa aad xil weyn isagama saari jirin inkastoo aan ka mid ahaa  orodyahanada Soomaaliyeed ee loo tababaro dhinaca Orodada balse markii aan shiinaha ka soo laabtay, ayaan bilaabay oo si toos ah ugu dhiiraday inaan xirfadayda labaad ee dhinaca Sportiga ka dhigto Orodka.
Yaxye ayaa yiri intaas ka dib markaan ka soo laabtay dalka Shiinaha waxaan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo, ,Orodyahanadii Soomaaliyeed ee muddadii burburka lagu jirey inta la xareeyo hela daryeel dhamaystiran oo isagu jira hooy, nafaqeyn, tababar iyo Qalabeeynba oo ay adkayd in sidan oo kale ay dhacdaa xaaladda iyo marxaladda dalka ka jirtay awgeed.
 
Waxaan halkaas  ka helay caawimo fiican qibrad iyo tababar muddadii aan joogay ee aanu xaraysnayn oo ahayd lix bilood, sidoo kale waxaan halkaas ku sameeyey, dedaal badan anigoo ordi jirey saacado badan si aan ula qabsado ku orodka cimilooyinka kala duwan iyo orodka noocyadiisa kala duwanba, Markaan tababarkaas soo dhamaystay , ayaa waxaa ii suura gashay ayuu yiri Yaxye inaan haddana fursad u helay mar labaad inaan u xeroodo (Tababar dhinac Kubada Kolayga , tababarkan iyo xarayntan oo ay soo qabanqaabiyeen xubno ka mida Maamulka Dekadda oo ahaa naadiga aan markaas u ciyaarayey,waxaana naloo sheegay in haddii ay suura gal noqoto nala geeyn doono wadanka Jabuuti Ka dib Tababarkii waxaa ii suuragashay inaan ka mid noqdo ciyaartooydii Naadiga Dekadda ee ka qayb galay ciyaartii Saaxiibtinimada iyo isdhexgalka labada dal ahayd ee Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaana Ciyaari na dhex martay Saaxiibtinimo Dekadda Muqdisho iyo Dekadda Jabuuti u dhaxeeysay Sanadkii 2009 bishii 5aad ayay ahayd waqtigaasi.
Yaxye oo ka sheekaynaa kulankiisii ugu horreeyey ee uu dalka dibadiisa ciyaar ku soo qaato ayaa yiri aniga iyo kooxdayduba waxaanu halkaas ku soo bandhignay Ciyaar aad u qurux badan iyo wacdaro lama filaan ah taas oo sababtay inaan dhinaca dhulka u dhigno naadigii nala tartamayay,sidoo kale aan noqdo cayaaryahankii ugu cayaarta wanaagsanaa, waxaana Abaal marin lay siiyey koob yar oo qaas u ah cayaar yahanka ugu wanaagsanaa,ka dib waxaan dib ugu laabanay Caasimadda Soomaaliya waxaase dhacday in ay billowdaan Dagaalo culculus oo u dhaxeeyey Dowladda iyo Mucaaradkeeda, waxaa gebi ahaan is bedelay Jawigii Magaalada iyada oo dadka badidoodii qaxeen anigu waxaan ka mid noqday dadkii qaxay ee ka firdhaday dagaaladii cuslaa ee halkaas ka dhacay.
 
