SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO

02/12/2012

.


 

Codsi ka yimid Aqristayaasha awgood, Shiribkii Abwaan Barre Maxamed Fiidoow, Qoraal iyo Muuqaal labadaba Bogasho wacan:

Aqristayaasha Shabakada Shaaciye, ayaa waxay naga codsadeen, in loo fasiro loona balbalaariyo, ujeedka Shiribka (Kaftan Gobaadle Murtiyeed) oo uu tiriye Abwaan Barre Maxamed Fiidoow, haddaba  Beelo dhawr ah oo aan ku jirin  golaha xukuumadda cusub ayaa waxay weydiinaya sababta looga reebay ee ay wasiir u waayeen iyagoo Madaxweynaha iyo  Ra’iisalwasaarahaba weydiinaya waxa loogu magacaabi waayey wasiir beeshooda ah, Markaa waxaa u jawaabaya Ra'iisalwasaarihii oo qolo walba sababteeda u sheegaya looga reebey, waxaa kale oo jira Beel iyadu kursiga Ra’iisalwasaaraha fileysay oo saluugsan  wasiirka koowaad qaabka lagu keenay iyo qaabkuu wax u qeybiyey labadaba,  Beelaha Magacyadooda waan ka cudurdaaranaynaa, balse waa sida kor ku xusan Kaftan Suugaaneed, aan lahayn turxaan iyo tabasho toona  mahadsanidiin waa kan isaga oo Maqal iyo Muuqaal ah iyo isagoo Qoraal ah Bogasho wacan.

 

(1)Beesha Barri  Vs Ra’iisalwasaaraha

Punlntd: Toobyahaad ii taagantee, Mugaan tagoba xoow timaad,

R/W:  Tacbo isagama turnee, toogba midaa la tuurayaa

  Puntland waxay leedahay markaan anaga meesha ka tagnaba maxaa gadaasheeyna R'sulwasaare u noqotiin hadaa tihiin Beesh Reer GEDO R/wasaarahana waxaa uu leehay ama ugu jawaabayaa siyaasadda isxaan isuguma sameeynee marba midaa la tuuraa ee ogoow

 

(2)Beesha Ceelbuur, Vs  Ra’iisalwasaaraha

CeelbuurIntaa tiqiinay soo tixdee, Toman wasiiru xay tartaa

R/W:    Aan tabashadaada toosiye, Tun gooyadii ka toobad keen.

 

CEELBUUR waxay leeyihiin toban wasiir xeey tartaa oo ay ula jeedaan anagaa meesha ka maqan ee ha nala af garto  R/wasaaraha wuxuu uga jawaabayaa horta dadka aad gowraceeysaan ka toowbad keena oo shabaabka ka soo baxa waa idin fahmi doonaa markaas oo waxaa tabaneeysaan aan toosinaa 

 

(3)Beesha Buuhoodle Vs Ra’iisalwasaaraha

Khatumo.Taariikhyahanki  Heer taleex, wixi looga tegay noo tilmaam

R/W:Laba Tubaad dhex taagantee, inta tashato meel ku toos.

REER BUUHOODLE waxay leeyihiin taariikhdii daraawiishta anagoo ah wixii noogala tegay maxay yihiin R/wasaaraha wuxuu ugu jawaabayaa laba tub aad dhex degan waa Somaliland iyo Puntland ee intaa tashatiin meel ku toosa

SI FIICAN UGA BOGO MUGA

 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com