Dib u milicsi kooban waxtarka Madaxweyne Sheekh Shariif mudadii uu xilka haayey
.
Haduu qofku yahay mid dareen iyo dabci wanaagsan,
Noloshiisana ku qaato dhowrsanaan iyo diktooni, Kuna farxo wanaaga dadka kale, Markaasi liibaantu wey u imaaneysaa!
Xikmad norweyji ah
Bilowgii sanadkii 2009 markii la dooranaayey madaxweyne Shariif sheekh Axmed wuxuu ahaa nin inta badan dadka soomaalida iyo shisheeyahaba aad uga daba dheceen kartidiisa iyo cod karnimadiisa.
Wadaadkan da’da yar waxaa lagu bartay daacadnimo iyo hufnaan oo ey u dheer tahay indheergaradnimo. Wuxuu la soo ban baxay dabeecado iyo dhaqan ka duwan kuwa siyaasiyiinta soomaalida ee beenta iyo dibin daabyada ku dhisan. Dad badan oo soomaaliyeed ayaa ku farxay doorashada madaxweynaha cusub iyagoo rajeynaayo bal inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ku habsaday dalkii iyo dadkii soomaaliyeed.
Waxaa lawada rajeynaayey in saaxiibadiis ey ku wada jireeen maxkamadaha ey aqbali doonaan doorashadiisa hubkana dhigi doonaan mar hadii ninkoodi la doortay.
Laakiin waxaa ragii qaaday xiqdi iyo hinaase keenay in ey xasdaan una quuri waayaan xilka culus. Mid ka mid ah wadaadadii oo la wareystay ayaa isagoo ka hadlaayo sida uu uga muraaro dilaacay yiri, kursigu lugo ma lahan. Waa lawada ogaa dhibaatadii dhacday iyo halaagi ey wadaadada macangagiinta ah horseedeen.
Dhanka kale ummada soomaaliyeed oo aad ugu oomaneyd dib u soo celinta dowladnimada, sharci iyo kala danbeyn ayaa farxad iyo niyadsami ku soo dhoweysey dowlada cusub dal iyo dibadba. Hase ahaatee taageeradaasi ma tarin wax aad u weyn sababtoo ah ummadu ma awoodin wax ka badan niyad wanaag iyo in ey afka ka taageerto. Sababaha soo socdo awgood.
· Dadku aad ayey u daalanaayeen taageeradoodana si ficil ah uma bedeli karin duruufaha jiray awgeed.
· Labaatan sano oo dagaalo ah iyo kala qeybsanaan waxaa jiray shaki laga qabo in wax hagaagi karaan oo dowladnimad si dhab ah loo soo celin karo.
· Cadowga ka soo horjeedo soo celinta nidaamka iyo kala danbeyntu waxey lahaayeen awood xad dhaaf ah. Weyna ka midnimo iyo nidaam wanaagsanaayeen ummada inteeda kale.
· Cadowgu waxey ahaayeen mushakal huwan shaarar kala duwan, waxaa ku jiray mid diinta ku gabaday, oo taageero ku helay, mid qabiil huwan oo lagu taageeray, waxaa kaloo ku jiray tujaarul xarbi dagaalada ku maaleystay. Iyo mid shisheeye oo waxaa oo dhan dabada ka riixaayo sida Eretereya iyo kuwo kale.
Sidaasi oo ey tahay madaxxweyne Shariif wuxuu awooday in uu dowlada ka soo raro dalka jabuuti oo Muqdisho keeno. Waxaa xusid mudan dowlada ugama soo horeyn dalka wax aan ka aheyn dagaal iyo madaafiic kala eryey dadkii taageerada u ahaa oo ey ugu horeeyeen waxgaradka iyo culimada soomaaliyeed oo shirar yeeshey kuna baaqay in khilaafka wada haddal lagu dhameeyo. Iyagiina waxaa laga dhigay mid loo hanjabay oo cararay iyo mid la dilay.