Kadib qax iyo kala cararkii dhacay waxaa ii suuragashay inaan dalka ka soo ambabaxay oo aanu socod dheer ka dib soo galay, Carriga Netherland oo aan safarkaygii ugu danbeeyey soo gaadhay, waana halka aan maanta ku noolahay Holand, waxaan wadankan imid isla sanadkii 2010ka kadib markaan mudo gaadhaysa laba bilood joogay oo aan ku jirey xeryaha ama Kaamamka dadka soo galootiga ah lagu soo dhaweeyo ee waddankan ayaa waxaa ii muuqatey inaan dedaalkaygii Sport aanu iga dhicisoobin ee aan halkaygii ka sii wato, anigoo wax jawaab iyo oggolaanshiiyo sharciya dalka weli ka helin ama qaabilaad, ayaa waxaan isla markiiba iska diiwaan geliyey, Tracksparkstad club la yidhaahdo,oo ka dhisan meesha aan joogay,waxay iga qaaddeen ayuu yidhi Yaxye imtixaan ama waxay jaribeen xirfadeyda markaan sawiradayda iyo taariikh nololeedkayga uga sheekeeyey, waxaana markiiba si toos ah ii qaatay naadigii, oo u kala qaybsanaa naadiyo badan oo ku kala duwan dhinaca da’da  ama cumriga, nidaamka naadiga ayaa ku dhisan inay hadba intii isla eeyni iyo sanad ahi isla ciyaaraan islana qaataan tababarka iyo tartamada ciyaaraha, waxaa jirey qaybo lagu ka saarey da’da sida:,  16 sano jir kayar, 18 sano  jir, 22  sano ka yar/   iyo  “Heren een”  taasoo micnaheedu yahay ragga koobaad, dhalinta Cuslaatey ee waxii 30 iyo ka danbeeya,waa qeyb kale, waxaanu markii ugu horreysay is baraney Macalinka kooxaha wixii 22ka/ ka hooseeya/ Heren twee da haysta,aad iyo aad ayuu iila dhacay  iigu amaanay qaab ciyaareedkeeyga, seddex cayaar markaan ugu qeyb galay ayaa waxaa i arkay macalinka “Heren een”  kaasoo iga codsaday in aan ku soo biro naadigiisa, qaabka loo ciyaaro ayaa ah wadamadaan hormaray, in clubka naadigooda ay mid iyo labo kasoo qaadan karaan kuwa kahooseeya, sidaas aawgeed waa laguu ogol yahay in aad labada aad usafato illeen isku tartan maaha, weey kala sareeyaan, laakin in aan u safto waxaa diiday maamulka cayaaraha, sababtoo ah 22 sanno ayaan jiray markaas, waxaana la ii oggolaaday in aan la Ciyaaro, 22 sanno jir kuwa ka yar, sida 21,illaa 20 jir, sidaa aawgeed sanadkii ugu horeeyay waxaan ku ekaa 22 jirka kuwa ka yar, waxaana tababarka iyo Alamiintada  la qaaddanaayay labada naadiba.
Sanadkii xiga 2011ga ayaan labada naadi si toos ah ugu ciyaaray,naadiga 22 jirka yar waxay usoo gudbeen naadiga waaweyn meeshuu joogay sanadkii 2010 halka kuwa kalena ay kasii gudbeen, naadiyada waxaa loo kala bixiyay, “Heren een” oo ah wiilashii koowaad, iyo “Heren twee” oo ah wiilashii labaad, wiilasha labaad oo aan ka mid ahaa ayaa sanadkii 2011 noqday champion oo ku guuleestay koobka, oo kusoo baxay koowaad,kaasoo bilad ay isiiyeen naadigan waxaanay iigu bixiyeen magac cusub oo ah “The Glove” oo micnaheedu yahay geedaha gacmaha lagashado, markii howl la qabanayo si uu qof iskaga difaaco wax kasto oo kaaga imaanayo howsha aad markaas qabaneeyso, oo micnaheedu ay ula jeedeen, Yaxye wuxuu ahaa qofkii naadiga ka hortagayey guul daro soo gaadho.Isla 2010 anigoo waqti dheer kubada kolayga ku jiray, ayaan dib ugu laabtay orodkii oo waxaan iska qoray naadi kale oo orodo ah oo lagu magacaabo “Avon”. Maalmo yar markaan tababar qaatay ayaa macalinka ii sheegay in aan orodka mustaqbal kuleeyahay, igana codsaday in aan naadigiisa u saxiixo in aan uga qeyb galayo tartamada aay ka qeyb galayaan.Tartankii iigu horreeyay oo aan ka qeyb galay wuxuu ahaa Germany, dusseldroef, laakiin kaalin wanaagsan kama aanan gelin, waxay ahayd  markii iigu horreeysay ee aan safto Tartan noocan oo kale ah oo caalami ah, , 2011 ayaan ka qeyb qaatay Karoos buuro ah oo 3000m ah kaaso ii suurta gashay in aan noqday qofkii ugu horreeyay, kaalinta koowaadna aan ku galay,  halkaas oo bilad iyo abaarmarino kale kasoo helay, isla sanadkaas 2011, ayaa waxaan marlabaad ka qeyb galay orod ka dhacaya Germany oo ahayd tartan u dhaxeeya gobolka aan ka daganahay Holland, oo lagu magacaabo Limburgers champion,waxaan orday 800m iyo 400m isla maalintaas, waxaana ii suurta gashay in aan noqday labadaa orodba qofka labaad, waxaan kaloo ka qeyb galay sanadkaan aaynu ku jirno, NK( Nederlands champion ) kaas oo ahayd qoryo isku dhiib, oo aan orodnay si koox koox ah, 4x200m, waxaanan aniga iyo kooxdaydu galnay Kaalinta Saddexaad.

Waxaa diyaariyey

Tafatiraha Shabakada Shaaciye

Cabdiraxiin H. Galayr

Shaaciyenews@hotmail.com



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com