Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed: Gaarnimo Soomaaliyeed!!

11/07/2012

.


Dadweynaha Soomaaliyeed ee maanta ku firirsan gaafaha dunida waxa uu la mid yahay shimbiro geed ay ku kor noolaayeen salka laga rujiyey oo uu midba gees u hadaafay oo u buubay. Kala buubkaasu wuxuu saaqay bulshoweynnteenna heer qoys illaa qaran oo uu burburiyey wax walba oo u astaan ahaa magaca Soomaalida; hannaan, siyaasad, af, hidde iyo dhaqan. Intii burburka lagu jirey astaamihii Soomaali u gaar ahaa ayaa u gacan galay saamayn cusub oo ka geddisan tii aan kala kulannay gumeystayaashii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Carabtii Bariga Dhexe ee aan xiriirka taban la lahaan jirnay.

Sideedaba dadka dunida ku nool waxa uu u kala baxaa saameeye iyo saamaysane. Qayb inta ay dad kale u tageen bay saameeyeen, qaar na inta loo yimid baa la saameeyay. Marka dad arrimahooda la gorfaynaya na waa muhiim in loo kuurgalo cidda ay yihiin iyo cidda saamayn ku yeelatay. Sidaas awgeed, Soomaalidu kama marna arrintaas wax ku yeelashadeeda. Soomaalida sida loo saameeyey waxay la mid tahay sida Afrika inteeda kale, gaar ahaan, qaabka xiriirkeennii dheeraa ee aan la lahayn Bariga Dhexe uga muuqdo taariikhdeenna si taxane ah. Tusaale ahaan, xiriirkii Soomaaliya la lahayd Masaaridii hore, shan kun oo gu’aad ka hor, waxa uu sii jirey waagaas ka hor muddo  ka badan labo kun oo sannadood. Masaaridii hore ee Soomaaliya u taqaannay Dhulkii Eebbeyaasha ayaa ay saamayntoodii dhaqan Soomaaliyeedka weli ku dheehan tahay.
Saamaynta xiriirtada sooyaalku wadaagaan ma dheellitirraan karto mar walba, dhib iyo dheefba, waa suurogal in ay gebi ahaan dhan u janjeerto. Badanaa se, saamaysanuhu wuxuu u jaanrogtaa geeddiga loo lallabay oo i) u dhaqmaa qaabka uu saameeyaha ka dhaxlay ii) halbeegsadaa minguurinta asal ahaanshaha saameeyaha intii uu awoodo iii) u dhuundaloolaa waxyeellada; siyaasadda, dhaqanka, luuqadda iyo dhammaanba wixii lagu beero iiii) ka waabtaa oo ka giiryaaleeyaa u kuurgalka in la summadeeyay amma baaridda qaabka loo summadeeyay. Maadaama dunida oo dhan habkaanu ka hirgalay, qaaradda Afrika waa u gaar. Inta loo yimid Afrika baa sidii la doono laga yeelay oo wixii la doono lagu beeray ku na nagaan tahay weli. Bartaas waxaa ku cad Afrikaan kala afaf ah, kala dhaqan ah, kala siyaasad ah, kala diin ah, kala lebbis ah, iwm oo wadaaga midab keliya inta kale se dheehan dhammaan astaamaha dhaqannada gumaysigii saameeyay.
Summadahaas shisheeyeed kaalintooda ayay ku lahaayeen dagaalladii aafeeyey Afrika ee ay ugu horraysay ka gilgilashadii siyaasaddii hantiwadaagga ee Midowgii Soofiyeeti ka soo faaftay ee Afrika ku fidday ee waagii Soofiyeedka dalalka soo koraya lagu hoggaaminayey, ka dib na dalalkaas dagaallo ka curteen. Hantiwadaaggii dunida saddexaad ku habsaday gobannimadii ka dib wuxuu ku salaysnaa ka hortagga gumaysigii reer Galbeedka. Labo isdiiddo-Bari iyo Galbeed-oo lagu dirqiyay ayay ahayd, labo saan oo aan loo asal lahayn ayay ahaayeen.