Dhanka kale beesha caalamka oo iyadu taageertay doorashada madaxweyne sheekh Shariif balan qaadayna in ey garab istaagi doonto dowladan curdunka ah ee soomaaliya loo yagleelay ayaa sida marar badanba dhacdo aan ka soo bixin balantii ey qaadeen iyagoo arinkoodu uu noqday gawda maqashii waxna how qaban. Safarro badan oo uu madaxweyne Shariif ku kala bixiyey dalal badana waxba kalama soo noqon.
Waxaan xusuustaa mar uu madaxweynaha kulan la qaatay soomaalida Mareykanka in uu u sheegay in uu socdaalo ku soo kala bixiyey wadamo badan oo caalamka ah hase yeeshee uu ogaaday in soomali eysan laheyn saaxiib garab qabto oo ku saacido in ey dhubaatada ka baxdo. Taasna ilama aha in cid soomaalia ah shaki uga jiro.
Alla Shaqada madaxweyne Shariif loo dhiibay adkeedaa yeey!!!
Waxaa jirto maah maah oraneyso.
Horin ciidamo libaaxyo ah oo ey hogaamineyso neef ido ah waxaa ka adkaanaayo hurin ciidan ido ah oo uu hogaaminaayo libaax.
Waxaas oo caqabado ah waxaa madaxweynaha uga sii daraaday baarlamaan tiradiisu ey xad dhaaf tahay muqayiliintuna ey u badan yhiin oo uba qaatay in shaqadoodu tahay in ey mooshin keenaan si uu buuq iyo jahwareer u dhasho. Qaar badan oo xildhibaanada ka mid ah waxaa la dejiyey hoteelo naftooda lagu ilaaliyo halka qaar kalena ey Nairobi isugu tageen oo ey halkaas ka sameysteen xarun aan rasmi aheyn oo ey dowlada ka laqdabeeyaan.
Dagaalkii khawaarijtu ku soo qaaday dowlada waxuu gaaray in madaxtooyada dhowr boqol loo soo jirsado. Qaar badan oo ka mid ah wasiiradii iyo xildhibaanadii daacada ahaana ee dowladana waxaa heshay dhegertii ey cadowgu maleegeen oo iyagoo shaqadooda gudanaayo ayaa lagu tagay
Waxaan hubaa in rag badan oo maanta doorasho u ordaayo oo qaarkood yurub iyo Mareykanka ka soo naq raacay ey cagaha wax ka deyilahaayen hadii uu xaalku gaaro halkaas oo kale.
Laakiin madaxweyne Shariif wuxuu u dharab adeygey si uu dalkiisa iyo dadkiisa dhibaatada uga saari lahaa. Waxaana hubaa in uu ku tala galay in uu u adeegida dadkiisa iyo dalkiisa ama ku guuleysto ama ku shahiido.
Waxaan hubaa in aad wax badan goobjoog u aheyd oo aad aragtay Sheekh Shariif oo dareeska ciidamada ku lebisan oo ku sugan goobaha dagaalka.
Shaqadii u madaxweynaha shaqsiyan masuuliyada iska saaray waxey aheyd in dalku helo ciidamo aan qabiil iyo qabqable toona hoos tegin. Sidaas daraadeed wadan walbo oo uu tago waxuu ka codsanaayey in Soomaaliya loo taba baro ciidamada qalabka sido. Waxaa loo ogolaaday in ciidamada tababaro fudub loo siiyo iyo qoryaha AK47 . Ceyri ceymo madiidee arrintaas waa lagu guuleystay ayaa la dhihi karaa.
Xaga maamulka waxaa laga gaaray horukac aan la maleysan karin waxaana la aasaasay oo dhidibada loo taagay tiirarkii dowladnimada soomaaliyeed.
