Midnimada Soomaaliya, xiliga kala guurka iyo Hadafka Faroole Maxaad kala socotaa?
.
|
Midnimada Soomaaliya, xiliga kala guurka iyo Hadafka Faroole
52 sanno ka hor,1dii Luulyo, 1960-kii Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa niyad jab waxaa ka qaaday Gumeystiyaashii laga xuroobay iyo Boqorkii Imbaraadooraydii Dhulgoosatada Itoobiya, Haile Selassie oo markii xaqiiq dhab ah ay noqotay in dunida guudkeeda iyo xaruntii Ummadaha Midowbayba laga dhex arko dowlad Soomaaliyeed lehna madaxbannani siyaasadeed oo ku timid Midowga ay sameysteen shacbiga Ex British Somaliland Protectorate iyo Ex maxmiyaddii Talyaaniga ee Maamulkii AFIS ee Koofurta Soomaliya. Emperor Haile Selassie, waxaa u qoorsheysnayd, meel kastana u maray inaysan dhaboobin madaxbannaani iyo midnimo Soomaaliyeed iyo gaar ahaan, dib u midoobid kale oo ku yimaada mustaqbalka Soomaalida kale ee maqan. Wuxuu wax badan u halgamay, xooggana saaraayay labadaas gobol ee xoroobay in la hoos keeno awoodaha boqortooyadiisa.
Emperor Haile Selassie, kuma ekaan inuu ka xumaado kaliya Madaxbannaanida iyo israaca Muqdisho iyo Hargeysa, bal wuxuu quwadihii adduunka ee ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa weydiistay taageero Milateri iyo mid siyaasadeedba, si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karta Jamhuuriyadda curdanka ah, wuxuuna ka dalbaday inay caqabad ku noqdan jiritaanka Soomaaliya. Emperor Haile Salaassie, wuxuu ku doodi jiray, " Waxay yihiin (Soomaalidu) dad reer guuraa' ah oo aan u qalmin inay noqdaan dowlad gaar ah oo leh dal ka madaxabannaan imbaraaddooriyaddeyda, iska daayee, in la wada xaqiijiyo isku tag iyo mustaqbalka jiritaanka hadafka ah waxa loo yaqaan Somaliweyn".
Dowladnimada Soomaaliya in la fashiliyo waxaa weligeed ahaan jirtay wax soo jireen ah, dowladdaha deriska iyo kuwii dalkeenna soo gumeystayba, waxay adeegsan jireen si toos ah iyo si dad ban, siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah, waqtiyo ku beegan xiliyadiii xurnimo doonka iyo waayihii maamulkii Xukuumaddii dhaakhliyada. Asqaastaas siyaasiyiinta ah, waxay ku guuleysteen hadafkii SYL, wixii ka dambeeyay sannadkii 1956dii oo ka weeciyaan maaba'diidii halganka, taasi beddelkeedana waxay keeneen in ay ku fashiliyaan qiyaamiyin ku saleysan qaabab qaawan ee qabyaalad caddaan ah.
Sannad ka hor waqtigii xuriyadda, waxay arrintaas daraateed ay u abuureen urur loo yaqiin "Great" foodaawi ah, faashilna ah. waxaa ku mideysnaayeen dad kulmiyay qiiro iyo dareen qabiil iyo xubno dhallinyaro ah oo aan lahayn xadaarad, aqoon iyo meheradba, wada reer miyi badawiin u badan. Waxaa badankood laga soo uruuriyay miyiga gobolkii "Ex regione Migiurtinia" iyo qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaasoo si xiriir ah mudaahaaraadyo iyo rabshado dhiig wata ka sameyn jireen magaalada Xamar gudaheeda. Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in laga hortago 1960ka dowaladda dhalan doonta jagooyinkeeda ugu sarreeya sida Madaxweyne ama Ra'iisul wasaare aan iyagu ka mid ahayn, xitaa haddii Gobalada Waqooyiga ee Somalia ka mid noqoto Jamhuuriyadda xorta ah ee abuurmaysa 1da Luulyo,1960.
Hadafkii qabaliga ahaa, kuna saleysnaa inqilaabkii fashilmay ee Cirro 1978 iyo soo if-bixii jabhadii SSDF, laguna aasaasay Addis Ababa, markii dambana ku dambeeyay taariikh guuldarro ah iyo maleeshiyaadkoodii dhafoorqiiqa loo yaqiin aaqarkii iyaga aan waxba tarayn loo adeegsado burburintii Hargeysa iyo Xamar ayaa waxay astaamo iyo xaqiiqooyin dhab ah u yihiin inaan Soomaaliya horumar, midnimo iyo madaxbannanideeda dowladeed la xaqiijin karin ilaa hoggoonka Siyaasadeed ayan hor boodeyn dad sinjigooda ka soo jeeda. Sidoo kale, waxaa afkaartaas gaboobay, guunkana ah, sannadkii 1997 wuxuu Meles Zenawi ugu xeeriyay asaaskii maamul beeleedka la baxay Puntland oo dhismahiisa iyo barnaamijkiisaba loo maraayo inaan Soomaaliya ka dhalan dowlad xoog leh, dadkeedana ku mideysan yahay. Taas baddelkeedna laga hirgeliyo hannaan federalism ah, dowladda dhexana tahay mid si aad ah u tabardarran, midda qaybqaybsanaanta ahna ee maamul beeleedyada deegaanada noqdaan kuwo aan lahayn jaho maamul ee la raaci karo.