Si kasta ha ahaato’e, si kasta waayaha adduunyadu ha isu rogaan’e, Soomaalidii hore markii ay ka arriminayso xaajad ayaa geed hoostiis inta la fariisto ayay qoloba waxay gocanayso gabay ku soo bandhigi jirtay oo arrinta oo dhan gabay lagu xallin jiray, ayada oo ay jirin wax tiraab ah oo la isku yiri. Hodantinnimada dhaqankii Soomaaliyeed ee saafida ka ahaa farogelin shisheeye ayaa lagu badbaadi jiray oo weliba uu ku suntanaa jiritaankeenna asal ahaaneed, taas oo ahayd gaarnimo Soomaaliyeed.
Dagaalladii sokeeye ka dib - iyo horraantoodiiba - ayaandarro, dhaqan Soomaaliyeedkeennii soojireenka ahaa ee la jaangaadi jirey dadyowga ku abtirsada Kushitigga Geeska Afrika, oo la rumaysan yahay in uu yahay asalka ugu faca weyn dunida, ayaa qarka u fuulay dabar go’ dheellitiran. Murugoba murugo ayay isugu dhiibtay dadkeenna, hoggaanba hoggaan buu ka xumaa. Muddadaas madoobayd aad ayay u weynayd baahida loo qabay hoggaan dadku ku diirsado oo muujiya diracnimo loo hilloobo.
Kow iyo labaatan gu’aad ayaa Soomaaliyi ku guuldarraysatay xaqiijinta nabad buuxda, iyo hoggaan u heeggan badbaadada dadweynaha iyo dalka. Wax badan baa laga yiri sababaha horseeday burburka Soomaaliya, wax badan na waa laga faallooday xal u helidda ayaandarradeenna. Marxalad walba se duruufaheedu waa u gaar, waxaa na marag-ma-doonto ah in maankeennu gaajeysan yahay oo aqoonyari baahsan ka muuqato dadkeenna oo aan la jaanqaadi la’nahay marxaladaha iyo duruufaha ay sidaan. Soomaali ahaan cabsi ayaan ka qabnaa aragti cusub iyo garasho aan ahayn tii yaraanteennii na lagu soo barbaariyey. Intaas yar iyo godobaynta wixii intaas yar ahayn baan ku mashquulnaa. Cabsidaas awgeed marxalad kasta oo nagu cusub daahfurka duruufaheeda u gaarka ah, ka digtoonaanta dhibaatooyinkeeda iyo ku dhiirrashada faa’iidooyinkeeda waxtarka leh, waxaan ka doorbidnaa oo caado inoo ah in aan gebigeed gaashaanka ku daruurno si aannu togteenna uga dhaqaaqin.
Guuldarrada hanashada hoggaan u heellan mudnaanta danta waxay soo afjarantay markii uu saaxadda ku soo biiray Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, goor ku beegan faafiddii ururkii Maxkamadaha ee sannadkii 2006-dii. Ka gadaal dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay horraantii sagaashameeyadii ee lagu afgembiyey taliskii militariyeed ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee marxuun Maxamed Siyaad Barre ee dalka hoggaaminayey toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii, ma jirin cid si buuxda u hanatay kalsoonida dadweynaha sida uu Mx. Sheekh Shariif u hantay. Ma jirin siyaasi aan cagahiisa dhiig ka dhibcayn oo nabad iyo kalsooni dadweyne ku yimid Villa Soomaaliya. Dadweynuhu na ma hanan siyaasi sidiisa oo kale u soo halgamay danahooda guud. Siyaasadda Madaxweyne Shariif waxay ku salaysan tahay;
·         ka barbaaridda siyaasadda qabaliga ah ee inta badan madaxdii Soomaaliya soo martay hankoodii ugu dambayn hal bacaad lagu lisay ka dhigay
·         ka caagganaan danaha gaar ahaaneed