Tusaale ahaan, wasaaradaha xukuumada oo dhan waxey leeyihiin wafiisyo iyo goobo ey ku shaqeeyaan iyo shaqaale carbisan oo mushaar ka qaato dowlada. Bangiga dhexe shaqadiisa ayuu gudanayaa. Wasaaradaha arrimaha gudaha, maaliyada, arimaha dibada, gaashaandhiga, warfaafinta, dhamaantood waxey howlahooda u gudanayaan si hagaagsan. Gobolo badan waa xur, maamullo dowlada hoostago ayaana ka dhisan.
Dhanka arrimaha dibada waxaa laga gaaray guulihii ugu waaweynaa labaatankii sano ee la soo dhaafay. Madaxweynaha iyo xubhana kale ee dowlada waxey safaro badan ku kala bixiyeen dalal dibada ah si ey ugu qanciyaan in ey taageero la garab istaagaan dalka Soomaaliya.
Tusaalaha ugu wanaagsan guulaha laga soo hooyey arimaha dibeda waxaa ka mid ah xiriirka dalka Uganda, Burundi iyo Turkiga oo dhamaantood uu safarro ku tagay madaxweyne Shariif. Laga yaabee in aadan xusuusan aanse ku xusuusiyee dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka joogay ciidamo aad u yar, ka hor doorashadii sheikh Shariif sheikh Axmed, waxey ku hanjabtay in ey ciidamadeeda kala bixin doonto Soomaaliya hadii la carqaladeeyo howlaha markaas Jabuuti ka socday, hase yeeshee markii madaxweyne Shatiif la doortay waxey ogolaatay in ey soomaaliya taageerto ilaa ey lugaheeda isku tageyso. Burundina sidoo kale waxeyna soo badiyeen ciidamadooda si dalka dhibaadata uga boxo.
Laga yaabee in dadka qaar ku doodaan in Mareykanku taageero dalalkaas si aan meesha argagixiso u qabsan. Waxaan ku leeyahay adigoon dhankaas uun ka fiirin maad ka fiirisid in Soomaaliya ey heshay dalal taageero si ey lugaheeda isugu taagto oo weliba ogol in wiilashoodu u dhintaan xallinta mushkiladeena iyo soo celinta dowladnimadeena.
Sanadii 2009kii bartamihiisa (ma xasuusto taariikhda) madaxeeyne Shariif wuxuu booqasho ku tagay dalka Turikga. Waxaa loo soo dhoweeyey si ey la yaabeen soomaali badan. Sababtoo ah waxaa la rumeysan waayey madaxweyne soomaaliyeed oo sidaas loo darajeynayo. Booqashadaas waxey saldhig iyo aasaas u noqotay gurmadkii Turkigu u soo Gurmadeen soomaalidii macluushaneyd kal hore 2011kii. Booqashadii Shariif ee Istanbuul 2009kii waxey kaloo bud dhig u noqotay booqashadii taariikhda gashay ee raisul wasaaraha Turkiga iyo xubno ka mid ah dowladiisa ku yimaadeen Muqdisho si ey indhaha caalamka ugu soo jeediyaan xaalada macluusha ee soomaaliya.
Ma cidbaa shaki uga jiraa in madaxweyne Shariif uu ka shaqeeyey arrinta Turkiga.? Anigu waxey ila tahay maya cidii aan is yeel yeeleynin.
Dhanka Aminga Waxaan filayaa in ey tahay sadar muuqdo su’aal ka dhan. Muqdisho maalintii ey dowladu imaaneysey waxey aheyd meel 19 sano la awodi waayey in dowlad shaqeyso laga sameeyo. Maantana madaxda caalamka ayaa u tarmeyso in ey timaado. Ban Ki Moon wuxuu yiri shirkii London, hadal u dhigma “Muqdisho waa astaanta midnimada Soomaaliya.