Ninka la yiraahdo Abdirahman Faroole, ayaa si daacad ah u ah adeegaha la isticmaalo oo aan xishoodka lahayn ee la raba in Soomaaliya lagu burburiyo. Wuxuu hoggaanka u qabtay koox loo tarbiyeeyay in la wiiqo sumcadda Soomaaliya ku dhex lahaan karto beesha caalamka iyo in laga soo kabto aafaddii dowlad la'aanta iyo colaadihii jiray. Waxay hortaagan yihiin nabad iyo midnimo ka aslaaxdaa dalka. Waxay qas ku haayaan hadafyada dib u hehiisiinta Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan, wada hadalada u furmay TFG iyo Somaliland. Faroole oo aan la gamban damacyada qabaliga ah, wuxuu yiri, "anaga haddaan nahay reer Puntland, waxaan nahay miisaanka Soomaaliya, wada hadalka Koofur iyo Waqooyinna haddii aan anaga xubno ku lahayn wax ka soconaaya ma jiraan". Wuxuu si caddaan ah uga hor yimid wada hadalkii Dubai ku yeesheen Shariif Sh Ahmed iyo Ahmed Siilaanyo oo labada dhinac kala matalaaya. Wuxuu inkiray inay midnimo Soomaaliyeed soo noqon karto.
Ujeeddooyinka Abdirahmaan Faroole, waxay yihiin kuwo dabada heysta laga soo bilaabo 1956dii, xiligii daakhilyada, afar sanno ka hor qaadashadii madaxbannaanidii Siyaasadeed. Haddana, waxaa Addis Ababa looga soo dhiibay, dastuur aan macno badan lahayn, kaasoo, ujeeddadiisu tahay in lagu beddelay qabyo qoraalkii ay sida sharciga ah u soo daahinaayeen Guddigii dastuuriga ah ee Madaxabannaan, kaasoo socday qoraalkiisa muddo ku siman ilaa afar sanno ah, doodahiisana u socdeen si furan ee dadweyne.
Waxaa yaab leh, xushmadda qarameedna ka baxsan, Faroole inuu ku eedeeyo dastuurka qabyo qoraalka ee Guddiga Madaxabannan u xilsaaran yihiin qoraalkiisa, "inuu ka horimaanaayo midka Puntland, ku baaqaayo inuu dhismaayo dowlad dhex ee awood badan, Maqaamka Xamar oo uu su'aal geliyay iyo kuwo kale ee saameenaya ilaa 70 qodob. Wuxuu hadda ku doodayaa mid mugdiga ah ee isla oggolaadeen, waxa lagu sheegay "Saxiixiyaasha 6da ah", inay Puntland u soo martay halgan dheer oo odayaasha iyo Golaha ansixinta doostuurka "Assambly constituency" midkoodna aan awood u lahayn inay wax ka beddelaan, wax ku daraan ama ka dhimaan. Wuxuu ku faanayaa in xudduudaha Soomaliya haddii dal kale wax ku soo sheegto, sida dhul, bad iyo hawoba, "Borders on Territorial Integrity, Continental Shelf and Atmosphere" wada hadal laga geli karo.
Arrimahaan oo dhan waxay ku soo beegmaayaan xili la rabo in laga gudbo "Ku meelgaarnimada" iyo si waafi ah loo xushmeeyo, iyadoo la eegaayo danaha qaranka, wadahadalka u furmay Waqooyi iyo koofur. Faroole iyo inta la saanqaadaysa ayaa waxaa waxgarad badan ku tilmaamaayan inay caqabad ku yihiin howlaha loogu adeegayaayo amaanka, midnimada iyo wadajirka qarameed ee Soomaaliya.
Haddaba, Somalia inay horay u socoto, waxaa horumarkeeda iyo danaha nabadgelyadeeda looga maaro' la'yaha laba horjoogayaal xajiriin ah, mid waa mid diimeed oo ah Ahmed Godane iyo midka kale oo u muuqda mid qabiileed ku caan baxay ee Abdirahmaan Faroole, waxayna labadooda howlgalada ay wadaan wadaagaan astaamo isku mid ah, kaasoo iskugu imaanaya in dunida guudkeeda looga tago Soomaaliya oo burbursan, dowlad la'aan ah, dadkeedana dhinac qabiil iyo xag firqooyin diini ah ku kala qayb qaybsan yihiin.
Taladiina, ku saleyan amaanta iyo dhaliisha toosineed ku soo dir Emailkaan Muxiyaddiin@hotmail.com
Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!