DHAGAYSO Cod sir ah: Madaxweyne Shariif iyo Lagudoomiyaha Gudiga Farsamada Xiirey oo isku qabsaday xiligii Salaadda

24/08/2012

.


 

Madaxweynaha Soomaaliya Sh Shariif iyo la gudoomiyaha gudiga Farsamada Xildhibaanada Cusub ayaa yeeshay dood kusaabsan waqtiga Salaadda La dukanayo.

Intii ay socotay dhaarinta Xildhibaanada Cusub ayaa madaxweynaha Waxaa uu amray in la joojiyo kulanka kadibna la aado salaada la iskuna soo laabto.

Hase ahaatee waxaa arintaas muran ka keenay la gudoomiyaha gudiga farsamada Xiirey kaas oo yiri “maan howsheena iska sii wadano”.

Madaxweynaha dowladda ayaa hadalka ku sii adkeeyay Xiirey oo yiri “ Meel lagu dukado lama waynaayo aan iska dul qaaaaadano aan dukano.

Waxaa dooda Labada dhinac soo kala dhexgalay Masuuliiyin kale oo goobta kusugnaa oo uu ku jiro Gudoomiyaha maxkamaad sare ee dalka ilka Xanaf.

Ugu danbayn ayaa waxaa loogu baaqay Xubnihii goobta kusugnaa in salaada lasoo dukato mudo 10 daqiiqo ahna ay fursad ahaan uhaystaan in ay soo dukadaan.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com