Muqdisho hadii shalay hal qabiil degeynayeenoo iyaga looga danbeyn jiray, maanta Soomaali wey u siman tahay. Waxaa taas daliin u ah bal fiiri raga maanta u tartamaayo madaxtinimada dalka. Waa qabaa’il mushakal ah, dhamaantoodna waxey doonayaan in ey Muqdisho iyo madaxtooyadii ka taliyaan. Waxaa la soo maray maalin nin aan Hawiye aheyn uusan haweysan karin in uu Muqdisho cagta dhigo.
Madaxweyne Shariif waxyaabaha uu ka shaqeeyey waxaa ka mid ah in qurbajoogta iyo Soomaalida dibadda u carartay dagaalada awgood uu xukuumada qeyb weyn ka siiyo si ey uga qeyb galaan samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed.
Waxaa nasiib darro ah rag ka mid ah kuwii madaxweyne Shariif uu qurbaha ka keenay una dhiibay jagiiyinka dalka ugu sareeyo oo ey magaca iyo maamuuska ku heleen, ey maanta ka abaal dheceen madaxweynaha.
Waxaa cajiib ah in qaar ragaas ka mid ah ey isuba maleeyeen iskuna dayeen in ey sharaf ku raadsadaan wax qabadka madaxweynaha iyagoo aanba shaqada heynin wax ka badan bilooyin. Qaar raggaas ka mid ah waxey maanta ka shaqeynayaa in ey madaxweynaha luggooyaan halganka uu ugu jiro dib in loo soo doorto.
Anigoo aan cidna xaqireynin kana dhigeynin in madaxweyne sheikh Shariif keligiis wax walbo sameeyey ayaa hadana waxaan wada ogsoon nahay in howl walbaahi cida ka madaxda ah ey masuuliyadeeda leedahay guul iyo guul daraba. Amaan teeda iyo eedeedana sidoo kale.
Waxaa hubanti ah in madaxweyne sheikh Shariif dalka iyo dadka soomaaliyeed uu soo gaarsiiyey meel wanaagsan ilaa maanta lagu guuleystay in laga maarmo dalal shisheeye in lagu qabto dhismaha baarlamaanka cusub iyo doorashada madaxda dalka. Caasimadii loo caalwaayeyna ey marti geliso shirarka lagu dhisaayo dowlada cusub iyadoo nabad ah.
Gabagebo
In kastoo wax badan la qabtaymeel fiicanna la soo gaaray hadana waxaa hubanti ah in ey howl badani harsan tahay taas oo ey ka mid yihiin dhisida ciidamo qaran oo hanan kara aminga dalka oo dhan, dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, soo celinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo ka takhalusida haraadiga kooxaha nabadu dhibeyso ee qaska quudka ka dhigtay.
Sidaas daraadeed ayaa madaxweynuhu waxuu go’aansaday in uu isu taago doorasho kale si uu u dhameytiro howlaha baaxada leh ee weli harsan. Soomaalidu waxey tiraahdaa miro faraqaaga ku jiro kuwo geed saran looma daadiyo, baarlamaanka cusubi wey arkaan waxqabadka madaxweyne Shariif oo iyaga nafsadooda u saamaxay in ey Muqdisho u yimaadaan si ey xildhibaano u noqdaan dalkana ugu adeegaan. Weyna ogyihiin in Shariif ka hor uusan jirin xildhibaan iyo gole shacab oo ku riyoon karay in uu Muqdisho ku shaqeeyo.
Dabcan xildhibaanadu waxey xaq u leeyihiin in ey doortaan cid kale hadii ey u arkaan sidaas, laakiin waxaa hubanti ah in madaxweyne Shariif uu taariikhda ka galay baal dahab ah. Hadii dib loo soo doorto iyo hadii kaleba. Laga yaabee in dad badaneysan arrintaas igu raacsaneyn laakiin dib ayey ka ogaan doonaan! Wixii maanta kaa dahsoon maalin bey kuu bidhaamaan.
Waxaa qoray
Saciid Cabdalla. Saciid 31@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!