·         siyaasad gundhiggeedu yahay; dulqaad, wadahadal iyo qunyar socosho (taas oo ay isku waayeen saaxiibbadiisii hore, sida Daahir Aweys, iyo qaar kale)
·         siyaasad ku salaysan wixii suurogal ah
Madaxtinnimadu waa wax ku yeelashada baalalka taariikheed iyo waxa ku kaydnaan doona qaayahooda. Waa waxa ay taariikhdu kaa tiraahdo iyo sida laguu tebo marka talisku dhammaado, waxay ahaataa mid ku qotonta maahmaahda ah; nin maqan tebistii waa nin jooga ceebtiis. Gaarnimada siyaasadda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee u tabaabushaysan danta guud mudnaanteeda, dulqaadka, qunyar socodka iyo u dhiirrinaanta wixii suurogal ah ayaanan beryahaan dambe lagu arag carriga Soomaaliyeed. Mx. Sheekh Shariif wuxuu Villa Soomaaliya dhex fadhiyey ayada oo xabbaddu daaqadda ka soo dusaysay
Madax ammaan iyo bogaadin mutaysatay waayo badan oo ba’an ayay bulshadu ka dhursugeysay. In aan madaxdaas dhoy u yeelanno oo ku dheygaagno oo ku dhaayanno na waa’ fog ayay bulshada weyraxday ee madax-baas ka wiswistay ku qaadan doontaa. Wax la aamminaan jirin in dhoweyd.
Waa suurogal in Soomaaliya hanato nabad buuxda, in madax kale u tartanto jagada dalka ugu sarraysa, in ay soo baxaan madax dhan san dalka u jiheeya iyo in ay soo baxaan Soomaali u guntan waddanniyadda dalku u oomman yahay. Guulahaas oo dhammaantoodu bilow ahaan  haatan u gooni yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaar siyaasadda muddo ku guda jirey ku seegay mudashada garaadkaas, isla mar ahaantaas, ay qayb dambe oo xilkasnimo muujin doona u yihiin gogolxaar tusaaleed laga tixraaco mustaqbalka.
Hab maamulka dhaxal galka ah oo uu Mx. Sheekh Shariif la yimid wuxuu ballaqay irrido badan oo maanta ah oo ugu horrayso nabadda Muqdisho ka jirta. Waxaa looga gaashaaman karaa imaatinka hoodo-laaweyaal bulshada horor kale u horseedi kara. Garaadka uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed mutaystay wuxuu u dhigmaa gaarnimo Soomaaliyeed taariikhda ku dhignaan doonta. Gunaanadka dagaallada sokeeye ayaa fursad dahabi ah banka u dhigtay in Soomaaliyi dib u hanato; hannaankii iyo haybaddeedii, afkii iyo dhaqankeedii, dadnimadeedii iyo hagaagsannaanteedii iyo weliba waddo jiilka dambe ku gaax-nuugo.
Ilayska nabadeed awgiis Soomaaliyi kala buubkii waxay durba u beddelatay isu duub ay ku tartamayso dib u gurasho, boorka iska jafayso, qummaati u istaagayso si ay tigaantig kale aayaha u dhigto oo mar kale kaalinteedii dunida ugu yeelato. Waxa laga gudbay xilligii kooxaysiga, qabiilaysiga - ee qoloba dhiigyocab qabiilayste ah gees u gooftay - xagjirka, iyo colaadda miiran. Qaarka kale ee qiiradu dillootay ee ciil iyo caadifadda la cirraystay ee weli gocanaya la na taahaya wixii laga soo gudbay ee waallida weheshada, waxa la gudboon garwaaqsi iyo niyad sami oo boogihii la dhayo ee aan dib loo dhaawicin. Falkaas keliya ayaa sugan in aad u guntataa.
S. Shire
Dantaguud@hotmail.com


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com